Nagala soo xidhiidh e-mailkan qorahay99@yahoo.com
Kulan dhax maray Wasaarada arrimaha dibada Uk & Ururka OSF

Feb 7, 2008 (QOL) Maalinimadii khamiista ee taariikhdu kubeegnayd 07/02/08 abaaro 9;00am ayaa waxaa xafiiska wasaarada arrimaha dibada Uk iska xaadiriyay xubno katirsan maamulka sare ee ururka ardayda ogadenia ee looyaqaano{OSF}isla markaana bahwadaag la ah Golaha Nabada &xasiloonida Geeska Africa {Horn of Africa For peace anda Stability Forum}Soodhawayn & qalbi furan oo lagu qaabilay kadib
Waxaa loo geeyay masuulinta ugu saraysa arrimaha dibada waaxda Africa sida

Ben LYN =Head of east and horn of Africa
Ben Mellor;=Head of international development

Iyo ninka usareeya waxa lagu magacaabo help desk

Stephen price

Kadib; waxaa lagudo galay in ay xubnihii goobta yimid soo bandhigaan dacwadoodii
Xubnaha OSF ee madasha tagay ookala ahaa

Mudane; mujaahid sh ibraahim
Mudane Bashir Mohamed

Ayaa markii ay ugu horaynba kubilaabeen waxaan jecelahay inaan kahadalo marxalada shacbiga ogadenia & guud ahaanba dalka ogadenia waxa uukusuganyahay Ayaa waxay horay uboobeen qalimadii iyagoo yiri fadlan arinta ogadenia waxaan jecelahay inaan aad ulafa guro sidaa daraadeed qolyaha kale ha idinka horeeyaan si aan horta arintooda isaga agjaro Halkaas ayaa waxaa kahadlay ;mudane Sirak oo u hadlayay Ururka dhalinta Eritrea isagoo halkaas ka sheegay dareenka shacbiga Eritrea &waxa ay tabayaanba eeku aadan xadgudubka ay xukuumada TPLF kuhayso dadka & dalka Eritrea Iyadgoo masuuliyiintu ay dhamaanba hadaladii madunahaas si uuku qancay oogaga jawaabay

Sidookale ayaa waxaa isna madasha kahadlay ;mudane ducaale oo uhadlayay Ururka dhalinta soomaliyeed .
Mudane ducaale oo isna ku nuuxnuuxsaday dhibaatada soomaaliya kajirta & sidii wax looga qabanlahaa ayaa madaxda kulan fadhiday ay si waafi ah u dhidhigeen dareenkooda ku aadan arimaha soomaliya

Markaas ayaa masuuliyiintii intayasaacadaha fiiriyeen yiraahdeen waxaan haysanaa halsaac&badh arrinta ogadenia ayaan intaas ku falaqayndoonaa

Halkaas ayaa waxaa warbixin qodo dheer uu ukubilaabay taariikhda dalka & dadka ogadenia waxaa kobtaas kadhiibay Mudane;Mujaahid Sh Ibrahim ookamid ahaa xubnihii OSF umatalayay shirka ;kadib ayaa waxuu kusoo dhaweeyay inuu warbixintii ugu danbaysay ee dalka ogadenia udhamaystiro Mudane Bashir Mohamed
Oo isna usoo bandhigay masuuliyiintii warbixin maqal&muuqaal ah oo katurjumaysa dhibaatada &barakaca shacbiga ogadenia uu bilihii udanbeeyay ugaystay taliska Malez.

Warbixinahaas ay soo bandhigeen xubnahani ayaa waxay xaqiiqdii badashay dareenkii masuuliyiinta
Kadiba ayaa waxay waydiiyeen su aalo ku aadan dareenkooda waxayna kubilaabeen

1;Inkabadan 10,000 qof oo reer ogadenia ahoo dhalashada Britishka haysata ayaa kunool magalada London gobaladan intaas inkabadan ayaa kunool
Hadaba canshuurta nalaga qaado in Ethiopia lagu caawiyo Ethiopia dadkanaga ku xasuuqdo xaqmiyaa?

Benlyn;horta waxaa farxad ii ah inaan lakulmo dhalintan u istaagtay badbaadinta Geeska Africa ,gaar ahaan waxaan aad ugu faraxsanahay inaan kulano wadana tashano ururka OSf oo ah urur aad u fikirsareeya sida kamuuqata .

