CWXO oo ciidanka gumaysiga duleedka Dhagaxbuur markale ku weeraray jab culusna gaadhsiiyay.

Dec 31, (2012 (QOL) Wararka gudaha Ogaadeenya naga soo gaadhaya ayaa sheegaya weeraradii ay Ciiddanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ciidanka gumaysiga ku qaadayeen in ay wali halkoodii ka sii socdaan, dagaalkii ugu dabeeyay ee CWXO ay gumaysiga ku wiiqeen ayaa ka dhacay Tuulada Cawl-Kudhal oo Magaalaada Dhagaxbuur u muuqata.

Weerarkaas oo siaad ah acdowga loogu wiiqay waxaa lagaga dilay saraakiil & askar badan oo aan wali tirdooda rasmiga ah la helin, dagaalada aan kala joogsiga lahayn ee ciidda Ogaadeenya gumaysiga lagaga sifaynayo ayaa maalmihii u dambeeyay guud ahaan dhulka Ogaadeenya ka socday waxaana dagaaladaas jab culus loogu gaystay ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Tigreega.

Sikastaba ha ahaatee CWXO waxay si dhab ah u wiiqeen awoodii & qabkii gumaysiga waxaana maalmahan dhulka Ogaadeenya si weyn looga dareemayaa weeraradaas oo dhamaantood gumyasiga lagu jabiyay waxaana dhaqdhaqaaqa CWXO si weyn ugu riyaaqayshacabka Ogaadeenya oo dibad & gudaba uga tahniyadaynaya.

Darwiisha Macalin
QorahayMedia
Ogaadeenya
qorahay@yahoo.com

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online