Jan 3, (2013 (QOL)
Qormadeena Duljoogso ee todobaadkan oo Cinwaankeedu yahay
Maxaabiista Ogaadeenya oo
goobaha loo daawasho tago (Musem) la mid noqday waxaan
ku eegaynaa Maxaabiista gobolada kala duwan laga daad gureynayo
loona been guurayo.
Xabsiyada
Ogaadeenya ku yaala waxaa ku jira dad aad u tiro badan oo
xiliyo kala duwan lagu xereeyay, maxaabiista kala duwan
ee xabsiyada xaqdarada ku dhisan ku jira waxay ka koobanyihiin
bulshada qaybaheeda kala duwan waxaana ka mid ah caruur
xabnsiyada ku dhalatay, kuwo iyagoo aad u yaryar la xidhay,
dhalinyaro arday u badan oo School-dii ay dhiganayeen laga
soo qavnqantay & dad aad waayeello u ah oo qaarkood
ay xanuuno halis ah qabeen jeelkuna uuga siii raaxeeyay.
Maxaabiista aan wax loo haystaa jirin waxay
buux dhaafiyeen dhamaan jeelasha dadka masaakiinta ah lagu
ciqaabo waxaana tiro belay maxaabiis sanooyin meeshaas iskaga
jira oo aan wax ay u xidhanyihiin garanaynin si aan la qiyaasi
karina loo bahdilay, hadaba gumaysiga Itoobiya oo qorshe
walba ku fashilmay wuxuu mudooyinkii dambe waday olole balaadhan
oo caalamka lagu khaldayo.
Shacabka Ogaadeenya oo si joogto ah loo bahdilo
xabsiyo sababa la’aan ahana lagu guro ayaa xiligan
buux dhaafiyay xabsiyadii loogu talo galay taasina waxay
gumaysiga ku khasabtay in uu dad badan waa la cafiyay yidhaahdo,
cafiska uu gumaysigu maxaabiista ku hafrayo wuxuu ka leeyahay
laba u jeedo oo kala ah.
1.In uu caalmka u tuso in ay Itoobiya Dimuqraadiyadi ka
jirto oo ruuxii dambi gala la xidho hadana la cafiyi karo
2.In dad hor leh oo xabsiyada lagu bahdilo loo baneeyo.
Dadka la hafrayo ee la leeyahay waa la cafinayaa
intooda badan waa dadka dhalinyarada ah oo la doonayo in
laga dhigo ciidan askarta gumaysiga xabada looga dhigo,
intaas oo dhan waxaa ka yaab badan marka la doonayo in ololiha
borobogaandhada la soofeeyo waxaa maxaabiista la mariyaa
ciqaabtii ugu xumayd & bahdil aan la qiyaasi karin.
Tusaale ahaan ruuxu haduu ku xidhanyahay tuulo
ama magaalo gobolada Ogaadeenya ka mid ah qorshaha siidaynta
ku magacaaban ee xaqiiqadiisu ay dahsoontahay waxaa la geeyaa
Jigjiga waxaana lagu casuumaa hadba ciidii qurbaha ka soo
uugaan raacday ee gumaysiga sacab been ah u tumaysa gumaysiguna
uu dhankiisa ku guurayo.
Todobaadkan waxaa ogaadeenya ka socda olole
lagu bartilmaameedsanayo xabsiyada aadka u buux dhaafay
kuwaas oo al doonayo in lakala fududeeyo si dadka xabsi
sugaha ah boos loogu baneeyo halka kuwa boosaskaas laga
abnaynayo qaarkood uu madane dab ugu jiro lagana yaabo saacada
la leeyahay waa la sii daynayaa ka dib in aan indho dambe
la saarin.
Maxaabiista Ogaadeenya waxay noqdeen kuwo
uu nin kasta oo wadada xaqa ah ka weekday ku magic doonto
sawirana uu dadka hortooda kaga qaadqaato si uu isaag dhigo
nin Itoobiya ay wax u ogolaatay codsi uu gudbistayna laga
yeelay oo loo fuliyay, arinta maalmahan saxaafada gumaysiga
& wararka suuqiga ah ay sheegayaan ee maxaabiista dhibaataysan
ku saabasan waa arin waa hore la sii qorsheeyay waxaase
ku galbanaya wadada dulmigana ku banaysanaya saqsiyaad go’aansaday
in aysan umadda Ogaadeenya waligeed baraarugin duligana
ayasan ak bixin.
Xaqiiqada aysan Itoobiya wali garwaaqsanin
waxay tahay in uusan shacabka Ogaadeeya raadinat gobanimadiisa
& aayo katashigiisa sinaba uga tanaasulaynin jidh dil
& ciqaabna aysan doonistooda waxba u dhimaynin.
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com