Dilka ayeeyo Canbaro waa tijaabo kale oo damiirkeena lagu eegayo

Saturday, December 2, 2017       Views
Spread the love

Dadka iyo dalka Ogadenya ilaa xiligii la qabsaday warjeef iyo falal fool xun ayaa dhacayay mana jiro wax soo cusboonaaday oo ka duwan wixii ay gumaysiga iyo hadba kooxada isu duleeyaa samayn jireen waxaa shalay naf baxday rabbi ah u naxariistee ayeeyo Canbaro Sheikh Dayib Xaaji Barkhadle oo ahayd waayeel aan xis iyo caafimaad midna haysanin, marxuumad Canbaro waxa maanta Ogadenya ka jira way ilowday maskaxdeedana way ka bexeen waxaana gurigeeda ka jiitay rag wali nolosha aduunka rajaynaya oo ay dhamaantood ayeeyo ugu qumantahay xaga da’da.

cam

Waxaa la innoo xaqiijiyay kooxda dhiig ku naaxa ah ee Hawaarintu in ay ayeeyo Canabro gaadhi guradiisa kore si arxan darro ah ugu dhex tuureen kadibna ay meel la taggeen kuan jidhdileen waxaa maamadaas cadka ahayd ee cimrigeedaba saacaduhu ay ka hadhsanaayeen loo jidh diilatay wax aysan ka jawaabi karin wax uu garaadkeedu waa hore ka faro xashay, ruux da’daas gaadhay oo xiskii lumiyay wuxuu la mid yahay ilmo sabi ah waana xiliga uu ilmaha yar ee dhashayii xitaa libaax haduu arko raaco ee uusan kala aqoonin dadka iyo dugaaga.

Hadaba ayeeyo Canbaro dugaaga gurigeeda ka jiitay ayeeyooyin, awooweyaal, hooyooyin, aabeyaal, adeeroyaal, eedooyin, habaryaryaal iyo ubadkii intaas laga beeray ayaa gacantooda ku maqan oo wax ay qasheen, wax ay xabsiyada ku jidhdilaan, waxa ay handidoodii ka faro madoobeeyeen iyo wax ay baro kiciyeen u qaybsamay, kuiwa waxaas gaysanaya xumaanta noocyadeeda ayay qayb u heleen waana kuwo cuqubooyin ururay ay hantidoodu tahay dhibka ay gaysanayaan midhihiisana iyaga ayaa leh, waxaa dhaqan, shaqo sharaf iyo geesinimo u ah waxyaalihii laga ducaysanayay oo dhan, saaka tacsida ayeeya Canbaro mid ka weyn waan hubaa inay u atalo ehelka qaraabada iyo hooyooyinka dhalay wiilasha dhaqan xumada la goonida ah qarracana wuxuu haysta hooyo kasta oo wiilkeedu uu kamid yahay Hawaarin (Liyuu Police iyo kuwa horjoogaha u ah.

Sahcabka dibad iyo gudo ku sugan maxaa la gudboon?

Shacabka Ogaadeenya ee dulqaadka iyo sabbirku hantida u tahay waxaa la gudboon in ay jabiyaan darbiga sanadahan dambe lagu wareejiyay kaas oo ah sababta ay waxani u dhacayaan kol hadii uusan ruux nooli geeri huraynin, kol hadii uusan waxa inagu dhacaya dad gooni ah ku dhacaynin ee maalinba aqal la galayo, kol hadii aamusnaantu ay inna badbaadin wayday kol hadii xurmada dadkii mudnaa laga xayuubiyay kol hadiui waayeel cad ah iyo sabi dhashay oon hadal baranin isku si loo dardaray ma jiro wax aynu dhawran karno mana jiro sabab aynu u sii dulqaadano sidaas darteed waa in aynu si akma dambays ah u istaagnaa.

Adiga oo xuquuqda dadkaaga u dagaalamaya dhibaatooyinka gumaysiga iyo kooxda isu dulaystay ay gaystaana soo badhigaya hadii qoyskaaga lagu soo jeedsado maxaa kula gudboon.

Kol hadaad dareentay dhibka dadkaaga haysta damiirkaaga ayaa fayow waxaanad qaadayasa talaabooyinka kula gudboon oo ah inaadan marnaba ogolaanin dulmiga noocyadiisa kala duwan marak aad tooshka u ifiso xumaanta gumaysiga iyo ku isu duleeyay waxaa abuurmaysa cadaawad hor leh oo gumaysiga iyo kooxda u dulaysan ay kuu qabaan, waxay isku dayayaan inay ku aamusiiyaan waxay isku dayaan inay meel ahlis ah ku qabtaan si aad u qalbi jabto, waxay kaa hor keenayaan dadka aad u dagaalamayso oo ehelkaagu ugu horeeyo balse waxaas oo dhani waa wixii hortaa dad lagu sameeyay adna aad ka dhiidhiday sidaas awgeed helkaaga oo dhibkii aad ka ahdlaysay la dhadhansiiyay waa soofaha damiirkaaga waxaana sii labanlaabaysaa adgaalka aad dulmiag kula jirto ilaa aad ak geeriyooto ama guusha ka gaadhana faraskaagu wuu kooraysnaanayaa

Xilligan maxaa fursad inno ah?

