Dib u milicso gabayga Hiillo & Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey (Afjano)

Thursday, November 30, 2017       Views
Spread the love

Suugaanta noocyadeeda kala duwan waxay Soomaalida ugu jirtaa kaalin muhiim ah waayadii horena waxayba ahyad hubka lagu dagaalamo, luuqada lagu xaajo qaato & dhambaalada la isu gudbiyo laguna kala warqaato, suugaantu waxay weelaysaa seesna u tahay afka, dhaqanka & deegaanka intaba guud ahaan umadda Soomaaliyeedna waxay hodan ku tahay suugaan aad u qiimo saraysa.

Hadaba meelaha sida tooska ah suugaantu ugu haboontahay waxaa kamid ah halgan marka lagu jiro waxayan suugaantu ka dhigantahay qaybta ugu miisaan culus ee halgan sidaas darteed halganka soo jireenka ah ee Ogaadeenay ka socda waxaa qayb libaax ka qaatay hal abuur rag & dumar isugu jira oo in badan maskaxdooda ka tuujiyay xikmad dhagtii maqashaayi ay hinqato.

Abwaanada halganka Ogaadeenya tacabka badan ee suugaaneed galiyay waxaa kamid ah Roda Ibraahim C. Gurey (Afjano) oo yaraan halganka & suugantaba ku bilowday walina si soofaysan oo xanaf xoogan leh suugaanteeda halganka ugu geedi galinaysa, gabayad abwaanadda waxaa ku jiro kuwo marxaladaha ay ku soo beegmeen si dhab ah uga turjumaya waxaana kamid ah gabaga Hiillo oo muujinayaa in xilligani uu yahay mid cid kasta oo gumaysiga Ethiopia dulmi ka tirsanaysay u hiilinayay waxaa kale oo gabaygu muujinayaa adkaysiga shacabka Soomaalida Ogaadeenya wuxuuna ku tirtirsiyayaa in la dardar galiyo halganka mudada soo socday.

Halkan ka dhagayso gabayga Hiillo oo sida xaqiiqada ah ruux dhagaystaa uu marar badan ku celceshanayo.

Qorahay Media

1,040 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]