Deg deg: Somalida Oromadu xasuuqayso ee deegana Balbalayti oo sii kordhaya

Warar

Waxaa maalmahan aad u sii kordhaya qaylo dhaanta ka soo yeedhaysa dadka Somaliyeed ee ku dhaqan badhtanka Oromada dadkaas oo dhibaatooyin baahsan la soo gaadhsiiyay waxayna shegeen in lalaynayo loona dilayo Somalinimo, waxaa kamid ah meelaha ugu daran degmooyinka ku hareeraysan Balbalayti oo tiro ahaan 40 kor u dhaafaya.

Odayaasha deegaankaas oo u waramay Warbaahinta Qorahay Media oo ku sugan Daarulana & Boorko ayaa sheegay in ay khatar ku sugan yihiin dadkodiina la laayay mid kmaid ah Odayaashaas oo lagu magacaabo Cali Muxumed Deel ayaa yidhi “Go’doon ayaan ku jiraa umadda Somaliyeed gurmad ayaan ugu baahanahay xolahanagi waa la qaaday dadkanagiina maalinkasata waa la laynayaa waxayna tiradu hadda maraysaa 288 ruux marka Somaliyeed garab ayaan maanta idiinka baahanahay” Sidoo kale odayaal kale ayaan waraysanay si aan xaaladooda wax uga ogaano aad ayay uga dayrinayeen dhibaatada lagu hayo oo baahsan.

balbalayti5

Dhanka kale arintan waxaa dabada ka riixaya gumaysiga Itoobiya oo isagu doonaya in uu ku damiyo kacdoonada ku socda waxaana dabinkaas lugaha la galay waa qowmiyadda Oromiya oo xasuuqaysa dadkii la daganaa ee mudada dheer halkaas ku wada nolayeen, xaaladu aad ayay u xuntahay mana jirto dadkaas wax garab u ah oo arintooda ka hadlaya warbaahinta Somalidu way ka gaabsatay sida muuqata Waxay odayaashu baaq u dirayaan dhamaan umadda meel ay jogaanba.

Wixii ka soo kordha kala soco wararkanaga dambe

Qorahay Media

2,400 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,489 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

2,976 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,596 total views, 0 views today

Share