Qormada
Duljoogso: Shacabka Ogaadeenya maanta gumaysiga Itoobiya maka
lumin karaa fursada dahabiga ah miyuuse ka leexin karaa wadada
ay cagta saareen ee xaqa ah?.
Jun 18, 2010 (QOL) Qormadeena Duljoogo ee todobaadkan
oo Cinwaankeedu yahay
Shacabka Ogaadeenya maanta gumaysiga Itoobiya maka lumin karaa
fursada dahabiga ah miyuuse ka leexin karaa wadada ay cagta saareen
ee xaqa ah? waxaan ku eegi doonaa waayo aragnimada
shacabka Ogaadeenya & aqoonta ay u leeyihiin gumaysiga Itoobiya
& hadba kuwa uu ku adeegto una jajaban fulinta danaha gumaysiga.
Sida
la ogayahay shacabka Ogaadeenya oo mudo dheer la soo gumaysanayay
waxay waligood gumaysiga kala hor jeedeen diidmo qayaxan oo waliba
xoog badan waxaana gumaysiga marna u soorto gali weyday in shacabka
Ogaadeenya si qasab ah lagu ogolaysiiyo adoonsiga oo ah meeqaan
aan ruux Aadame ah loogu talo galin in uu Aadame kale ka ogolaado.
Sidaas daraadeed gumaysiga Itoobiya oo shacabka Ogaadeenya laylyi
kari waayay waxaa xiligan lagula jiraa halgan aad u xoog badan
oo ka dhashay diidmada xaqa ah ee shacabka Soomaalida Ogaadeenya
halgankaas oo marxalado & Jabhaddo kala duwan soo maray waxaa
maanta hor muud u ah Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya
(JWXO) oo ku tiirsan awooda Allaah sidoo kalena kaashanaysa
shacabka ay ka soo dhex baxday ee geesinimada & g'aan adayga
leh.
Halganka
xaqa ah ee Ogaadeenya lagu xoreynayo waxaa go'aansaday shacabka
Ogaadeenya wuxuuna maanta marayaa marxaladii ugu dambaysay ee
guusha ay shacabka Ogaadeenya higsanayaan lagu gaadhi lahaa waana
mid aan hakanaynin ilaa ay laga gun gaadho rabitaanka shacabka
Ogaadeenya, dhinaca kale waxay shacabka Ogaadeenya waayo arag
u yihiin aqoon fiicana u leeyihiiin tabaha & xeeladaha gumaysiga
waxayna shacabka Ogaadeenya ogyihiin in uusan gumaystuhu marnaba
si sahal ah ku dhiibaynin xoriyada dadka & dalka Ogaadeenya
ee uu gumaysto waxayna dantu qasab ka digaysaa in xoriyada Ogaadeenya
loo maro dhibaato & xanuun badan sidoo kale shacabka Ogaadeenya
waxay u soo joogeen marar faro badan oo gumaysigu kuwo dabo dhilif
u ah uu bulshada Ogaadeenya fariimo & dhambaalo erayga Nabad
xambaarsan ugu soo dhiibay kadibna dadka shacabka ah ee aan dambi
galin lagu xasuuqay.
Gumaysiga
Absiiniya ee boobka & dulmiga ku can baxay waxaa ka go'an
in uu shacabka gumaysi diidka ah ee Ogaadeenya hadba tab cusub
ku maaweeliyo wuxuuna xiligan oo ay wado waliba ka soo oodantay
isku dayayaa in uu bulshada Ogaadeenya been & Dhaan Dabangaale
ku jaho wareeriyo, gumaysigu wuxuu ku soo guul daraystay isku
dayo faro badan oo uu mudo soo maleegayay wuxuuna in badan isku
dhabar jabiyay in uu bulshada Soomaalida Ogaadeenay ku kala sheego
magacyo isugu jira ururo & hayb ama qabiil oo inta badan ah
meesha ay dadka Soomaaliyeed oo dhani u dhago nugulyihiin isagoo
u jeedadiisu tahay in uu iska horkeeno dadka uu gumaysto si ay
dhexdooda isugu mashquulaan dhamaan tabihii gumaysiguna waxay
ku dhamaadeen fashil.
Gumaysiga Itoobiya ma quustee isagoo adeegsanaya shaqsiyaad
u hogaansamay oo ka mid ah dadka Ogaadeenya ee dulman wuxuu baryahan
aad isugu mashquuliyay aadna loo xar xardhayaa erayga Nabad
oo ah shayga ay umada Ogaadeenya doonayaan una dagaalamayaan ee
naf & maalba loo hurayo balse aan si sahal ah dhanka gumaysiga
uga imaan karin dhabna ka ahayn.
