Faallo: Dhaqaalaha gumeysiga Ethiopia ee dumay samayn noocee ah ayuu ku yeelan karaa

Wednesday, November 29, 2017       Views
Spread the love

Gumeysiga Ethiopia wuxuu ka mid yahay dalalka dunida ugu faqiirsan si soo noqnoqta ayayna Ha’ayadaha Caalamiga ah ee dhaqaaluhu warbixino uga soo saareen waxayna Ethhiopia gashaa safka hore ee dalalka dunida ugu faqrisan, dhanka kalena daarsadaha Jaamacadaha & ururada Caalamiga ah ay  sameeyaan Ethiopia marar badan waxa laga soo sheegaa cunto yaraan & xaalad naf bax ah.

ethiopia_hunger_01

Sanadkii 2015 darsaada ay sameeysay Jaamacada Oxford ee kutaal dalka Ingiriiska waxaa lagu sheegay in kabadan 65% in dadyowga Ethiopia ku noolyahin heer ka hooseya heerka faqriga loo yaqaano, hadaba Ethiopia oo dhaqaale wanaagsan awalba aan lahayn ayaa halganada & kacdoonada gumeysi diidka ah ay dhaqaalahi hore u koobna sii dumiyeen waxaana taas sahlay laba qoddob oo isbarkan.

Qodobka 1aad wuxuu yahay kooxda qowleysatada ah ee xukuumadda gumaysiga hormuudka u ah waxay sii kordhiyeen musuqmaasuqa & boobkii soo jireenka ahaa iyado taas ay qaabaynayso kala shakiga & dhamaadka taliskooda oo qaar badan oo iyaga kamid ah usoo muuqday, dhanka kale halganka Ogaadeenya ee aan la loodin karin waxaa gumaysiga kaga baxay wax badan oo hadii shacbka lagu caawiyo badbaadin lahaa kacdoonada mudada oogan ayaa iyaguna sii abuuray nabad galyo  xumo xoogan.

Waxaa hoos u dhacay wareega dhaqaalaha & soo bixistisaba waxaa iyana xusid mudan isbaddalka siyaasada dunida oo qudheedu hoos u dhigtay kaalmo badan oo gumeysigu heli jiray, arrimahan oo is biirsaday waxay dumiyeen dhaqaalahii gumaysiga ee aan cagaha adag ku taagnayn, haddaba dumista nidaamka dhaqaale ee gumeysiga maxaa ka dhalan kara? sida la yaqaan arrintan waxay qayb ka noqonaysa burburka gumeysiga ku socda iyadoo dadajinaysa cimriga u gumeysigu ku burburaya sababtun awaxay tahay waxaa yaraanaysa awooda gumeysiga iyada oo dhanka kalena awood macnawi ah & mid maadi ahba siinaysay xoogaga gumeysiga kasoo horjeeda.

Si kale hadaan u dhigno marka dal in la burburiyo la doonayo siyaasadaha kala duwan ee lagu dumiyay fool horaad u tahay in dhaqaalahisa la dumiyo waayo waxa layaqaan macnaha balaadhan ee kujira & sida ay ula fal galayso xaalka isku xidhnaanta waddanka oo jihooyin badan ay u furfursayso

Qorahay Media

429 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]