Gumeysiga Ethiopia oo Hargeysa & Borama   ku xidhxidhay qaar ka mid ah Sirdoonkisa iyo Shaqaalaha Ethiopian Airline

Warar

Gumeysiga Ethiopia ayaa Hargeysa iyo Borama  ku xidhxidhay qaar ka mid ah Saraakil iyo Askar ka mid ah Sirdoonkisa ka hawlgala magaaloyinkasi  sida Qorahay Media warka kagga heshay ilo xogogaal ah waxa gumeysigu xabsiga u taxaabay  Taliyahii Sirdoonka Ethiopia Gobolka Awdal,Madaxii Logistics-ka ee Awdal,Xoghaye ku xigeynki Xafiiska gumeysiga Ethiopia ee Hargeysa, Madaxii maamulka Maaliyada sirdoonka Gumeysiga ee hargeysa,iyo kuwa kale oo xilal ka haynin Sirdoonka Gumeysiga,Raggan ayaa dhamaantod xadhigooda la sheegay inuu la xidhiidho inay dhan ka yahiin Taliyaha guud Sirdoonka gumeysiga iyago lagu eedeynayo la safnaanta garabka kasoo horjeeda Taliyaha sirdoonka Gumeysiga.

ethiopia-down-1

War kale ayaa sheegaya in xadhiga masuuliyinta Cadowgu la xidhiidho baabinta laanta arrimaha dibada ee sirdoonka Ethiopia oo la qorshahedu baryahan danbe socday,dhanka kalana waxaa xabsiga loo taxaabay Madaxa Shaqaalaha ee Ethiopian Airline iyo qaar ka mid ah masuuliyinta Shirkadaas iyago lagu xidhiidhiyay Baxsadka masuuliyin sirdoonka Gumeysiga ka mid ahaa oo Magaaloyinka Somalia uga dhoofay dalal kala duwan.

Isku soo duudubo Sirdoonka Gumeysiga Ethiopia  ayaa uqeybsanaan ka dhex jirtaa taas oo saameysay kuwooda ku sugan Somalia iyadoo dhaqaalo xumo baahsan haysato

Wararka danbe ayaan idinku soo gudbin wixii kasoo kordha qeybsanka Sirdonka Gumeysiga ee gudaha Somalia.

Qorahay Media

2,004 total views, 0 views today

Share
Warar
Ciidamada Lugta Ah Ee Turki Oo Gudaha U Galay Deegaano Waqooyi Syria Ah Guulana Ka Sameynayo

Ciidamada Lugta Turkiga oo wata taangiyada dagaalka, ayaa Maanta gudaha u galay Waqooyiga Syria, si looga takhaluso dagaal-yahanada Kurdiyiinta Syria, iyadoona uu ujeedku yahay in laga saaro deegaanada ku teedsan xadka labada dal. Dowladda Turkiga, ayaa Sabtidii qaaday guluf ballaadhan oo ay qayb ka yihiin diyaaradaheeda dagaalka, kadib markii Madaxweyne …

4,460 total views, 0 views today

Share
Warar
Yaa Masuul Ka Ah FashilkaIyo Fowdada Dowlada Farmaajo? Wax Ka Ogow

Dad badan ayaa la yaaban isbedallada iyo fowdada ka dhex jirta dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyadoo Masuuliin Badan Xilka zlaga Qaaday Halka Ay Qaar Kale Iyagu Iska Casileen Xilalkoodi Xogta aan helnay ayaa caddeneysa cidda qaska ku haysa dowladda Farmaajo, waxayna dad badan aaminsan yihiin …

4,917 total views, 0 views today

Share
Warar
Alshabaab Oo Wadada U Galay Ciidamo Koonfur Galbeed Ka Tirsan Iyo Khasaare Ka Dhashay

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya degaano ka tirsan Gobolka Baay dagaal khasaare dhaliyay ayaa waxa uu dhex maray Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab. Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar jidgal ah u dhigay Ciidamo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur …

5,320 total views, 0 views today

Share