Kadib waan ka warhaynaa in dad originally ogaden kaso jeeda oo tiro badan ay jogaan wadankan dhalashana kuleh balse waxii hada kahoreeyay xiriir joogta ah oo aan ku ogaano dhibkooda maanaan lahayn
Jawaabtaydu waxay tahay marnaba dawlada Uk diyaar uma ah in caawimaaday bixiso lagu gumaado dad aan waxba galabsan arintaasna baadhitaan ayaan kuhaynaa Dhibka gobalkaas kajirana xanuun ayuu nagu hayaa mudooyinkaba

SU:2OSF: Dawlada Uk inbadan waxay kawarhaysay dhibka kadhacay ogadenia waxqabad muuqad maysan ka gaysanin dalka Kenya oo todobaado kahor kacdoono kabilawdeena aad ayay u hadal haysaa ugana xanuunsanaysaa Miyaan la odhan Karin waad is dhaga mariseen dhibatada ogadenia kajirta

J;2;Ben Lyn;kk xaqiiqdii shacbiga ogadenia waan jecelahay mararbadana waan isku daynay inaan wax kaqabano dhibka kajira ogadenia anagoo ONLF iyo Ethiopia ugu baaqaynay inay political solution kasameeyaan xaalada gobalkaas kajirta balse Mayusan dhicin hadana waxaad moodaa in xaaladu kaii darayso ONLF iyadoo sheegaysa inay difaacayso shidaalka gobalka ayay Obale dabayaaqadii April ku baabi isay shirkad shidaal kabaadhaysay runtii waan ka naxnay waxaana anagu khibrad ahaan uhaysanaa waxii kadhici jiray NORTH IRELAND oo markii garawsho imanwaayay dantu nagu qasabtay inaan xal siyaasi ah lagalo Ethiopia taas ayaa looga baahanyahay sidoo kale ONLF waxay laba jibaartay hawlgaladeedii milatari meelo badana hawl gallo adag ayay ka fuliyeen dhamaan arimahaasi waakuwa xanuun nagu haya waayo xaalada siifogaanaysa awgeed waana kala hadalay ETHIOPIA inay xal u hesho xaalada ogadenia Arrinta Kenya ee aad sheegteen waxaan uga xumaanayno ma aha inaan Kenya kajecelahay ogadenya ee iyado dhib hore kajiro mandiqada geeska Africa hadana dhib horleh inuu yimaado raali kama noqonayno

Su;3aad;OSF;Shacbiga ogadenia geeddheer& kidgaaban way ufuuleen inay fahmaan xukuumadan cusub ee TPLF iyagoo xataa dastuurka iyagoo raacaya baarlmaankii gobalku 1994 uu isku raacay qodobka 39 ee dastuurka ethio oosheegaya inqawmiyadwalab masiirkeeda katashan karto isla markaana Ethiopia gaashaanka udaruurtay go,aankii baarlamaanka
Arintaas miyayna cadaynaynin in shacbiganaguu nabada & noloshiisa uu kawaayay Ethiopia maxaadse isaga indha tiraysaan ?

J;3a;Benlyn; waxaan kucelinayaa anagu Ethiopia gardaro heshiiskula ahaan mayno hadana waxaan iskudaynaa inaan xalsiyaasi ah siday ugaari lahaayeen labada garab uga qayb qaadan lahayn

Su;4aad;OSF:America Hearing ayay kasamaysay xaalada ogadenia dawlada Uk makutala jirtaa inaysidaas ookale wax muuqda ka gaysato xaalada murugsan ee ogadenia

J;Benlyn; xaalada ogadenia aad ayaa manta looga wada dharagsanyahay kaliya waxay ubaahantahay in lagu dhaqaaqo xalku meeshuu jiro taasna waanu kuguda jiraa inaan bilawno


Gabo gabadii ayaa waxaa ay madaxdii lala kulmay codsadeen in kulan danbe ay soo dalbadaan xubnaha OSF si aan uga wada qayb qaadano ayuu yiri xaalada ogadenia
Xal uhelideeda

Kobtaas ayaa laysku soo maca salaameeyay laguna balamay kulan danbe oo degdeg ah

Qorahay Online

Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright © 1999 - 2008, All rights reserved. Qorahay Online.