Feb 28, 2012 (QOL) Ururka
dhalinyarada iyo ardayda ogadenia ee dalka Canada (OYSY-Canada
) ayaa magaalada Kitchener ee dalka Canada ku qabtay kulan
baroor-diiq ah oo lagu xasuustay xasuuqa ciidamada cadawga
ah ee gumaysiga Ethiopia ku hayaan shacabka dulman ee dalka
Ogadenia.Waxuu kulanku ka dhacay xarun aad u qorxoon oo kutaala
meel aad u bilicsan oo hindhaha soo jiidanaysay oo lagu sharaxay
calanka dalka ogadenia iyo waliba qalab kale oo astaan u ah
hidaha iyo dhaqanka s/Ogadenia.waxaa shirkan looga kala yimid
magaalooyinka Toronto, London, Hamilton, Windsor iyo magaalooyinka
mataanaha ah ee Kichener iyo Waterloo.
Waxaa shirka lagu daah-furay aayadaho qur’aan
ah kadibna waxaa loo istaagay heeska astaanta ogadeina oo
ku baxay cod-baahiyaal soo jiidanayay dhagaha ka soo qayb-galayaasha
kulanka.
Mudane Xasan-wali oo ah xog-hayaha ururka dhalinyarada iyo
ardayda Ogadenia ee dalka Canada (OYSY-Canada) ayaa aad uuga
hadlay xaaladda qalafsan ee shacabka reer ogadenia iminka
ku suganyihiin waxuuna sigaar ah uuga hadlay bishan February
oo ah mid sigaar ah loogu xasuusto xasuuqa ciidamada gumaysiga
Ethiopia ku hayaan shacabka gumaysi- diidka ah ee s/ogadenia
waxuuna goobta ka shaaciyay in ay qoraalo iyo sawiro maqal-iyo
muuqaalba ah u gudbiyeen masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta dalka
Canada isagoo si gaar ah uuga codsatay muwaadiniinta dalka
s/ogadenia in ay dhibka lagu hayo dalkooda iyo dadkooda gaadhsiiyaan
shucuubta ay la nool yihiin.Waxuuna aad uugu mahad-celiyay
dadkii ka soo qayb-galay kulanka.
Prif.Maxamed Cismaan Xasan oo kamid ah aqoonyahanka
reer ogadenia ee gumaysi- diidka ah ayaa aad uugu dheeraaday
siyaasadda gumaysiga iyo dhibaatada lagu hayo shacabka s/ogadenia,
oo uu ku tilmaamay geesiyiin gumaysi diid ah.
Prof.Mxamed
Cismaan Xasan mar uu ka hadlayay 18ka February oo ah maalinta
loo baroor-diiqo dhibaatada iyo xasuuqa s/ogadenia ayaa codsaday
in 18ka February noqoto maalin shaqooyinka iyo wax-barashadaba
laga fadhiisto oo la xasuusto dhibaatada lagu hayo shacbka
s/ogadenia. Prof.Maxamed Cismaan Xasan oo ah aqoon-yahan kaydiya
tacadiyada gumaysiga Ethiopia ee ku wajahan s/ogadeina ayaa
aad uuga sheekeeyay xasuuqii ka dhacay magaalooyinka iyo tuulooyinka
dalka s/ogadenia.Mar uu si gaar ah uu la hadlayay ardayda
s/ogadenia waxaa uu ku booriyay in ay qadiyada halganka gaadhsiiyaan
jaamicadaha iyo macadyada wax barashada ee caalamka.”Gaadhsiiya
ayuu si kulul u yidhi qadiyadiina iyo halgankiina xaqa ah
ardayda iyo macalimiinta iyo waliba dariskiina halgankeenu
waa mid xaq ah dhibaatada reer ogadenia way ka xuntahay tan
daafuur ee keentay in ay south Sudan xorimo buuxda ku hanato
waxaana prof.Maxamed Cismaan Xassan lagu taageeray sacab aan
kala joogsi lahayn”.
Mohamed Qamaan Tube oo ah xidhiidhiyaha Jwxo
ee dalka Canada ayaa aad u amaanay guud ahaan shacabka s/ogadenia
ee dalka Canada waxuuna ku dheeraaday habsami u socodka halganka
hubaysan ee gobanimo doonka iyo doorka qurba joogta s/ogadenia
oo uu ku timaamay tiir muhiim ah waxuu ka sheekeeyay bisaylka
siyaasadeed ee reer ogadenia oo uu ku tilmaamay mid gaadhay
heer sare oo uu ku tilmaamay mid ku salaysan gumaysi- diid.Tube
oo aad u qiiraysnaa xiligii uu hadlayay ayaa balan qaaday
in aynu xoroobi doono hadii ayuu yidhi aan muujino isku duubnaan
iyo bisayl siyaasadeed.
Aamina
Nuur ah ah madaxa hogaanka arimaha dibadda ee ururka dhalinyarada
iyo ardayda ogadenia ee dalka canada (OYSU-Canada) ayaa soo
jeedisay qudbad aad u dheer oo ku baxday luuqada English oo
kaga xog-warantay dhibaatooyinkii loogaystay s/ogadenia intii
u dhaxaysay 2010-2012.waxaa kale oo ay aad u xustay xasuuqii
wardheer ee 1994kii iyo guud ahaan dhibaatada lagu hayo shacabka
s/ogadenia.
Waxaa dhalinyaradu soo bandhigeen oo goobta
lagu daawaday sawiro maqal iyo muuqaal ah oo dhamaantood ka
hadlayay xad-gudubyada lagu hayo shacabka s/ogadenia.Markii
ay bilaabantay daawashadu waxaa saxaafadda indhoodu qabanayeen
dad aad u calool-xumaaday oo ilmo indhahooda soo dhaaftay
waxay ahaayn sawiro aad u qeexay dhibaatada joogtada ah ee
lagu hayo s/ogadenia.Ururka dhalinyarada iyo ardayda ogadenia
(OYSU-Canada)waxay goobta keeneen dhalinyaro u dhalatay dalkan
Canada oo iyaguna madasha ka hadlay oo ku booriyay dhalinta
reer ogadenia in ay gumaysiga diidaan.Waxay dhalinyarado madasha
keeneen dhalinyaro soo gudbisay gabayo guubaaba ah oo aad
loo jeclaystay.
Mohamed Abdullahi Hassan
Qorahay Media
Toronto, Canada
qorahay99@yahoo.com
Contact:qorahay99@yahoo.com
Copyright ?1999 - 2011, All rights reserved. Qorahay Online