Faallo: bilowgii dagaalka ONLF iyo badbaadinta shacabka Ogadeniya by Amiin Xaqdon

Warar

Bilowgii dagaalka ONLF iyo badbaadintii shacabka Ogadeniya taariikh dhaqan iyo diin
faallo
Asc dhamaan umada soomaliyeed khaasatan shacabka birlabka ah ee s ogaadeniya

waxaan maanta qalinka uqaatay faaladan kooban oo aan ciwaan ugadhigay Bilowgii dagaalka ONLF iyo badbaadintii shacabka Ogadeniya taariikh dhaqan iyo diin
.marka aad abaarayso faalo leedahayna taarigeed iyo meel aad tooganayso waxaa muhuuma inaad uleedahay Aqoon Dheer iyo waaya aragnimo fog taas oo kuqotonta xaqiiq aan marnaba labaalmari karin
Iyo halbeegsax ah oo katurjumaya ujeedka odhaahda iyo Ciwaanka qormada
.
Hadii aan halkaa kagatagno tusaalahaa mutaxan iyo tilmaantaa gaban oo aan kusoo dhowaano ujeedka faalada Aqristoow ciwaankeena oo ah Bilowgii dagaalka ONLF iyo badbaadintii shacabka Ogadeniya taariikh dhaqan iyo diin
.
Waxaan ukala qaadaynaa laba qaybood ..
Muxuuyahay dagaal muxuuse kubilowdaa
.
Maxaa lagabadbaadinayaa shacabka
.
Hadii aan kuhormarno qeexida Ciwaanka faaladeena oon laba ukalaqaadnay siwaafiyana uturxaan tiro inaga oo raacayna raadka taariikheed ee dagaalka ONLF kula jirto gumaysiga itoobiya iyo bilowga halganka ay jwxo kula hardamaso cadawga qabsaday dalka iyo Dadka ogaadeniya kuna raadinayso xaqa aaya katashi ee shacabka Dulman waa midkubilowday Rabitaan shacab loona heensaystay dagaal markii LA arkay Gardarada Kooxdii TBLF ee wadanka itoobiya qabsaday 1991 kuwaasoo sameeyay khiyaano cad sitoosana shacabka ogaadeniya iyo Jabhada gobanimadoonka ah ee ONLF ugu qasbaya inay duurka galaan iyaga oo garwaaqsaday in cadawgan dalka qabsaday uuna xalkale lahayn
ONLF waxay jabhadaynta bolowday wakhti Kooxdii itoobiya qabsatay ay dabin uqoolayeen shacabka ogaadeniya mararkaladuna si badheedha ay udooneen inay damiyaan iftiinka shacabka usoobaxay oo ahaa Jabhada ONLF
sida aan taariikhda kuhayno waxaa weerara gardara ah lagu qaaday xafiisyadii Jabhada waxaana lalaayay masuuliyiintii dagmaayinka iyo shacab badan oo masaakiin ah ilaa ugu danbayntii weerar lagu qaaday gudoomiyihii Jabhada sheekh Ibraahim Cabdule oo lagu weerara magaalada wardheer ee xarunta gobalka doolo
Xeexida tariikhdaa iyo sheekadan aan korkusoo aragnay waxay tusaale utahay dagaalka ONLF inayna iska bilaabin ee laga keenay Qorshaha uudagaalku kubilawdayna ahaa mid lagabaraan dagay Kana dhashay kalsooni daro lagaqaaday taliskii TBLF oo noqday mid dad cuna Qasabna ay noqotay in Jabhada ONLF ay shacabkeeda udagaalanto si loo badbaadiyo Dhaqanka diinta iyo taariikhda Dadka iyo dalka ogaadeniya

Lasoco qaybta labaad

W/Q Amiin Xaqdoon

1,001 total views, 0 views today

Share
Warar
Ciidamada Lugta Ah Ee Turki Oo Gudaha U Galay Deegaano Waqooyi Syria Ah Guulana Ka Sameynayo

Ciidamada Lugta Turkiga oo wata taangiyada dagaalka, ayaa Maanta gudaha u galay Waqooyiga Syria, si looga takhaluso dagaal-yahanada Kurdiyiinta Syria, iyadoona uu ujeedku yahay in laga saaro deegaanada ku teedsan xadka labada dal. Dowladda Turkiga, ayaa Sabtidii qaaday guluf ballaadhan oo ay qayb ka yihiin diyaaradaheeda dagaalka, kadib markii Madaxweyne …

4,501 total views, 0 views today

Share
Warar
Yaa Masuul Ka Ah FashilkaIyo Fowdada Dowlada Farmaajo? Wax Ka Ogow

Dad badan ayaa la yaaban isbedallada iyo fowdada ka dhex jirta dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyadoo Masuuliin Badan Xilka zlaga Qaaday Halka Ay Qaar Kale Iyagu Iska Casileen Xilalkoodi Xogta aan helnay ayaa caddeneysa cidda qaska ku haysa dowladda Farmaajo, waxayna dad badan aaminsan yihiin …

4,958 total views, 0 views today

Share
Warar
Alshabaab Oo Wadada U Galay Ciidamo Koonfur Galbeed Ka Tirsan Iyo Khasaare Ka Dhashay

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya degaano ka tirsan Gobolka Baay dagaal khasaare dhaliyay ayaa waxa uu dhex maray Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab. Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar jidgal ah u dhigay Ciidamo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur …

5,361 total views, 0 views today

Share