Duljoogso: Marxaladda cusub ee gumaysiga Ethiopia uu maanta galay maxaa laga filan karaa?

Warar

Qormadeena Duljoogso ee toddobadkan waxaynu kusoo qaadanaynaa marxaladda gumaysiga Ethiopia ee maanta maxaa laga filan karaa? innaga oo dhinacyo kala duwan iska taagi doona si aynu u helno jawaab maan gal ah waa inaynu u abtirinaa jiritaanka gumaysiga Ethiopia & rumaysnaanta qaranimada Ethiopia salka ay ku fadhido ama halka lama dhaafanka, waxaynu si gaar ah u eegi doona goorta ay Ethiopia nooc siyaasi gumaysiyeedkeda bedasho & waxa qiyamka aasaasiga ah ee Ethiopia goorahaas iska badalay waxaa kale oo aynu qooraansan siyaasada guud ee dunida & saamaynta falgalkani uu ku yeelan doono ugu dambayntana waxaynu is dultaagi doona dalka & dadka Ogadenya saamaynta ay marxaladan uu gumaysigu galayi ku yeelan karto.

Ugu horayn Akhristoow assalka Ethiopia waxay kasoo aasaasantay buurlayda Tigree & Axmaarada goorti ay dal fidsadeen ayuu magaca Ethiopia yimid ama la bixiyay qaranimada Ethiopia waxay leedahay sumadaha halkii ay kasoo faaftay ama ka timid, buuralaydaas waxaa ku noolaa dad ay baahidu qarniyaal badan gumaysanaysay sooyaalyahanaduna waxay wariyaan inay dadkaasi ka baxsadka baahida u galeen 1253 mayladiga dagaalo ay doonayeen inay dhulka hoose ee hodanka ah ku gaadhan.

Dabeecadka ay abuurtay baahida xagjirta & rumaysnanta caqiiqda Otodhagaska (Orthodox) ayaa sal u ah qiyamka aasaasiga ah ee Ethiopia kaas oo xornimo & sharaf ay helaan dadka dhulka hoose wadar ahaantis ama guud ahaanba qowmiyaadka Ximaatiga ah gaar ahaan bahda Kushtiga si balaadhan uga soo horjeeda, habka loo fulinayo hanaankas waa mid siyaasi ah ama lagu salaynaayo hadba wajig uu ku iib gali karo tusaale ahaan 1915kii ila 1991 afkaarta & rumaysnanta Ethiopia waxay ahayd mid xoog lagu iib gaynaayay laguna marsiiyo dadka dhulka hoose ka dagan dalka manta Ethiopia loo yaqaan.

Sanadkii 1991 waxa dhacay isbaddelki dhanka xukunka ah mase jirin isbaddel dhinaca qiyamka ah oo kuwa buuralayda sare ka soo dhaadhacay ku yimid balse waxuu isbaddel ku yimid nooc siyaasadeedkii hore ee gumaysiga Ethiopia qudhiisa habka loo fulin lahaa, TPLF waxay qaadatay nooc siyaasi gumasiyeedka loo yaqaan Policy of Assimilation ama siyaasadii isku milanka tan waxaa ku qasbayay isbaddel siyaasadeedkii uu ururka ONLF curiyay ee lagu baddelay hab siyaasadeedkii WSLF, iyado TPLF doonaysay inay fashiliso afkaarta ku dhawaatay  yoolka.

Hadaba kolka ayanu sharaxaas kore eegno maxaa inno muuqda?

Sida ku cad labada tusaale ee kore & guud ahaan sooyalka Ethiopia marna ma aysan baddalin qiyamka isgumaysiga & kala saraynta ah balse waxay badeshay hab siyaasadeedka ay ku fulinayso markasto oo xilligu si dhab ah ugu adkaado aynu ku dhawaano nuxurka qormadeena oo ah Marxaladda cusub ee gumaysiga Ethiopia maanta galay maxaa laga filan karaa?, jawaabta hadaanu ku horayno waxaa laga filanayaa sida Ethiopia laga bartay oo ah in qiyamkii is gumaysi & xeerkii Kaymaha inuu sii jiri doono balse waa macquul rajadeedu sarayso in taas habka xilligan loo fulinayo uu isbeddel ku yimaado ama hab siyaasadeed cusub oo gumaysi la curiyo.

Sida sooyaalka Ethiopia laga bartay waxaa la rajaynayaa in dhacdooyin soo dhawayn ah marxalada cusub lagu daah furo ama qarinta wajiga rasmiga ah taas oo ah mid ay Ethiopia caaan ku tahay xilliga uu  nooc siyaasadeedkeeda gumaysi isbaddel ku yimaado, waxaa su’aal kale ah wax intee leeg ayaa u hir gali kara?, Akhristoow meesha kama saari karno in xilliga bilowga ee marxalada qarinta wajiga runta ah gumaysigu ku guulaysan karo shucuubaha qaar inuu ka fushado ama ku fuliyo qayb yar oo qorshahiisa ah balse tani waa mid xilli gaaban ah waana mid uu cadow ku yahay  korodhka aqoonta iyo Technology-yada isla gudaha Ethiopia taalla.

Sida laga bartay sooyaalka Ethiopia marxaladan waa mid aad u gaabnanaysa hadii ay ka hirgasho deeganada qaar waana mid ay hirgalkeeda halis ku yahiin isla Ethiopian-ka qudheeda qaybo kale oo ka mid ah kuwaas oo u fashilinaya sababo siyaasadeed oo shaqsinimo ama ka badan ku dhisnaan karta, ugu dambayn waxaa isweydiin mudan isbeddelka siyaasada dunidu Ethiopia nooce ku yahay? Akhristoow si kooban waa ku cadow xataa hadii laysku dayaayo in lagu dhex koriyo ama lagu ilaaliyo waana mid uu sharaxeedu dheeryahay?

Ogaadeenya maxay arrimahani ugu fadhiyaan sidee ayayse u saamaynayaan?

Si kooban hadaynu uga jawaabno guud ahaan maraxaladan uu gumaysigu galay Ogaadeenya waa u guul waxaana mudnaanta koobaad leh in uu halganka hubaysan ee ONLF hormuudka ka tahay si mug leh ula jaan qaado isbadalada xawliga ku socda waxaana xusid mudan in maraxaladan uu gumaysigu galay ay saamayn xun ku yeelanayso kooxaha afkaarta gumaysiga huwan ee Ogaadeenya ka fuliya,  madama sawirkii siyaasada gumaysia isbaddel ku dhacayo qolyaha gumaysiga u adeega saamayn xoogan yauu ku leeyahay hadda & hadhowba xaqiiqo ahaanna dhacdooyinka Ethiopia ka socdaa waa kuwa baraarug ugu filan noocyada daba dhilifka gumeysiga kuwooda inuun uu Allaah hanuun

La soco qaybaha dambe ee qormadeena

Qorahay Media

5,935 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,413 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

2,900 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,520 total views, 0 views today

Share