Ethiopia Oo Kala Dhaqaaqday Iyo Cabdi Iley Oo Shirar Iyo Baryootan Kaga Jawaabay

Warar

Wararka Aan Ka Heleyno  Xarunta Maamulka Gumeysiga Itoobiya Ee Addis Ababa  Ayaa Sheegaya In Xaalku Gaadhey Meeshii Ugu Xumeyd Abid Kadib Markii Baarlamaanka Iyo Kooxda Tplf Isku Jiidheen Dhowr Arrimood Waxaana La Sheegayaa In Ay Soo Dhawaatay Dhawaaqa Saacaddii Kala Dhaqaaqa Ee Muddaba La Sugayey

abdi_il

Dhanka Kale Xisbiga EPRDF Ayaa sheegay in ay ka aqbaleen iscasilaadii uu afhayeenka Baarlamaanku Abadula Gemada weydiistay bishii October Tii la soo dhaafay, oo ay xilligaas ka aqbali kari waayeen, sababo loo tirinayo quwada iyo isku duubnida ay la soo baxeen qowmiyada uu ka soo jeedo ee Oromada & xisbigooda OPDO iyo siyaasada Itoobiya ee xilligan oo noqotay qori-qori ku taag. Waxaa la filayaa in fadhiga ugu horreeya ee baarlamanka loogu codayn doono afhayeen cusub, haddii ay baarlamanku dhinac isu raacaan. Waxaana Jirta Is Barbar yaac  Siyaasadeed Oo Xubnaha Baarlamaanka La Kala Shukaansanayo Waxaana Meesha Ka Maqan Awooddii Kooxda Tigreega Oo Mudda Dheer Golaha Ku Soo Amar Kutaagleyn Jirey

Waxaa Iyana La Hadal Hayaa In Maamulka 4 Gobol oo ka mid gobolada deegaanka Soomaalida  Ogaadeenya ee xadka la leh Oromiya iyo kuwa Oromiya ee xadka la leh kulan la isugu yeedho magaalada Raaso, halkaas oo ciidanka milatariga Gumeysigu ay labada deegaan ku amreen in wixii ciidan ah ay kala baxaan xuduuda, kana fogaadaan masaafo dheer oo ay u calaamadeeyeen, islamarkaana sidaas ay ciidanka militariga federaalka oo tiro badan si aad ahna u hubaysani ay kula wareegeen dhulka u dhexeeya deegaanadan, Deegaanka Soomaalida waxaa ka socday Cumar Rooti oo ku magacaaban madaxa siyasaada ee Xarunta dhexe ee XDSHSI.
– Dr. Negeri Lencho oo Ay Hareer Taagan Yihiin Saraakiil Militari Oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in xaalada wadanku ay ka soo raynayso, jaamicadaha wadankuna ay billaabayaan waxbarashadiii. Waa Siduu Hadalka U Dhigaye

– Cabdi Ilay oo saxaafada maxaliga ah la hadlayay ayaa shalay si aad ah baryo ugu muujiyay Oromada, isaga oo ku tilmaamay tallaabooyinkii uu qaaatay kuwo xad gudub ku ahaa dastuurka wadanka aadna uga qoomameeyay, inkasta oo taasi aysan ka sarrifmaynin maanta,  Maadaama Ay Oromadu U Muuqato Xaaladda Ay Itoobiya Mareyso  Waxaana La Sheegayaa islamarkaana ay Itoobiya u haysataa barakicinta in ka badan nus malyuun Oromo ah, taas oo sabab u noqotay in barlamanka wadanku ay shaqo-joojin ku dhawaaqaan.

