Duljoogso : Halganka Ogadenya Hillinkisa Haystaa ee Adeegga Xilliga Cusuboow adigu Hanuunka ha Seegin

Warar

Dhulka Somalida Ogadenya muddo dheer ayaa ka socdaan Halganno gobonimo doon,kuwaas oo lasoo bilaamay Imaatinkii Gumeysiga Ethiopia ee dhulka Ogadenya,Halgannadaas Shacabka Somalida Ogadenya kala hortageen Gumeysiga waa kuwo badbaadiyay si dhameystiran u ilaaliyay Sumadaha rasmiga ah ee Ogadenya lahayd gumeysiga ka hor, sumadahaas oo aan midkoodna sal guurin balse gumeysigu uu inbadan isku hawlayay baabinta astaamaha asalka u ah jiritaanka Somalida Ogadenya si uu u dhameystiro ujeedadisa guracan oo nuxurkedu ku biyo shubanayo Doori oo dabar jar.Haddaba haganadaas hore ee ilaaliyay Sumadaha rasmiga ah ee Somalida Ogadenya wax kasoo farcamay ama ka dhashay Halganka Hubeysan ee Somalida Ogadenya xilligan Xornimadood ku baadi goobeyso ee Ururka ONLF Hogaamiyo,inkasta oo duruufo iyo xilliyo ka adag xilliyadii hore Halgankan kusoo beegmay haddan taas ma noqon mid loo dabcay ee ONLF waxay ku guulaysatay inay duruufaha xilliyeed la fal gasho aayaha shacabka Ogadenya kula dhex dabaalato duruuf kasta oo taagan,Dareen waddaniya & mid siyaasiya oo han sare iyo hanaan tolmoon lagu hagaayo oo ONLF la timi ayaa noqday kuwo si dhameystiran u caaabiyay weerarka Jiritaanka Ogadenya ku wajahan ee Cadoowga iyo Duruufaha xilliyeed oo wada socda shacabka Ogadenya kaga yimi.

duljoogso3

ONLF waxay ku guulaystay inay Halganka Gobonimo doonka ah ee Somalida Ogadenya si dhameystiran ugu rogto Halgan Shacab oo aan ku koobneyn Urur kaliya taasina waa ta keenaysay in gumeystaha Ethiopia uuna cid ka mid ah Somalida Ogadenya uuna aamin Karin xataa adeegayaashisa waa ta keenaysay Caruurta aan dhulkaba arag inay garanayaa halka ay leeyahiin iyo cida Gumeysata waa ta keenaysa in Ilmaha xabsi ku dhashay ee kuweynaday ee aan madax banaani daayo dabad maris arkin uu haddana Gumeystuhu cabsida uga qabo.

Kolkaad dareen waddaniya meel iska dhigto ee aad dareen Siyaasiya ku qiimayso dagaalka ONLF & Gumeysiga Ethiopia waxa kuu muuqanaysa in arrimaha Assaliga ah ee aan farac ahayn dhamaantod gumeysiga looga adkaaday balse taas macnaheedu maaha gumeysigu inama xanuujin dhibtiisina waa la yareeyay balse taas macnaheedu waxa weeye cimrigii dhibtu sii socon karaysay waa lasoo koobay si kale hadaan u dhigo guulaha macnawiga ah ee ONLF gumeysiga ka gaadhay ayaa weeyaan in Cimriguu gumeysigu sii jiri karayay soo ururaan tani waxa sal u ah dumitaanka tiirarka uu kujirayo oo ONLF qeyb weyn ka ciyaartay.

Marka si siyaasiya wax loo lafo gurayo waxa laysku waafaqsan yahay dhacdo xilli dhacaysa waxay sadaal ama tafsiir ka bixisa dhacdo kale oo soo socota Cilmiga Siyaasadu wuxuu isku xidhxidhaan dhacdooyinkaas iyo kuwa keenay si loo garto maxaa soo muuqda mustaqbalka dheer ama dhow innago xisaabtas ku saleynayna dagaalka Gumeysiga & Xornimo doonka ONLF waxa muuqata in guulo dhaxal gal ah lagu gaadhay taas macnahedu maaha in xanuunki gumeysigu yaraanayo balse waa soo koobnanta xilliga ay sii socon karaan.

Haddaba Ethiopia oo ka duulaysa leebka ku gaadhan ee halganka ONLF ku hayo waxay jeceshay xilli kasta iyo xaal kastan ka shaqeynaysa sidii si macnawiya ama siyaasiya ugaga guulaysan lahayd ONLF,Caqliga macangaga ah ee gumeysiga oo xog badan ka hellay dadka Somaliyeed wuxuu istusayaa in hab dhaqameedka umadeena ku saleeyo dagaalkisa saas darteed xilliga ku qadhaadh oo taagan ayuu isku dayaaya inuu abaabulo kooxo magacyo badan balse isku macno ah.

Gumeysiga waa dumeen Tirarkii aasaasiga u ahaa jiritankisa iyo jiritan qaran oo dhanba hab macnawiyan waa u dumay arrimaha maadiga ah ee uu kusii taaganyahayna maaha kuwo sii waday oo kuwaasba tiirarkii aasaaska u ahaa ee ay kutaaganayen waa idlaaden xilligana cida u shaqeynaysa waa cid IImaan yaraanta ay u dheertahay Inuu indhahiisa la aragti yahay balse kuwaas waxaan odhan lahayn Halganka Ogadenya Hillinkisa Haystaa ee hanuunka ha seegin.

Qorahay Media

1,890 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,484 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

2,971 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,591 total views, 0 views today

Share