pandora silber&gold perlen world of warcraft gold tiffany bangles mbt scarpe vendita ghd wylot maui jim sunglasses meizitang slimming capsules moncler giacca montblanc ballpoint pen replica chanel online pandora zlote kulki
Tafsiirka
Opinion/Fikradaha
Studio Qorahay
Dagaalkii Ogaadeenya
OHRC
VOA 16 pm GMT
VOA 17 pm GMT
BBC SOMALI
11:00 - 11:15
14:00 - 14:30
16:00 - 16:15
18:00 - 18:30
World News
Reuters Dailly
IRIN Dailly
Somali. Dailly
Daily Nation of Kenya
East African Standard
Audio
Somali Sites
Allpuntland.com
Puntland News Media
Aminarts.com
Banadir Software
BBC Soomaaliya
Dayniile
Dar-alnur.com
Jigjiganet
King-has.com
Hiiraan Online
HornAfrik Online
Kenyan Somali
Malayko Online
Markacadey.net
Ogaden Human Rights
Ogaden Online
Ogaden Student
Ogaden War 1977-1978
puntlandnewsmedia.com
Qaadisiya
Qaranimo.com
Radio Xoriyo
Shabeelle
SomaliTech.com
Somali Irrigation
Somalitalk.com
Somali Weyn
Somaliwide.net
Safaritravels
Somaliantv
SomaliUK.com  
The Ogaden Road  
Wabishabeele
Wardher Online
Waqooyibari.com
Waayaha

Duljoogso oo ku hako: Qadiyada Ogaadeenya kuma dhisna siyaasad qudha.

Oct 28, 2009 (QOL) Sideynu wada ogsoonahay wadanka Ogaadeenya wuxuu leeyahay dhul aad u baaxad weyn kaasoo ay ku nool yihiin dad fara badan. Hadaba dadkaas iyo dalkaas isaga ah waxey ku hoos jiraan gacan gumeysi oo’ aan marna u’ogaleyn iney helaan noloshii caadiga aheed ee loogu tala galey qofka aadamaha ah inuu ku noolaado; sideynu la socono dhammaanteen xoriyada waa sheyga ugu muhiimsan inuu qofka bini’aadamka ah helo; haddaba shacabkan isaga ah xoriyad iyo wax u dhow toona ma heystaan. Bal aan idin tuso tusaalooyin yar yar oo aan dhammaanteen ka wada dharegsanahay:

Dhanka carruurta.

Carruurta Ogaadeenya had iyo goor wey dhiban yihiin; waa iney qaxaan,naafoobaan, jahawareeraan, dhaawacmaan ama dhintaan, waalidkii iyo wallaalihii la dhashey oo ka dhinta iyo noloshooda inta ka dhiman ooay cabsi ku noolaadaan ; haddii aan si kale u iraa marna wey adegtahay iney noqdaan ama u noolaadaan sida ilmaha nolosha caadiga ah ee degaal arkin u nool yihiin.

Carruuta Ogaadeenya ku nool ma heystaan waxbarasho, caafimaad, koriimo wannaagsan, biyo nadiif ah oo ay cabaan iyo waxey kaloo awood u heysan iney bannaankooda xoriyad isaga dheelaan.

Caruurtayada malaho wax mustaqabal ah oo uu higsado ama uu ku hirto malaho meel laga hago oo loo sheego khaladka & saxda, maha ilomo ku koray daryeel & kool koolin ee wuxuu dhashay xabadoo dhacaysa taas ayuuna ku koray waxaa shaki ku jirin inbadan oo maanta naga dhagaysanaysa Radio Qorahay in ay dareensanyihiin farqiga u dhexeeya caruurta aan qorbaha ku haysano & caruurta Ogaadeenya kunool ama kuwa silica ugu dhimanaya qoxootiyadda.
Caruurbadan oo u dhalatay Ogaadeenya ayaan la garanaynin meel ay kunool yihiin qaarbadan waxaa qaata Tigreega, kuwo kalena waxaan la garanaynin meel ay ku nool yihiin, kuwo badan waxaa duurka ku cunay waraabe iyagoo hadfay ama ka cararay xasuuqa waalidkii loo gaystay, kuwa badan ayaa waashay kadib markii waalidkii wayaanuhu ku hortoogteen. Inkastoo waxaas oodhib ah uu caruurta Ogaadeenya gumaysigu gaadhsiinayo hadana waxaa dhagaystoow ogaataa cida Ilaahay ka sokoow ay caruurtasi sugayso in aad adigu tahay, hadii aad u gar-gaartana waad heli ajrigeeda hadii kalena waxaad ogaataa in aakharo lagu waydiin nolasha aad adiga & ilmahaaga ku nooshihiin & nolasha ay agoonta Ogaadeenya ku nooshahay.

