Duufaantii Qalbi Dhagax Oo Mar Kale Ku Dhufatay Danbiile Sanbaloolshe

Warar

Nuur Iidow Beyle ayaa ku guuleystay doorashada kursiga Xildhibaan Golaha Shacabka ee Beesha Cali Madaxweyne, kaddib markii wareegii labaad uu helay 27 cod, halka C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe uu helay 24.

Tirinta cododka wareega labaad ayaa la soo gabagabeeyay, iyadoo natiijada horudhaca ah ay muujineyso in Nuur Iidow Beyle ku guuleystay kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Cali Madaxweyne/Xawaadle.

Doorashada Kursigan ayaa aheyd mid aad u xiiso badneyd oo dhaqaale badan lagu baxshay, iyadoo Sanbaloolshe oo horay kusigan u baneeyay uu dadaal badan ugu jiray sidii uu mar kale ugu guuleysan lahaa, hase ahaatee haatan looga adkaaday.

Musharaxa ay wadatay Madaxtooyada Mr Nuur Iidow Beyle oo horay kursigan Xildhibaano ugu fadhiyay Baarlamaankii 9aad, hase ahaatee doorashadii sanadkii 2016 aan ka soo qeyb galin ayaa mar kale helay kursigii uu horay beeshiisa ugu matalayay Baarlamaankii la soo xulay sanadkii 2012.

Guddiga doorashada Madaxa banaan ayaa lagu wadaa inuu goor dhow ku dhawaaqo natiijada rasmiga ah, iyadoo hoolka doorashada ka dhacday uu goor dhow gaaray Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne kuxigeenka Cali C/llaahi Cosoble iyo Mas’uuliyiin kale.

 Sanbaloolshr Ayaa La Aaminsanyahay In Taariikh Xumadu Iyo Naca Bulshada Soomaaliyeed Ay U Qabto Sababta Kowaad Ka Tahay Qaddiyaddii Qalbi Dhagax Oo Aheyd Halkii Ay Ku Duntay Taariikhda Rag Badan Oo Kamid Ahaa
Wadani  Ali Qorahay Media

16,220 total views, 0 views today

Share
Warar
Daawo Khudbaddii Mudane Sulub Cabdi Ahmed oo Kooban.

Mudane Sulub Cabdi Ahmed oo kamid ah Masuuliyiinta Sare ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya JWXO ahna Xubin kamid ah Gudiga Jabhadda ONLF u qaabilsan Wadahadalada ONLF & Ethiopia ayaa shalay Khudbad Kooban U Jeediyay Boqolaal Qof oo kamid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi kuwaasi …

3,299 total views, 0 views today

Share
Warar
Daawo Khudbaddii Drs Cibaado Hirsi Mahad Hogaanka Dhaqaalaha ONLF – Shirkii Nairobi.

Hogaanka Dhaqaalaha Iyo Maaliyadda Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya JWXO Marwo Drs Cibaado Xirsi Mahad ayaa shalay Khudbad Kooban U Jeedisay Boqolaal Qof oo kamid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi kuwaasi oo kasoo qayb galay Xaflad balaadhan oo ay Jaaliyadda Ogaadeenya ee Nairobi Madaxda JWXO …

3,456 total views, 0 views today

Share
Warar
Cududa ONLF iyo cidhib go’a Tigrayga

Marka aad aragto cududa shacabka halgamaaga ah ee ogaadeniya, .Marka aad aragto hanka iyo doonista sare ee Masuuliyiinta iyo hubnaha ONLF oo saldhigiisu yahay xoriyad iyo aayo katashi Midnimo iyo wadajir .Marka aad aragto hufnaanta iyo bisaylka madaxda iyo kaadirka Jabhada ONLF Waxaad garwaaqsanaysaa in ay maanta jwxo Joogto heer …

6,539 total views, 0 views today

Share