Qormada
Duljoogso:Maxaabiista Ogaadeenya lagu bahdilayo oo loo isticmaalayo
sida meelaha Xayawaanka ee loo daawasho tago (Zoo)
March 1, 2010 (QOL) Noolaha sankuneeflaha ah
wuxuu u kala baxaa Bani Aadam & Xayawaan, wuxuuna Illaah caqli
& garaad siiyay bani aadamanka waxaana lawada qirayaa in uu
Bani Aadamku yahay waxa ugu fadilan ee uu Allah siiyay caqli &
gaarad. Xayawaanku waa noole uu Allaah ugu tala galay in lagu
manaafacaasado sida Hilibka, Caanaha, Rarka iwm. Markaad fiiriso
wadamada hormaray waxaad arkayso sida loo xanaaneeyo Xayawaanka
waxay leeyihiin Isbitaalo & daawooyin u gaar ah oo lagu xanaabeeyo
xoolaha & Xayawaanka kaleba, waxaa kale oo ay leeyihiin meelo
xayawaanka loogu jimciyo ama loogu maydho.
Hadii
aan u soo noqdo cinwaanka qormadeena maanta waxaa Ogaadeenya ku
habsaday gumaysi mudo aad u badan saaraa, shacabka Soomaalida
Ogaadeenya waxaa laga gooyay dhamaan nolasha uu qofka Bani Aadamka
ah & Xayawaanka aan xusnay ay ku noolaan lahaayeen, waxaa
Ogaadeenya ka jira xabsiyo aad u badan oo lagu xidho shacabaka
Soomaalida Ogaadeenya waxaa xabsiyadaas ku jira waalid da'ah oo
mudo dheer ku jiray xabsiga waxaa ku jira Gabdho yar-yar oo intay
ciidanka Tigreegu soo kufsadeen hadana loo taxaabay xabsi lagu
ciqaabo, waxaa ku jira kuwa ku umulay oo caruurtii ay xabsiga
ku dhaleen dad socda oo aan meel kale aduunka arkin ay yihiin
waxaa caruurtaas magac looga dhigay Xabsi, Xabsiyada Ogaadeenya
waxaa kujira dad xoolo dhaqato ahaa oo aan waligood magaalo arkin
meeshii ugu horaysay ee lageeyayna ay noqotay Xabisga loo yaqaano
Jeel Ogaadeen.
Majito
cid og oo lasocota xadgudubyada dhabta ah ee maalin & habeenba
lagu hayo Maxaabiistaan, wuxuu Gumaysiga Itoobiya amray kuwa dabadhilifka
ah ee u shaqeeya oo uu kamid yahay ninka dhiiga dadkiisa ku naaxay
Abdi Ilay oo lagu
qiyaasayo in uu laayay 8000 oo shacab ah ilaa 18000 ugu jiraan
Xabsiyada. Dadka u xidhan gumaysiga Itoobiya ee uu Ina Ilay Xabsiyada
ku ciqaabo waxaa loo didaa in ay ehelkooda soo boqdaan waxaana
lagu hayaa meel hog ah oo ay daris yihiin kutaanka & cayayaanka
caanka ku ah Xabsiyada Itoobiya ay samaysatay mana helaan wax
daryeel ah dadkaas u xidhan Itoobiya.
Waxaa
xusud mudan mudo dheer ayuu Ina Ilay saxaafada ka sheegayay in
ay hormar sameyeen wuxuuna u gacan haadiyay kuwo markii horeba
la shaqaynayay oo la qabsan waayay Nolasha Qurbaha oo ku cago
gubyooday dhimbiilaha kulul ee ay saydhayaan Jaaliyaddaha Soomaalida
Ogaadeenya oo baryahan dambe si xoog ah u soo gudbinayay tacadiyada
shacabka Soomaalida Ogaadeenya lagu hayo sida lawada ogyahay dhawr
jeer ayay Itoobiya isku dayday in ay kacdoonka Jaaliyadaha Soomaalida
Ogaadeenya is hor taagto waxayna marar kala duwan hindistay in
ay dabo dhilifkeeda hawl galiso dhamaan arimahaasina fashil ayay
ku dambeeyeen waxayna Itoobia xaqiiqsatay in aan si sahal ah Jaaliyaddaha
Soomaalida Ogaadeenya lagu dhex gali karin waxaana si rasmi ah
Itoobiya isku daygeedii dibada u fashiliyay Safarkii madalufiska
ahaa ee uu Ina Ilay Lodon ku tagay safarkaas oo ay Itoobiya qoomamayso
wuxuu ku ekaa Safaarada uu Gumaysigu halkaas ku leeyahay waxaana
Ina Ilay la kulmay intii nolosha qurbaha & ku dhex jirka Jaaliyadahaba
ka quusatay ee loo yaqaano Daboqoodhiga Doolka ah.
