Dib u milicso Gabaygii Dhalinyaro & Abwaanad Rooda Ibrahim C. Gurey (Afjano)

Suugaanta

Gabayga Dhalinyaro oo kamid ah kuwa ugu caansan ee ay horaan curisay Abwaanad Rooda Ibrahim C. Gurey (Afjano) ayay si weyn ugu gubaabinaysaa Dhalinyarada ayada oo cadaynaysa faa’iidooyinka ay dhalintu bulshadooda u leeyihiin & kuwa u istaagan xoraynta dalkooda sida ay uga niib kenaan.

Waxayna si gaar ah u tilmaamaysaa Naftood hurayaasha u istaagay xoraynta dalkooda ayada oo tilmaamaysa dhibatooyinka loo maro Halganka & sida ay dhalintu u jiidho ee ay u hantiyaan dalkooda waxaana kamid ah hadalada Abwaanadda ee xaqiiqada ku qotoma
Dhalinyardu saan garanay waa udub dhaxaadkiiye
Waa dhabarka tiirkiisa & dhuuxa bawdyaha’e
Markay dhiigbaxaan gobanimadu way u dhowdahay”.

Halkan ka Daawo.


Qorahay Media

16,920 total views, 0 views today

Share
Warar
Daawo Khudbaddii Mudane Sulub Cabdi Ahmed oo Kooban.

Mudane Sulub Cabdi Ahmed oo kamid ah Masuuliyiinta Sare ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya JWXO ahna Xubin kamid ah Gudiga Jabhadda ONLF u qaabilsan Wadahadalada ONLF & Ethiopia ayaa shalay Khudbad Kooban U Jeediyay Boqolaal Qof oo kamid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi kuwaasi …

3,269 total views, 0 views today

Share
Warar
Daawo Khudbaddii Drs Cibaado Hirsi Mahad Hogaanka Dhaqaalaha ONLF – Shirkii Nairobi.

Hogaanka Dhaqaalaha Iyo Maaliyadda Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya JWXO Marwo Drs Cibaado Xirsi Mahad ayaa shalay Khudbad Kooban U Jeedisay Boqolaal Qof oo kamid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi kuwaasi oo kasoo qayb galay Xaflad balaadhan oo ay Jaaliyadda Ogaadeenya ee Nairobi Madaxda JWXO …

3,426 total views, 0 views today

Share
Warar
Cududa ONLF iyo cidhib go’a Tigrayga

Marka aad aragto cududa shacabka halgamaaga ah ee ogaadeniya, .Marka aad aragto hanka iyo doonista sare ee Masuuliyiinta iyo hubnaha ONLF oo saldhigiisu yahay xoriyad iyo aayo katashi Midnimo iyo wadajir .Marka aad aragto hufnaanta iyo bisaylka madaxda iyo kaadirka Jabhada ONLF Waxaad garwaaqsanaysaa in ay maanta jwxo Joogto heer …

6,509 total views, 0 views today

Share