Faahfaahin ku sabsan wadahadlka biyaha Nile ee Masar & Ethiopia ay ku kala kaceen

Warar

Sidaanu war hore ku soo gudbinay dawlada Masar & gumaysiga Ethiopia ayaa isugu yomid shir ay gogoshiisa ay fidisau dawlada Sudan oo dhinacyadaas dhexdhexaadinaysay, shirkan oo ka dhacay caasimada Sudan ee Khartum waxaa ka qayb galay wasiirada Arrimaha dibadda, taliyayaasha sirdoonka & gudiyo farsamo ee dhinacyada is haya & Sudan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sudan ayaa saxaafada u xaqiijiyay inuu fashilmay shirkaasi oo khilaafka webiga Nile ee mudo soo jiray xal loogu raadinayay, shikan ayaa ahaa kii u horeyay ee Masar la yeelato gumeysiga Ethiopia ilaa intay qaadacday shirarka, dhinaca kalena dadka dublamaasiyada u dhuun daloola ayaa tilmaamaya in shirkan dowladda Mareykanku ka dambaysay isla markaasna ay qorshaysay in lagu dhiso gudyo dalalka is khilaafsan ka socda oo maamula biyo xidheenka uu gumaysiga Ethiopia dhismihi iih sa mudada waday.

Xogo ayaa shergaya in la isku afgaran waayay qodobka taabanaya biyo xidheenka ay Ethiopia dhisayso, biyo xidheenka ay Ethiopia dhisayso ayaa la damacsanyahay in gudiyo isku dhaf ah ay maamulaan sidaasna gumaysiga lagaga madax baneeyo arrintan ayuu gumaysigu markii hore ogolaaday balse dib uga noqotay ogolaansaheedii hore sida ay ilo wareedyo hoose sheegeen.

Arrtan ayaa lagu macneeyay in uusan gumaysiga Ethiopia xiligan go’aano qaadan karin maadaama uu wadanku xaalad qasan ku jiro,

Wasiirka Arrimaha dibadda Masar ayaa saxaafada u sheegay in Masar ay cadaadis dublamaasiyadeed oo xoogan ay gumaysiga Ethiopia saari doonto, wasiirku wuxuu intaas ku in ay dhankooda aysan ka bixi doonin wixiii hab dublamaasiyadeed ah ee ay arrinta biyo xidheenku ku dhamaan karto.

Qorahay Media

21,282 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,443 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

2,930 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,550 total views, 0 views today

Share