Doorashadii Abiy Axmed kadib xaalada Ethiopia waa sidee

Warar

Xaalada guud ee gumaysiga Ethiopia wax iska badalay ma jiro walina way karsamaysaa oo dhanna uma badanin, waxaa sii kordhay khilaafka xukuumada gumaysigu baryahan dambe ay la daalaa dhacaysay waxaa si aad ah sare ugu kacaysay kala shakiga laamaha sirdoonka gumaysiga oo qowmiyado u kala safan.

Saraakiisha Tigreega ee ciidamada milatariga hogaamiya ayaa aad uga biyo diidan Abiy Axmed oo ay qaarkood ku tilmaameen in aan xilka loo doortay lagu aamini karin, guud ahaan shucuubta kala duwan ee xukunka gumaysiga Ethiopia ku hoos dulman ayuu wali mugdi coogaji kaga jiraa shaqsuyada Abiy Axmed & heerkiisa awoodeed oo ay shaqadiisu ku xidhaandoonto.

Waxaa jira shabaq ay EPRDF dhexdoodu isu daadinayaan waxaana aloosan khilaaf hor leh oo gudahooda ah kaas oo laga fahmayo sida aan doorashada Axmed daacad looga ahayn, dhinaca kale socdaalkii uu Abiy Axmed Ogaadeenya ku tagay waxaa la sheegayaa inuu ku soo niyad jabay kadib markii ay saraakiisha Tigreega ee Ogaadeenya ku sugani hab maamuuskiisa hoos u dhigeen.

Maamul ku sheega gumaysigu Ogaadeenya u wakiishay ayaa aad ugu dadaalay in ay waji farxad leh Abiy Axmed ku qaabilaan wayna u hagar bexeen balse isagu qalbi engegan ayaa laga dareemayay & furfurnaan la’aan.

Madashii Jigjiga looga diyaariyay waxay ahayd mid si weyn loo xardhay waxaana lagu soo dhaweeyay qaabilaad qiimo u lahyd dhaanto Afsoomaali kil ah aan ahayn oo lagu qaaday luuqadaha uu yaqaano ee Af Oromo & Af Amxaari ayaa lagu dul tumay waxaadse moodaysay qori qod ah oo meesha yaala inaba ha yaraatee ereyda loogu luuqaynayay laabtiisa kuma aysan duxaynin waxaana la arkayay isagoo madasha ka baxsan niyad ahaan.

Arrintaas ayaa lagu fasiray in uusan socdaalkiusan ku qanacsanayn islamarkaasna uu yahay uun mid loo qorsheeyay usagoon u diyaarsanayna uu u ambabaxay, TPLF oo doorashada Abiy ku kala qaybsan ayaa la sheegayaa inuu aad uga walaacsanyahay habka ay u wada shaqayn karaan.

Isku soo wada duuboo Abiy Axmed xal uma noqon doono burburka gumasiga Ethiopia soo food saaray waxaana habay tiirar waawayn oo sida ay dib ugu kabmaani ay aad u adagtahay, Abiy Axmed doorashadiisa ayaa loo arkaa in ay TPLF qayb ka mid ahi u arkaan in qowmiyada uu ka soo jeedo ee Oromo lagu xasilin karo balse afkaarta TPLF hadii uusan ku shaqaynin waa vaqabad horleh hadii uu ku shaqeeyana ka sii daran.

Qorahay Media

 

16,187 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,414 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

2,901 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,521 total views, 0 views today

Share