Aug 15, 2011
(QOL) Qormadeena Duljoogso ee Todobaadkan
waxaynu ku eegaynaa cinwaanka sare oo ah Marti
xog la'aantaan ku nacaye shidaalka Ogaadeenya ee lagu qamaamayo
soo saaristiisu yay ka go'daa?.
Waxaa
maalmahan aad loo hadal hayaa arimo ku saabsan heshiis dhex maray
xukuumada Itoobiya, Dawladda China & Maamulka Siilaanyo hesheeskaas
oo sheegaya in shidaalka ka buuxa Ogaadeenya laga dhoofiyo qaybo
kamid ah dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Waqooyi Galbeed,
arintaas oo warbaahintu siyaabo kala duwan uga hadleen oo ay qarkood
shegeen in laga dhoofinayo Dakadda Magaalada Berbera ee W/Galbeed
oo aad modiid in ay ku jirto laab-lakac aan salka dhulka ku haynin.
Marka hore aan is waydiino shidaalka laga hadlayo halka
uu ku yaalo cida ilaa hadda gacanta ku haysa & sababaha loo
is tocmaali la'yahay.
Dhulka Ogaadeenya
waa dhul dihin oo uu Allaah ku manastay khayraad aan la qiyaaasi
karin sida Xoolaha, Macdanta, Shidaalka, iwm kuwaas oo quwado
badan oo aduunka ah damaaci uu ka galay sidii loo soo saari lahaa
balse damaca waalan ee shisheeyaha waxaa hor taagan oo in khayraadka
Ogaadeenya la boobo diidan Ciidanka Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya
oo u dagaalamaya Xoreynta Ogaadeenya shacabka Ogaadeenya oo kaashanaya
iskuna aaminay awooda culus ee CWXO hadaba 30 kii sano ee u dambeeyay
waxaa Ogaadeenya tagay shirkado aad u badan kuwaas oo mid waliba
ay doonaysay in ay soo saarto Shidaalka Ogaadeenya waxaana marwalba
fashilinayay shacabka la gumaysto ee Ogaadeenya oo gaadhka ka
haya marnabana aan ogolaanaynin khayraadkooda in xoog lagu soo
saaro kadibna iyaga dib loogu gumaado waxaana in badan dhacday
gacan kahadal iyadoo ay arintaas darteed dad shisheeye ah u dhintee
Ogaadeenya dhexdeedana lagu weeraray shirkado boob doon ahaa.
Xukuumada Itoobiya ee damaca waalan ku caan baxday waxay mudooyinkii
dambe aad u suuq gaynaysay sidii ay heshiis ula gali lahayd shirkado
uu hunguri kaga jiro shidaalka Ogaadeenya kuwaas oo aad u quudaraynaya
kuna ag wareegaya been faro badana lagu soo xero galiyo marka
dambana ogaada xaqiiqada ka jirta Ogaadeenya & in aysan shacabka
Ogaadeenya ogolayn in dhulkooda sidii la doono laga yeelo Xoreynta
Ogaadeenya halyeeyo aad loo jeclaa ay u naf waayeen kuwana wali
diyaar u yihiin difaacida sharafta shacabka Soomalidda Ogaadeenya
& khayraadka Ogaadeenya ceegaage ee dadkii xaqa u lahaa ka
sooman yahay.
Waxaa maalmahan aad loo buun-buuninayaa heshiis la leeyahay waa
3 geesood ah soo shaac baxay kadib markii Addis Ababa uu ka dagay
wafdi uu Siilaanyo hogaaminayay halkaasna uu heshiis kula sixiixday
gumasiga Itoobiya & shirkad cusub oo Chinese ah
oo lagu magacaabo PetroTrans Company Ltd oo baryaha
la shaaciyay in ay la wareegtay Shidaalka Ogaadeenya waa su’aal
ee Siilaanyo yaa wakiil uga dhigay Ogaadeenya oo in uu sixiixo
yaa u ogolaaday.
Sidoo kale waxaa iyana la sheegayaa in uu dhiigyacab Males Safar
la xidhiidha arintan ku gaadhay China Madaxwaynaha Chinana la
qaatay kulan rasmi ah sida ay qortay wakaalada wararka ee China
halkan ka Akhri Chinese
president: China to send food aid to Ethiopia as soon as ...
Waxaa iyana hore laga sii waday Wafdigii Siilanyo hogaaminayay
oo uu gacanta wado Males ilaa haddana sida ay saxaafadu sheegayso
waxaa lagu wadaa in uu heshiis riyo ah dhex maro xafladna loo
dhigo.
