Deg-deg Gudiga Doorashada Kenya oo ku dhawaaqay in Md Uhuru Kenyatta Guulaystay.

Warar

Gudiga Doorashooyinka Iyo Xuduudaha Dalkani Kenya ayaa Daqiiqado ka hor Shaaciyay Natiijada Doorashadii ku Celiska ahayd ee Dalkani Kenya ka dhacday 26-kii Bishan October kadib markii ay Maxkamadda Sare ee Dalkani Kenya laashay Natiijada Doorashadii Hore ee Kenya oo dhacday 8-dii August ee Sanadkan, waxayna Galabta Gudiga Doorashooyinka Kenya ee IEBC ku dhawaaqeen in Doorashada uu ku Gulaystay Madaxweynahii Hore ee Kenya Uhuru Mongai Kenyatta.

Incumbent President Uhuru Kenyatta reacts after he was announced winner of the presidential election at the IEBC National Tallying centre at the Bomas of Kenya, in Nairobi, Kenya August 11, 2017. With him is Deputy President William Ruto. REUTERS/Thomas Mukoya
Incumbent President Uhuru Kenyatta reacts after he was announced winner of the presidential election at the IEBC National Tallying centre at the Bomas of Kenya, in Nairobi, Kenya August 11, 2017. With him is Deputy President William Ruto. REUTERS/Thomas Mukoya

Doorashadan oo si weyn loogu kala qaybsanaa kama aysan Qaybgalin Xisbiga Mucaaradka ah ee Kenya ee NASA oo ay si weyn Isu hayeen Xisbiga Talada Dalka Kenya haya ee Jubilee waxayna ku dhawaaqeen in Go’aankooda kama dambaysta ah ay Caawa soo saari doonaan Xisbiga Nasa ee Raila Odinga.

Ma Cadda sida uu noqon doono Ammaanka Dalka Kenya oo aad looga Cabsi qabo in Qalalaase Siyaasadeed uu ka dhaco maadaama si wayn la isugu diidan yahay Doorashadan Iyo Qaabka ay u dhacday.

http://picasion.com/

Qorahay Media

1,197 total views, 0 views today

Share
Warar
Ciidamada Lugta Ah Ee Turki Oo Gudaha U Galay Deegaano Waqooyi Syria Ah Guulana Ka Sameynayo

Ciidamada Lugta Turkiga oo wata taangiyada dagaalka, ayaa Maanta gudaha u galay Waqooyiga Syria, si looga takhaluso dagaal-yahanada Kurdiyiinta Syria, iyadoona uu ujeedku yahay in laga saaro deegaanada ku teedsan xadka labada dal. Dowladda Turkiga, ayaa Sabtidii qaaday guluf ballaadhan oo ay qayb ka yihiin diyaaradaheeda dagaalka, kadib markii Madaxweyne …

4,604 total views, 0 views today

Share
Warar
Yaa Masuul Ka Ah FashilkaIyo Fowdada Dowlada Farmaajo? Wax Ka Ogow

Dad badan ayaa la yaaban isbedallada iyo fowdada ka dhex jirta dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyadoo Masuuliin Badan Xilka zlaga Qaaday Halka Ay Qaar Kale Iyagu Iska Casileen Xilalkoodi Xogta aan helnay ayaa caddeneysa cidda qaska ku haysa dowladda Farmaajo, waxayna dad badan aaminsan yihiin …

5,061 total views, 0 views today

Share
Warar
Alshabaab Oo Wadada U Galay Ciidamo Koonfur Galbeed Ka Tirsan Iyo Khasaare Ka Dhashay

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya degaano ka tirsan Gobolka Baay dagaal khasaare dhaliyay ayaa waxa uu dhex maray Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab. Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar jidgal ah u dhigay Ciidamo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur …

5,464 total views, 0 views today

Share