Tafsiirka
Opinion/Fikradaha
Studio Qorahay
Dagaalkii Ogaadeenya
OHRC
VOA 16 pm GMT
VOA 17 pm GMT
BBC SOMALI
11:00 - 11:15
14:00 - 14:30
16:00 - 16:15
18:00 - 18:30
World News
Reuters Dailly
IRIN Dailly
Somali. Dailly
Daily Nation of Kenya
East African Standard
Audio
Somali Sites
Allpuntland.com
Puntland News Media
Aminarts.com
Banadir Software
BBC Soomaaliya
Dayniile
Dar-alnur.com
Jigjiganet
King-has.com
Hiiraan Online
HornAfrik Online
Kenyan Somali
Malayko Online
Markacadey.net
Ogaden Human Rights
Ogaden Online
Ogaden Student
Ogaden War 1977-1978
puntlandnewsmedia.com
Qaadisiya
Qaranimo.com
Radio Xoriyo
Shabeelle
SomaliTech.com
Somali Irrigation
Somalitalk.com
Somali Weyn
Somaliwide.net
Safaritravels
Somaliantv
SomaliUK.com  
The Ogaden Road  
Wabishabeele
Wardher Online
 
 

Halyeeyga weyn ee reer Konfur Afrika Nelson Mandella oo isbital la dhigay.

Halkan ka dhagayso Radio Qorahay

Feb 26, 2012 (QOL) Ilo wareedyo dhawr ah oo reer Konfur Afrika ah ayaa sheegay in xaalada caafimad ee Mandella wanaagsan tahay (alfaransiya) Madaxweynihii hore ee K/Afrika Mr Nelson Mandella ayaa Isbital la dhigay kadib markuu xanuun dhinaca caloosha ah haleelay, afhayeen u hadlay Xizbiga talada dalka Konfur Afrika haya (ANC) oo lagu magacaabo Keyt Khoosaa ayaa dadka reer Konfur Afrika Televation~ka kala hadlay wuxuuna yidhi dadku waa iney is dajiyaan wax laga wal walana ma jiraan xaalad dag dag ah Isbitaalka kuma imanin Mr: Mandella kaliya waa xanuun dhanka caloosha ah.

Waxaa isna dadka la hadlay afhayenka Madaxweyne Jokub Zoma oo sheegay inay hore u sii qorsheysneyd in uu Mr Mandella Isbitaalka galo ee aysan ahayn wax dagdag ah afhayenka oo la hadlayey wakaaladda wararka ee Jarmalka ayaa yidhi anigoo u hadlaya ummada Konfur Afrika waxaan u rajeynayaa Mandella caafimaad dag dag ah waxaanan u dirayaa dareen kalgacal ka buuxo iyo rajo wanaagsan.

Mr: Mandella oo da'diisu hadda tahay 93 sano ayaa sanooyinkii u danbeeyey caafimaadkiisu aanu wanag sanayn sanadkii hore ayaa isbitaalka si kadis ah loo seexiyey xiligaas oo dadka reer Konfur Afrika walaac iyo walwal badan ay ka muujiyeen caafimadkiisa intaa wixii ka danbeyay Mandella laguma arag goobaha dadku ku kulmaan wuxuuna dib ugu noqday tuulada uu ka soo jeedo ee Kuunuu la yidhaahdo oo bariga dalkaas ku taalla.

Doorashadii dawladaha hoose ee u dambeysey ayuusan dadka meel fagaare ah kala hadlin iyadoo codkiisa oo qudha laga soo duubay kadib waxaa tuuladiisa ku booqatay haweeneyda lagu magacaabo Michelle Obama oo ah Marwada Madaxweyne Barack Obama iyo labadeda gabdhood, Nelson Mandella ayaa ah astaanta lagu xasuusto la dagaalanka nidaamkii midab takoorka ee dalkaas ka jiri jirey isagoo arintaas darteed xabsi ugu jiray mudo ka badan 27 sanadood.

Mudada intaa la'eg ee Mandella uu xabsiga ku jiray wax tanaasul ah ma uusan u muujin caddaanki tirada yaraa ee dalkaas ku amar ku taagleyn jirey halyeygan ayaa ka mid ah halyeyada taarikhda caalamka galay marka laga hadlayo gumeysi naceybka.

Waxaa taariikhda si qoto dheer ugu xardhan Mandeellna aan ka dhicin rag faro badan oo halyeeyo ahaa kuna caan baxay geesinimo iyo gumaysi nacayb kuwaas oo aan la ilaawi karin waxaana kamid ahaa Sayid Maxamed Kheikh Cabdulle Kheikh Xassan, Garaad Makhtal Daahir Garaad Yuusuf, Kheikh Ibraahim Cabdalla Maax, Sheikh Xassan Barsaney, Joma Kenyata, Saadiq Al-Mahdi iyo qaar kale oo faro badan oo dhamaantood lagu axsuusto diidmaad gumaysiga iyo quudhsiga.

Isku soo wada duuboo Nelson Mandella oo loo aqoonsanyahay in uu yahay halyayga ugu caansan halyayeda aan ku ku xusnay ayaa cimri ku jira xaaladiisa caafimaadna ay iska sii daciifaysaa inkastoo xiligan uusan sakaraad ku mudnayn hadana waxaa la nool xaalado muujinaya caafimaad daro.

Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

 
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright ?1999 - 2011, All rights reserved. Qorahay Online