March 30, 2010 (QOL) Qormadeena Duljoogso ee
todobaadkan waxaynu ku eegayna qaabka ay jaajuuska & gumaysigu
u kala shaqaystaan & meesha uu Jaajuusku ku dambeeyo.
Shacabka
ku nool Dhulka Ogaadeenya ee la guumaysto ayaa waxaa aad u dhibaateeya
Jawaasiista & kuwa u adeegga Guumaysiga ee Shacabkooda ku
gata shilimaad yar, waxaan idiin haynaa Warbixin kooban oo ku
saabsan qaabka Jawaasiista ka shaqaysa Magaalada Jigjiga &
Dhulka Ogaadeenya intiisa kale ay Shacabkooda u iibsadaan.
Qofka Jaasuuska ah ee dusha uga eg qof caadi ah gudahana wax kale
ku wata marka uu hal qof soo Jaasuuso wuxuu qaataa lacag dhan
$100 oo u dhiganta 1,000 Birr lacagta Itoobiya, lacagtaas wuxuu
ka helaa Xafiiska Cabdi Iley oo ay isugu yimaaddaan dhamaan Jawaasiista
ka hawlgala Dhulka Ogaadeenya haddii qofka la soo Jaasuusay uu
leeyahay hanti ama uu yahay nin wax haysta oo xiligaas aan la
soo xidhi karin waxaa laga qaataa bil walba lacag u dhiganta tii
haddii la soo xidho laga heli lahaa Xafiiska Cabdi Iley.
Waxaa jira dad badan oo Shacab ah oo qaarkood cabsi ay ka qabaan
in Jawaasiistu u gacan galiyaan Guumaysiga iska bixiya lacago
gunno ah oo ay naftooda ku difaacayaan inkastoo mararka qaar ay
dhacdo in Jaasuuska loo ballan qaado lacag laban laab ah si uu
qofkaas u soo qabto taasina ay Jaasuuskii u sahasho inuu qofkii
u soo gacan galiyo cadowga.
Jawaasiista qaar ayuu Guumaysigu kula heshiiyaa lacago Koontaraat
ah oo dhawrkii bilood mar la siinayo waxaana dhacda inaan ilaa
sannad waxba la siin Jaasuuskii taasina ay ku kalifto inuu si
dhuumaalaysi ah uga baxo shaqadii Jaasuuska waayo haddii uu caadi
uga baxo waan la daynayn oo Guumaysiga ayaan daynayn oo ka baqaya
inuu sir badan banaanka uga saaro Guumaysiga Tigreega ama kuwa
u adeegga, sida dhawaan dhacday markii uu Cabdi Iley toogtay Askari
ilaaladiis kamid ahaa oo uu ka baqay inuu sirtiisa banaanka dhigo.
Jawaasiista intooda badan waxay Shaqadoodu ku soo gabagabawdaa
meel uusan jeclaysan Jaasuusku, iyadoo Guumaysigu markii uu ka
dhamaysto qofka danta uu ka leeyaha ayuu siduu doono kayeelaa
sida inuu Xabsi dhigo & waxaa in badan dhcada inayba dilaan,
waxaa jira oo lawada ogyahay in Jawaasiis caan ahayd uu Guumaysigu
laayay kuwa kalena Xabsiyada ka buuxaan dhacdooyinka xusida mudan
ee soo noqnoqda waxaa ka mid ah in ay Xabsiga dhexdiisa isugu
yimaaddaan qof la soo Jaasuusay & Jaasuuskii kii soo dacweeyay
oo dhagar qabe ah wajigiisana madoow ka muuqdo waxayna taasi tusaale
u noqotaa dadka wali ku jira Shaqada Jaasuusnimada.
Haddaba way badanyihiin qaababka ay u shaqeeyaan Jawaasiistu balse
waxay ka siman yihiin lacagta ah $100 ah ee ay ka helayaan halkii
qof ee ay Guumaysiga Cadawga ah u soo gacan galinayaan waxaad
halkaa ka dheehan kartaa sida qiimaha yar ee uu Jaajuusku dadkiisa
u wan jalayo & sida uu marka dambe godkii uu qoday isagu ugu
dhacayo.
Sirta qarsoon ee Guumaysigu ka leeyahay dhalinyarta uu marin
habaabiyay ee uu Jawaasiista ka dhigtay waxaa fahmay wax yar oo
markay u cuntami wayday Shaqadaas xun ee Jaasuusnimada ah iskaga
soo baxay oo markay naftooda u baqeen inuu Cadawgu laayo ka baxay
dalka oo meeshii ay Nolol fiican ka helayaan tagay.
Inta ku hadhay wali shaqada Jaasuusnimada waxaan rajaynaynaa
inay fahmi doonaan dhagarta Guumaysiga waxaanan kuwaaninaynaa
in ay xisaabtamaan naftoodana ayas ku sii halaagin shaqadaa xun
ee iyaga & umadoodaba u daran ee aan nacfiga lahayn, dhalinyarada
shaqadan xun loo diray waxaanu leenahay ka waantooba in aad walaalkaa
qado ku badalato ogowna in uusan gumaysigu adiga ku bixinaynin
kuna jeclayn.
Guumaysiga & kuwa u adeegga ee uu maamul ku sgeega uga dhigtay
Jigjiga waxay ku jiraan go'doon kamana baxayaan oo gabiga ku foorara
ayay ku hoos bakhtiyayaan wax qiil ahan looma hayo niamnka siad
badheedhka ah u doortay in ay umadooda gulaalaan ee bahaloobay,
Shacabka Ogaadeenayna waa qaali waana mid u adkaysi & sabbir
badan dhibka baaxada leh ee uu ay gumaysiga & gacan yarihiisu
ku hayaan waxaanan xusuusinaynaa Shacabkanaga geesiga ah in aysan
u nuglaanin cadaadiska gumaysiga & gacan yarihiisa kaga imanaya
ee maalinba maalinta ka dam,baysa sii kordhaya.
Qormadeena Duljoogso ee todobaadkan maanta halkaas ayaan ku hakinaynaa
lasoco qaybaha dambe.