Inkastoo Hogaaminta diimaha Itoobiya oo la hadlay shacabka ay shacabka u sheegeen in ay deganaansho muujiyaan oo ay ilaaliyaan nabad kuwada Noolaansha  qowmiyadaha shucuubta dalka Murugsan sida oo kalena dawlada Ay ugu baaqeen in ay si degdeg ah u soo saaraan go’aamo rasmi ah oo jawaabo cad ka bixinaya su’aalaha ay shacabku qabaan. Ee Taabanaya Xuquuqahooda Aasaasiga Ah   Haddana WXaad Mooddaa Inaaney Baaqyadaasu U Dhaadhicin  Dhagaha Dadka Kacdoonka Ka Wada Guud Ahaan Itoobiya

Warar Kele ayaa sheegaya in R/wasaare Haylemariam Desalign  Oo Iska Maqaar Saar Ahaa uu Barlamanka hor imanayo gelinka dambe ee maalinta Salaasada ah, si uu jawaabo uga bixiyo su’aalaha baarlamanka ee ku aadan xaalada cakiran ee wadanka ka jirta.

Waxaana Jira Shirar joogto ah oo odayaasha loogu yeedhayo 2dii todobaad ee ugu dambaysay Oo ka socday magaalada Jigjiga, shirarkan ayuu Cabdi Ilay odayaasha uu la kulmo hadalo kala gedisan ugu sheegayaa, kagana codsanayaa in ay garab istaagaan, taageeradoodana uu u baahan yahay, isagoo leh wax kasta waan saxayaaye xaqiiqda ii sheega, oo intaad halkan iga amaantaan, markaad afaafka gaadhaan ha iga habaarina oo ha dhihina kii waallaa ayaa na haystay, Dhanka kalena odayaasha ayaa u muuqda in sidii hore ay ka dhiiran yihiin. Gaar ahaan waxaa Jigjiga ku sugan Ugaas gandaha beelweynta Ciise oo muddaba wax badan tirsanaysay, iyada oo la xusuusan yahay in bishii hore kulan ay ku yeesheen goob aan ka fogayn magaalada Garba-ciise (Gadh-mullu) oo ka mid ah dhulkii Soomaaliyeed ee uu Cabdi Ilay ku wareejiyay Canfarta, ku sheegay in deegaanka Soomaalida wax kala jiraayi uusan jirin, sidaas darteedna ay dawlada federaalka ka codsanayaan inay ka go’aan deegaankaas. Cadaalad Darradu La Dagtey

Wadani Ali Qorahay Media

766 total views, 0 views today

Share
Warar
Ciidamada Lugta Ah Ee Turki Oo Gudaha U Galay Deegaano Waqooyi Syria Ah Guulana Ka Sameynayo

Ciidamada Lugta Turkiga oo wata taangiyada dagaalka, ayaa Maanta gudaha u galay Waqooyiga Syria, si looga takhaluso dagaal-yahanada Kurdiyiinta Syria, iyadoona uu ujeedku yahay in laga saaro deegaanada ku teedsan xadka labada dal. Dowladda Turkiga, ayaa Sabtidii qaaday guluf ballaadhan oo ay qayb ka yihiin diyaaradaheeda dagaalka, kadib markii Madaxweyne …

4,489 total views, 0 views today

Share
Warar
Yaa Masuul Ka Ah FashilkaIyo Fowdada Dowlada Farmaajo? Wax Ka Ogow

Dad badan ayaa la yaaban isbedallada iyo fowdada ka dhex jirta dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyadoo Masuuliin Badan Xilka zlaga Qaaday Halka Ay Qaar Kale Iyagu Iska Casileen Xilalkoodi Xogta aan helnay ayaa caddeneysa cidda qaska ku haysa dowladda Farmaajo, waxayna dad badan aaminsan yihiin …

4,946 total views, 0 views today

Share
Warar
Alshabaab Oo Wadada U Galay Ciidamo Koonfur Galbeed Ka Tirsan Iyo Khasaare Ka Dhashay

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya degaano ka tirsan Gobolka Baay dagaal khasaare dhaliyay ayaa waxa uu dhex maray Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab. Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar jidgal ah u dhigay Ciidamo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur …

5,349 total views, 0 views today

Share