Gumaysiga oo taariikh ahaan aan waligii gar qaadanin isla markaas
aan quusanin wuxuu u adkaysan la,yahay dhawaaqa dheer ee shacabka
Soomaalida Ogaadeenya ee gudo & dibadba is qabsaday waxaana
soo kartay dhaleecaynta caalamku uu ku dhaleecaynayo ku tumashada
Xuquuqul Insaanka, sidaas daraadeed wuxuu gumaysigu taaganyahay
odhaahdii Soomaaliyeed ee ahayd Dameer ceel ku dhacay
kooykooyna waa lagu dayaa wuxuuna baryahan dambe bilaabay
qorsheyaw cusub oo indhaha Jaaliyaddaha Soomaalida Ogaadeenya
& caalamka lagu cawirayo wuxuuna abaabulay koox isku xidhan
oo Daboqoodhiga Doolka ah kuwaas oo sameeyay
TV ay Itoobiya fangaraysa oo ay ula bexeen JigJiga
TV kaas oo cariga Maraykanka laga daawado isla
markaasna ay gacanta ku hayaan shaqisyaad ay Itoobiya mudo dheer
tabobaraysay waxaana ka mid ah sawiradan hoos ka muuqda.
Daboqoodhiga Doolka ah waxaa looga yeedhay JigJiga
waxaana lagu marti qaaday hilbaha Maxaabiista Soomaalida Ogaadeenya
ee uu Ina Ilay ku naaxay waxaana la geeyay Xabsiyo kala duwan
oo ku yaala magaalada JigJiga kaas oo dhamaan Maxaabiistii intii
la soo uruuriyay lagu yidhi noo dhaanteeya waa arin ugub ah oo
aan aduunka horay uga dhicin Maxaabiis lagu qasbayo in ay ciyaaro
soo bandhigaan sidoo kalana ay sawir fiican ka bixiyaan qaabka
loola dhaqmo ayna qariyaan waxyeelada loo gaysanayo maalin &
habeen waxaa wax lala yaabo noqotay Dabaqoodhigii Doolka ah in
ay dad Xabsi ku jira ku yidhaahdaan farxad noo muujiya si aanu
idiinka duubno waraysiyo qasab ahna ay ka qaadaan iyagoo u jeedadoodu
tahay in ay cajaladahaas dibada u soo safriyaan ayna Jaaliyaddaha
Soomaalida Ogaadeenya u tusaan in aan wax dhib ah Maxaabiista
loo gaysanin.
Arintan oo ka mid ah hindise yaasha cusub ee Gumaysiga Itoobiya
ayaa aad uga yaabisay cid kasta oo ka war heshay waxaad ka arkaysaan
oo sawirada ku jira Abdinuur Mohamed Soyaan oo
sanadkii 2008 ay Maamulka W/Bari Soomaaliya u gacan galiyeen gumaysiga
Itoobiya.
Maxaabiistas lagu qasabayo in ay dhaanteyaan laguna dulciyaaro
waxaa la qorshaynayay in mudo ah waxaana loo wakiishay Ina Ilay
oo la hubiyay in uu yahay damiir laawe aan wax uu dhawranayaayi
jirin calooshiisana la caqli ah & niman dhalasho Maraykan
ah haysta oo dambigii ugu cuslaa dhabarka saartay waxayna la mid
yihiin cadowga ay Maxaabiistaasi u xero oodanyihiin ee dulmiga
ku haysta kuna ciqaabaya Xabsiyada darxumadu taalo.
Waxaan Jaaliyadaha Soomaalida Ogaadeenya ee Maraykanka ku nool
u sheegaynaa in nimankaas ay maxkamad soo taagan waana arin waajib
in lagula xisaabtamo Maxaabiista ay ku qasbeen in ay u dhaanteeyaan
ayna waraysiyo been ah ka qaadaan ayna qariyaan xadgudubka loo
gaysto
Akhristoow Qormadeena Duljoogso ee todobaadkan maanta halkaas
ayaan ku hakinaynaa lasoco qaybaha dambe.