Duljoogso: Dhamaadka dharaaraha gumeysiga colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex hurinayo xal uma noonayaan

Tuesday, November 28, 2017       Views
Spread the love

Gumeysiga Ethiopia waxaa la fac tirsaday sooyaal madow oo fool xumo siyaado ah huwan kuwaas oo ay tiir dhexaad u tahay isgumeysi hab qofeed ila heer qaranimo ujira,tana waxaa keenaya dhaqan kasoo farcamay buuraleyda Amxaara & Tigreega kuna baahay dhulkii loo bixiyay Ethiopia, hab dhaqankan foosha xun oo mudo dheer gumeysigu soo waday ayaa kujira xilligii dhamaadka balse gumeysiga Ethiopia oo ku hawlan sidii uu u cimri dhararsan lahaa ayaa kolba qorshe hor leh oo tab & xeelado kala duwan wata intooda badanahaatan u muuqda kuwo aan xaalada gumaysiga waxba ka badalaynin.

duljoogso11

Haddaba qormadeena Duljoogso ee toddobakan waxaynu ku eegaynaa arrimahaas innago gaar u dul joogsanaynayna colaada uu gumeysigu ka dhex hurinayo Ogaadeenya & Oromia intaynaan horay u soconin bal aanu sikooban u qooraansano sooyaalka Ogaadeenya & Orormia ka dhaxeya, sida taariikh yahanada & luuqayanadu “Linguistic” qirayaan Soomaalida &  Oromadu waa dadyow xidhiidh taariikheed oo dhow leh, arrinta cajiibka ah ee xusida mudan ayaa ah labada bulsho oo darafka isku hayaa waligod ma dhexmarin colaad dheer ama la xusi karo oo sooyaalka ku taala.

Arrintaas waxa keenaya hab abuurka bulshooyinkan oon jecleyn inay cid gumeystan ama ku duullaan dhulkooda taas ayaa sababtay in lakala nabad galo marka laga yimaado qardoofooyin aan macno badan ku reebin taariikhda, haddaba aan usoo noqone gumeysiga Ethiopia ee kooxda TPLF ee xaalku ku xunyahay ay haatan hormuudka u yahiin ayaa hurinaya colaada ka dhex socota wakiiladooda Ogaadeenya & Oromia taas oo ay ku naf baxayaan dadyoowga labada bulshana ee aan hubaysnayn.

Halkan waxaa ka dhalanaya su’aalo dhawr agh oo ay kamid yihiin TPLF colaadan ay ku guulaysatay hurinteeda ma ka helaysaa waxay doonayso?, hadii TPLF waxay ugua goleeyiin hurinta colaadan ku guul daraystaan maxay ka dhigantahay?, gumeysiga Ethiopia sida muuqata colaada Ogaadeenya & Oromia wuxuu ka doonaya inuu ku leexiyo halganka labada bulsho gaar ahaan kan Oromia oo uu u arko mid raad barada ah wuxuuna doonayaa inuu ku cimri dhararsado balse kuma guulaysanayo.

Sababta uusan iskugu daygan gumaysigu ugu guulaysanaynin waxay tahay dhaqankisa ayaa jabinaya oo markasta wax dadka Oromia sii kicinaya ayuu ku dhaqaaqayaa sidoo kale Oromo waxay gaadhay meel aysan ka soo noqonaynin, gumaysiga kacdoonadka uu doonayo inuu majara habaabiyo wuxuu u muuqda mid siduu adeegayashisa isaga horgeyay si lamid ah ay xirfadihiisuna isula dirirayaan.

Sikastaba ha ahaatee waxaa xusid mudan gumeysiga Ethiopia ee hurinta colaada shucuubta walaalaha ah inuu ku cimri dhararsado doonaya meesha uu ka dumayaa halka uu moodayo way ka fogtahay, saas darteed gumeysiga Ethiopia marna ujeedkisa weyn ka helimaayo arrimahan & kuwa la halmaal ee u ku foogan yahay

Qaybta 1aad ee qormadan halkaas ha inoo joogto la soco qaybaha dambe

Qorahay Media

736 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]