Labadii
bilood ee u dambeeyay waxaa si aad ah u socotay dabayl xoog leh
& qiiq lagu qarinayo dulmiga gaamuray ee shacabka Ogaadeenya
saaran waxaana dhawrkii todobaad ee tagay oo ay dabayshaasi socotay
Ogaadeenya ka dhacay xasuuqii ugu badnaa iyadoo meelo kala duwan
oo dhulka Ogaadeenya ka mid ah lagu laayay dad shacab ah oo aan
waxba galabsanin meelo badan lagu xidh xidhay shacab aan waxba
dhimin qaarna laag baro kiciyaya deegaanadoodii wuxuuna dhiiga
shacabka Ogaadeenay duraabaya laagihii ay xareedu duraabi jirtay.
Hadaba waxaa is weydiin mudan 10 su'aalood oo ah.
1-Nabada la sheegayo ma xasuuqa shacabka Ogaadeenya loola
jeedaa?
2-Ma waxaa loola jeedaa wixii aad qarniyada diidanayd ogolow?
3-Ma waxaa loola jeedaa qolada Ibrahim Dheere ee xerootaya ayaa
la nabad galinayaa?
4-Dhiiga shacabka ee laaga duraabay ma waxaa lagu soorayaa dadka
naqa aan bushada kale aga u guuray?
5-Maxaa iska badalay dulmigii & adoonsigii ay shacabka Ogaadeenya
ka dagaalamayeen?
6- Maxaa iska badalay baro kicintii & gubidii guryaha &
hantida dadweynaha?
7-Maxaa iska badalay garicii & silicdilkii maatida & nugulka
aan awooda lahayn?
8-Mawxaaan ogolaanaa in inagoo awood leh aan is xabaalono wixii
aan wax walba u hurnayna uu ceel ku dhaco?
9-Mawaxaan luminaa fursada dahabiga ah & awooda uu Illaah
ina siiyay?
10-Ma meeshii aynu 30 sano oo xoog ah kaga soo gudubnay ayaynu
dib ugu guuraa mise nasiirkeena ayanu shaqsiyaad danahooda ilaashanaya
u dayacnaa?
Anagoo jawaabaha
su'aalahan shacabka Ogaadeenya & akhristeyaasha Warbaahinta
Qorahay Online u daynayna waxaanu hadalka ku soo gunaanadaynaa
halganka Ogaadeenya ka socda waxaa wada shacabka Ogaadeenya oo
xal kale uusan u muuqanin xog ogaalna u ah arimaha Ogaadeenya
ka socda & huu haada ay gumaysiga & inta baaqiisa beenta
ah u dhego nuglaatay wadaan, shacabka Ogaadeenyana aqoon &
waayo aragnimo ku filan gumaysiga way ka haystaan xiligana lagama
lumin karo wadada ay cagta saareen ee xaqa aha cidii iyadu door
bida in ay duliga ku raali noqoto shacabka Ogaadeenya ma matasho
riwaayadna kuma masquulin karto umada hayaanka ah.
Shacabka
Ogaadeenya wuxuu u oomanyahay xoriyad aan dhiig daata mooyee wax
kale in lagu helo rajo laga qabin waxaana xoraynta diinta &
sharafta dadka & dalka Ogaadeenya si dhab ah ugu istaagay
shacabkuna ku qanacsanyahay JWXO oo ka run sheegaysa
hadafkeeda siyaasadeed isla markaasna aan u liicaynin duruufaha
is badbadalaya sidoo kale aan xeerinaynin wax aan masalxada umada
Ogaadeenya ahayn waxaana Illah mahadii ah in ay shacabka Ogaadeenya
ku faanayaan awooda tiro & tayaba ah ee Ciidanka Waddaniga
Xoreynta Ogaadeenya oo ah cududa luxdan ee kaga dhawaajisay
& kuwa u habraday xabada laysaga dhigo, shacabka Ogaadeenya
waxay aaminsan yihiin awooda Illahay waxayna ku niyad sanyihiin
qoriga Gabdhaha & Wiilsha geesiyaasha ah ee CWXO
ay ku quus galiyeen damicii & riyadii gumaysiga soo jireenka
ah ee Abasiiniya.
Qormadeena Duljoogso ee todobaadkan maanta halkaas ayaan ku hakinaynaa
lasoco qaybaha dambe.