Faallo: Ethiopia xagee ayay u socotaa maxaase guuldarooyinkan is biirsaday xigi doona

Tuesday, November 28, 2017       Views
Spread the love

Marka laga yimaado halganka Ogaadeenya mudada dheer kasocday oo gumaysiga si dhab ah u qab jabiyay & kacdoonada qowmiyadaha dulmiga ka oogsaday ee haatan gumaysiga ruxaya waxaa jira guuldarooyin waaweyn oo xukuumada gumaysiga dhabar jab ku ah, mudooyinkan dambe taliskii gumeeysiga Tigreega waxaa soo wajahay guul darooyin is xig xigay waxaa ka baxsaday wasiirkii Paratakoolka ee xafiiska Prime Minester- ka waxaa is casilay Baraket Simon oo TPLF u qaabilsanaa dhinaca sirdoonka, waxaa kale oo iscasilay afhayeenkii baarlamaanka Abaan Duula Gamada oo ahaa raga ugu miisaanka culus ee EPRDF dhidibada u ahaa kaana soo jeeda qowmiyada Oromada.

ethiopia-down-1

Waxaa xabsiga Sacuudi Arabia ku xidhan nin kii Tigreega xaga dhaqaalaha ka caawin jiray Sheikh Al-Camuudi oo ahaa maalqabeen weyn oo Sacuudiga u dhashay  shalay waxaa xilkii laga qaaday gudoomiyhii Jabhada TPLF Abay Waldu& Azeb Mesfin oo ahayd xubin firfircoon jabhadaas taariikh wayn ku dhex leh una qaabilsanayd dhinaca dhaqaalaha islamarkaasna ah xaaskii Melese Zanawi.

Iska soo wada duu duub ragii hormuudka ka ahaaa gumeeysiga Ethiopia oo dhamaantood guuldareeystay su’aashu waxay tahay guuldaran maxaa ku xiga oo ay  jabhada TPLF cagta saarayaaaaaan?, hadaan akhriteyaasha jawaabta ka boobno waxay Ethiopia ku socotaa madasha dhamaadka cimriga gumaysiga waana marxalad caan ah oo burburka gumaysteyaasha astaan u ah.

Qorahay Media

578 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]