Dhanka dumarka.

Gabadha u dhalatey Ogaadeenya ee wadankii ku nool wey ka danqaneysaa dhibaatada dalkeeda iyo dadkeeda heysta taasna waxey ku tusi inuu gumeysiga dhibaatooyin fool xun uu kula dhaqmo sida dil, xabsi, kufsasho iyo iyadoo shaqaale ahaan loo isticmaalo.
Sideynu wada ogsoonahay haweenaka Ogaadeenya waxey u dhintaan cuduro badan sida markey uurka leeyihiin ama dhalaan.

Waddanka Ogaadeenya oo ah waddan dagaal ka socdo una dhexeeya Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya & gumaysiga Itoobiya waxay gabdha Ogaadeenya kamid yihiin kuwa dhibka ugu badan soo gaahdo Gabadha Ogaadeenya waxey dhimataa dhawr jeer halka uu ninka Ogaadeenya mar qudha dhinto.

Haddaba shacabkan masaakiinta ah waa shacab aan meel u roon heysan; waxaan arintan iyada ah ka wadaa dawlada Ethiopia waa kuwa habeen iyo maalin ku tumaneysa oo ay kolba sidey rabto ay ka yeeli sida dilka, boobka, kufsiga aan kala go’a laheyn.

Shacabkan Ogaadeenya waa shacab hami badan oo higsanaya meel aad u fog waa shacab aan dhag u raa-ricinaynin dhibaatooyinkaas oo dhan, waa shacab isku duuban oo doonaya in uu duliga ka baxo, waa shacab baahan oo ooman oo doonayna meel uu ku oon boxo kuna gaajo baxo, waa shacab isku kalsoon oo isku duuban, waa shacab sabir badan oo aaminsan Ilaahii dhibkaas u keenay in uu isaga uun ka saari karo, dumar & ragba Ogaadeenya waxay maanta u istaageen in ay mar uun calanka Ogaadeenya ee sadexda midab ah in ay ka sudhaan dusha buuraha Ogaadeenya ee quruxda alaah ku manaystay.
Haddaad qof jiran sideed tahay ku tidhaahdo cudurka kama qaadeysid ee nafta ayey uroon tahay Soomaalidu tidhaahdaa,

Dhagaystoow waxay tahay su’aashu qof walba inuu naftiisa weydiiyo ilaa iyo intee in la’eg ayaad naftaada daacad u tahay ama aad isku kalsoontahay?
Marka 2aad bal eeg qofka kuugu dhaw allaha ka dhigee dariskaaga, xaaskaaga, carruurtada iyo dadka aad qadiyada qudha wadaagtaan intee inleg ayaan ka fikirtaa dhibaatooyinkaas aan soo sheegnay.

Hadaba dhagaystoow ugargaar walaalahaaga dhibaataysan rag & dumarba yar & waayeel, Ogaadeenya waxay kamid tahay aduunka meelaha ugu dhibaatada badan darxumo hadii ay jirtana waxaa loogu tagaa Ogaadeenya, gumaysina waxaa loogu tagaa Ogaadeenya dulmi & xadgudub waxaa loogu taga Ogaadeenya, dhibaatada Ogaadeenya ka jirta maha mid aan halkan ku soo koobi karo aad ayay u badan tahay.

Hadii aad doonayso in aad la soo xidhiidho Radio Qorahay waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa e-mailka ah radioqorahay@yahoo.com

FG: Barnaamijkan wuxuu ka baxay Radio Qorahay 27/10/2009

Waxaa soo diyaariyay
Tafatiraha Qorahay Online

"Qorahay Online waa wehelkaaga Rasmiga ah"

 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright ?1999 - 2009, All rights reserved. Qorahay Online