Faallo: Dhabar-adayga shacabka Soomaalida Ogaadeenya hanuun & cibrro qaadasho ayaa ku sugan

Thursday, November 30, 2017       Views
Spread the love

Gumeysiga Ethiopia muddo dheer ayuu haysta dalka & dadka Ogaadeenya mudadaasna waxaa socday halgan gobonimo doon ah oo gumeysiga xididka loogu siibayo qastigiisuna yahay  in lagu gaadho xornimada ay shacabka Soomaalida Ogaayeenya xaqa u leeyihiin, hadaba gumaysiga Ethiopia si uu hanka xornimada & ahyaanka guusha shacabka u fashiliyo uuna xabaalo garashada dadka wuxuu ku dadaalay si joogto ahna u fuliyaa falal ka baxsan dhaqanka Aadamaha  oo uu kula kaco qaybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan qaybaha nugulka ah.

hal

Falalkaas guracan ee gumeysigu uu shscabka biri ma gaydayga ah kula kaco qastigoodu waa nuglayn & inuu shacabka keenada qasanb ku ogayalysiiyo intaas uun kuma koobna ee haddana wuxuu barbar wadaa xeelado aan qotadooda garasho ee lagu dhiayi fogayn gumaysigu uu isku dayo inuu maamul ugu muujiyo, xoog & xeeladba gumeysigu wuxuu isugu geeyay sidii uu shacabka Soomaalida Ogaadeenya u ogolaysiin lahaa shacabka heeryadiisa.

Dadaalka dheer ee gumeysigu u galay hadimada shacabka Soomaalida Ogaadeenya waxay ahayd mid ku dhisan dil ama doori haddaba arrinta yaabka leh ee mudan cibro qaadashada waxay athay marka la isu eego mudada uu gumeysigu Ogaadeenya haysta, dadaalka uu mudadaas ugu jiray falalkisa qariban & midhuha uu hayo gumeysigu waxaa inoo muuqanaysay mucjisada dadka Soomalaida Ogaadeenya inay tahay mid ku cibro qaadasho mudan.

Tagtada & taaganta midna laguma hayo bulsho ku dhawaad qarni uu gumaysi haytay oo uusan ka saamaynin dhaqanka, afka & diinta midna balse bulshada Soomaalida Ogaadeenya intuba way u bad qabaan kolka ay sidaas maxaa inoo muuqanayay?, ka sakow geesinimada dadka Ogaadeenya oo barbar istaagay halganadooda gumeysigana sanka ka qabsaday waxaa inoo muuqanaysa inuu Ilaahay xornimo la damcay Ogaadeenya balse la imtaxaanay waxaanan odhan karnaa imatxaanka shacbka Ogaadeenya way ku baaseen.

Waxaa xusid mudan mudadaas dheer ee Ogaadeenya gumaysigu haystay qarnigana ku dhow  meelaha aasaasiga u ah in dal gumeysi mulkiyo ama yeesho midna shacabka Soomaalida Ogaadeenya lagama taabanin, si kasta oo gumeystuhu ugu dadaalayna wuxuu ka dhaxlay fashil & faro madhnaan dhab ah, gumaysigu wuxuu amakaag ka qaaday sida ay dadka Ogaadeenya isula waynyihiin qabkoodana uu u suulin waayay in hanka & qiyamka laga suuliyana waxay shacabka Ogaadeenya ka door bideen in ay dhintaan waliba geerida waaba lala qabaaye xumaan kasta ayaa lagu sameeyay si loo hab dilo loona nugleeyo.

Run ahaantii ma jirto xumaan uu gumaysigu awoodo oo uusan shacabka Ogaadeenya ku samaynin sidoo kalena ma jirto wax ay xumaantaasi ka badashay shacbka sharafta badan ee geeinimaad, adkaysiga & hanka sare ku suntan, waxaa iayan acjiib ah siad ay shacabka Ogaadeenya dhiiranaan ugu halagmayaan gumaysiga hayastana ay u yaraysanayaan, gumaysi diidnimada dadka Ogaadeenya waxaa marag ka ah gumeysiga qudhisa si kooban hadii aynu u muujinana waxaa cadadyn u ah kuwa tirada yar ee iimaanka, damiirka & garashadaba ka aradan gumeysigana isu duleeya.

Hadana si dhameystiran gumeysigu kuwa isu duleeyay uma aamino sababtu waxay tahay wuxuu  ogyahay inaan dadka Ogaadeenya aysan ogolayn kuwan xilliga kooban uu ku adeeganayaana ay uun umadaas la loodin waayay ka dhasheen, shacabka Ogaadeenya caalamka ayaa ka yaabay waxayan Ethiopia ka =dhigeen tuke cambaar leh sidoo kale gumaysigu taalabooyin badan oo shacabka Ogaadeenya uu kaga daydo ayuu marar badan qaadaa waana waxyaalaha mucjisada ka sii dhigaya shacabka Ogaadeenya horayna looma arag gumaysi dadka uu haystaayi ay quudhsanayaan.

Isku soo wada duuboo shacabka Ogaadeenya waxay ku suntanyihiin mucjisooyin aan laga sheekayn karin iany mudada intaas leeg gumaysi ku hoos jiraan haddana uusan saamayn inuu xasuuqo aan hayn ku yeelanin cibro & hanuun ayaa ku sugan waana shacab mudan in loo hiiliyo oo la garab istaago dhibato walbana lala qaybsado, waxaan faaladdan maanta ku af xidhaynaa tuducyo kamid ah gabayga Duufaan ee ay tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey (Afjano) oo faaladan waafaqsan isla markaasan sifaynaya shacabka Ogaadeenya & ujeedada halgankooda.

Xabsiyada kuwaa lagu dubtee aad u daranyaysan
Duqayadaa dubaha lala dhacee dakharku naafeeyay
Da’yarta ay figeeyaan jidhkuna wada dakaamaayo
Waxaa lagu dirqiyayaa inay dacayga yeelaane
Oo dabarkii jeer nalagu xidhay uu na daa’imo’e
Dhibku inuusan naga doorinayn waxaanu doonayno
Sidaanaan kol qudha ugu dabcaynbaa daliil u ahe.

Diiwaanka waxaa noogu jira dux iyo taariikhe
Dulmanaha Ogaadeenya ee diiftu wada hayso
Ma daalaan ma daystaan xumaha way ka diriraane
Dhaqankoodii lama duugin & dagaladiisiiye
Ma doorsoomin diintiyo afkay dir u lahaayeene

Ethiopia inaan kala dad nahay ooy nama damac jiidhay
Sidaaanaan kol qudha ugu darsaminbaa daliil u ahe
Dibna lagama yaabana inaan dagal wadaagnaaye
Daafulaha gumaysigu intuu nagu dul gawriiro
Duufaan asqeeyiyo wallee weerar kama dayno

Anagiyo dirayska ay qabaan nimanka soo duulay
Isma daynaynoo waxaanu nahay dab & baasiine
Isticmaarka damaciisa & shacabka oo diiday
Dagaal soo jireen ihi ka dhalay oo col daah furaye
Darwiishkii iyo Gurey waa kii ay duhur bilaabeene
Dogobkay halyeeyadu shideen maalin dami waaye

Hadba jiil duciyo khayr qaboo diiran noo dhalaye
Oo cadowga dool noogu yimid deex u ladi waaye
Dawladnimo inaan goobayniyo calan damaansaad leh
Sida aanu duur joog u nahaybaa daliil u ahe
Oo dhiiga naga dahayaa waa xornimo doone

Qorahay Media

924 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]