Mudo dheer ayaynu ku soo jirnay xanuun aan dhamaad lahayn wax kastana waa la inagu dayay xanuunka waxaa sii kordhinaya gumaysiga oo aynu diidnay halgano isdabo joog ah ayaana diidmada gumaysiga ka farcamay halganka Ogadenya oo socda iyo shacabka oo gumaysiga diidmo qayaxan la hortaagan hadaynu dhibaatooyinka xoogan qabno hadaynaan halgamaynin sideebaynu noqon lahayn?, waxaynu noqon lahayn adoon la leeyahay lana tirtiro oo sida dunida meelo kamid ah ka dhacday taariikh ahaan loo xusuusto balse taas waynu kabaddbaadnay waxaanan gumaysiga tusnay in aynu ka qiimo sarayno.

Wax dharaariba dharaar riixdo waxaynu soo gaadhay xilli ay Ethiopia ay burburayso waxa haatan socdaana waa rafashadii ugu damabysay falka fulaynimada ah ee ayeeyo Canbaro lagu dilay wuxuu muujinayaa cargaagtanka iyo naflacaarinimaad gumaysiga iyo kooxda u dulaysan, hadaba hadaynu mudadii dheerayd ee gumaysigu inna haystay si dhab ah u xaqiijinay dul qaad iyo sabbir waa wax fiican oo diinteenu ina fartay balse sabbir taag waa lanimooma ogola waliba sabbirka qaarkiis dunuub ayaa ka dhalan karta, sida sabirka la inoo amray ayaa in aynu wax iska celino la inoo amray inaad waajibkaas gudato oo aad dulmiga diido kama dhigna inaad jabhad ama dhaqdhaqaaq ka tirsantahay.

Dilka ayeeyo Canbaro muxuu kaga duwan ayhay dilalkii soo dhaci jiray?

Dilka ayeeyo Canbaro kama duwaan dilalkii horay inoo soo maraya wuxuuse u dhacay mid kamid ah noocyada cusub ee inteena hadlaysa laga doonayo in lagu aamusiiyo waxay ahayd ruux da’ ah oo aan caafimaad, xis iyo laxaad lahayn, dhinaca akle dilka ayeeyo Canabro wuxuu ku soo beegmay xilli aysan meelina innoo fayoobayn wax aynu xeerinaana uusan dambaynin, xilli gumaysiga iyo kuwa isu duleeyay ee falkan argagaxa ah gaystay ay qaybasnyihiin aadna u  kala daadsanyihiin, waxaan ugu baaqayaa shacabka Ogadenya dibad iyo gudaba in si kama dabays ah looga oogsado dulmiga iyo xumaanta oo hadaynaan inagu iska joojinin aan inaga joogsanaynin.

Waxaynu ognahay dadka waxaas oo xumaan ah gaysanaya in ay jiraan kuwo taageersan oo ku garab taagan waxaana la gaadhay xiligii kuwaas meelkasta oo ay joogaan si akam admbays ah loogula xisaabtami lahaa halna hala ogaado dhibaatooyinka Ogaadenya ka jira cid ka bad qabtaa ma jirto dhib bani aadam loo gaystana waxaa ugu culus midka damiirka lala beegsado, tijaabooyinka damiirka bani aadamka lagu sameeyo ayay kamid tahay in ayeeyo Canbaro oo cimrigeedu gabaabsi ahaa horteena lagu jiijiido waxaa jira dad waxaas oo dhacaya aysan u muuqanin lana yaaban in ayeeyo Canbaro dilkeeda laga had-hadlo kuwaas iyo kuwa gaystay isku khaanad ayay galayaan sababtuna waxay tahay damiirka wax lagu dareemo ayay ka arradanyihiin

Ugu damabyn waxaan mar kale tacsi u dirayaa guud ahaan dadka daniirkoodu fayowyahay ee quluubtoodu falkan foosha xun ay ka gilgilatay gaar ahaan qoyska, ehelka, qaraabada iyo asaxaabtii ayeeyo Canbaro ka atgtay oo uu ugu horeeyo walaalkay Cabdirashiid Cali-Shoocaac Cabdille, quluubta ilahay ha inoo wada qaboojiyo ayaan leeyahay marxuumadana waxaynu rabbi uga baryaynaa inuu qabrigeeda janno uga dhigo, sida la sheegay ruux da’daas gaadhay aduunkana imtixaan badan ku soo maraya khaatumo fiicana ku galbaday wanaag ayaa ka horeeya waliba sida aan culimada ka maqlay dilka loo gaystay ee xaqdarada ahna waxay kaga mid noqonaysaa mujaahidiinta ilaahay jecelaaday

Roda Ibrahim (Afjano)

2,355 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]