Arimahaas oo dhan marka la fiiriyo maskaxada ku soo dhacaya sheeko
dhex martay nin aqoon yahan ah oo Ogaadeenya u dhashay una shaqeeya
UNta & Nin Itoobiyaan ah oo isna aqoonyahan ah, sheekadaasu
waxay u dhcaday ninka Itoobiyanka ah ayaa aad wuxuu uga calaacalay
oo u sheegay hadii ay ONLF dagaalka joo-jin lahayd in uu noqon
lahaa Milion-neer ninkii Ogaadeenya u dhashay ayaa yidhi oo yaa
hor-taagan arintaas wuxuu ku yidhi ONLF ayaa diidan in la soo
saaro khayraadkaas waxayna leeyihiin ilaa aan xorowno ma soo saarayno
khayraadka, ninkii Ogaadeenya u dhashay ayaa intuu is xanaajiyay
yidhi aniga ayaa soo dhamaynaya wuxuuna la kulmay Mas'uuliyiin
madaxda ONLF ka mid ah waxayna u sheegeen in aan shidaalka Ogaadeenya
cid aan shacabka iska leh ayahni ka go'aan gaadhi karin shacabka
Ogaadeenyana uusan madaxbanaani & ikhayaar haysanin sidaas
daraadeedna aan khayraadka Ogaadeenya la fadhataysan karin, sidii
ayuu ugu celiyay ninkii Itoobiyaanka ahaa oo u sheegay ONLF heshiis
ay shirkadaahas la gasho moyaane in ay adag tahay in khayraadka
Ogaadeenya ay cidi farta saarto, arintaasina waa mid ay cid waliba
ka dharagsantahay.
Tusaalaha kale ee aan u soo qaadanayno arintan ayaa waxay tahay
Meles wuu ka adag yahay Soomaaliya oo waxaan manta ku tilmaami
karnaa in uu Soomaaliya maamulo hadalna aan lagu soo celin karin
waxaanan ognahay dakada Berbera in ay Itoobiya 14 kii sano ee
u dambeeyay maamulaysay oo ay hubka kala soo dagaysay hadii ay
Riyadii Itoobiya halkaas gashay waa mid aan lala yaabaynin lakiin
ONLF Itoobiya way ka adag tahay, Itoobiya bilo ka hor ayay xidhay
TV Somalichannel iyada oo Itoobiya u sheegtay mulkiilayashi amarna
ku siisay in ay joojiyaan barnaamijka Ilays ee ka baxi jiray TVga
Somalichannel halkaas ayaana lagu joojiyay lakiin ONLF kor ayay
u dalacday faadiido ayayna ka qaaday oo Barnaamijak Ilays maalin
kasta oo Arbaca ah waxaa si toos ah looga daawadaa TV Eretria
oo aad uga aood badan kii horay looga daawan jiray kolkaa saw
macnaheedu maha in ONLF ay gumysiga ka awood balaadhantahya korna
ay u dalacday.
Markaan isku soo uruurino arimahan ay saxaafaduhu qorayaan waxaan
ku tilmaami karaa Qarow Soojeed waa qof jiifa oo hadana ku riyoonaya
in shidaalka Ogaadeenya laga dhoofiyo Berbera miyuu dhamaaday
shacbkii lahaa ee boqolaalka sano gumaysiga khayraadka ka hortaagnaa?
kuwa heshiiska damac habawsan gumaysiga la galayaa miyay iloobeen
wixii Cobole ka dhacay miyaysan warba ka haynin awooda Ogaadeenya
sida dhabta ah wax ugu muquunin kartaayi in ay ONLF tahay oo aysan
Milatariga Itoobiya goobaha shidaalka Ogaadeenya lagu tuhmayo
habeen ku baryi karin sidoo kalena aysan xeryaha magaalooyinka
waawayn uga oodan ka bixi karin.
Gabgabada & xikmada qormadu waxaa weeye Marti xog
la'aantaan ku nacay alla yaa miyirsada yidhaahda qolayaha
miyir la'aanta ku dhaqaqaya waxaa hubaal ah in aysan riyadu meelna
gaadhaynin shidaalka & khayraadka faraha badan ee Ogaadeenya
ceegagaana wax la xado oo meel tuubo laga gashado laguna nuugo
wuu ka weynyahay dadkii lahaa oo aan ogolaanina cid ka faa'iidaysan
kartaa ma jirto.
Qaybaha dambe ee Qormada la soco hadii uu Alle idmo