Jaaliyada Ogaadeenya ee Minnesotan oo shir qiimo badan yeelatay

Warar

Jaaliyada Ogaadeenya ee gobolka Minnesota ee carriga Maraykanka ayaa shalay isugu timid shir qiimo badan oo si hufan loo soo agaasimay, shirkan oo ay Jaaliyadu bishiiba mar qabato ayaa lagu qabtay xafiuska Jaaliyada ee magaalada Minneapolis waxaana shirarka noocan ah lagu qiimeeyaa hawlaha qabsoomay intii labada shir u dhaxaysay waxaana lagu dajiyaa qorshe hawleedka cusub.

FB_IMG_1515355975251

Hadaba shirkan oo ay ka qab galeen gudoonka & xubnaha Jaaliyada waxaa ku weheliyay masuuliyiin sare oo golaha dhexe ee ONLF kamid ah, shirka waxaa lagu qiineeyay waxyaalihii horay loo soo qabtay & waxyaalaha haatan Jaaliyada horyaala waxaana si mug lwh looga dooday qodobo laga soo saaray go’aamo dhaxal gal ah oo sida ugu haboo noo dhaqan galin doono.

FB_IMG_1515356044311

Masuuliyiinta ONLF ka tirsan ee shirka ka qayb galay ayaa xubnaha uga war bixiyay xaalada guud ahaan Geeska Afrika, madaxdu waxay si gaar ah uga faalloodeen xaalada Ogaadeenya gumaysiga Ethiopia waxayna sheegeen isbaddal xoogan uu soo fool lkeeyahay islamarkaasna loo baahanyahay in hawlaha halganka la dardar galiyo midnimadana la xoojiyo.

FB_IMG_1515355969073

Isku soo wada duuboo shirka oo jawi dagan ku bilowday ayaa guul ku soo idlaaday waxaana shahaadooyin lagu maamuusay masuuliyiin & xubno shaqo wanaaga ku mutaystay, dhamaan dadkii shirka ka qayb galay waxay ku balameen dardar galin & dadaal dheeraad ah in lala iman doono si dhakhso ahna loo dhaqan gakin doono go’aamada shirka laga soo saaray.

Qorahay Media

1,211 total views, 0 views today

Share
Warar
Ciidamada Lugta Ah Ee Turki Oo Gudaha U Galay Deegaano Waqooyi Syria Ah Guulana Ka Sameynayo

Ciidamada Lugta Turkiga oo wata taangiyada dagaalka, ayaa Maanta gudaha u galay Waqooyiga Syria, si looga takhaluso dagaal-yahanada Kurdiyiinta Syria, iyadoona uu ujeedku yahay in laga saaro deegaanada ku teedsan xadka labada dal. Dowladda Turkiga, ayaa Sabtidii qaaday guluf ballaadhan oo ay qayb ka yihiin diyaaradaheeda dagaalka, kadib markii Madaxweyne …

4,403 total views, 0 views today

Share
Warar
Yaa Masuul Ka Ah FashilkaIyo Fowdada Dowlada Farmaajo? Wax Ka Ogow

Dad badan ayaa la yaaban isbedallada iyo fowdada ka dhex jirta dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyadoo Masuuliin Badan Xilka zlaga Qaaday Halka Ay Qaar Kale Iyagu Iska Casileen Xilalkoodi Xogta aan helnay ayaa caddeneysa cidda qaska ku haysa dowladda Farmaajo, waxayna dad badan aaminsan yihiin …

4,860 total views, 0 views today

Share
Warar
Alshabaab Oo Wadada U Galay Ciidamo Koonfur Galbeed Ka Tirsan Iyo Khasaare Ka Dhashay

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya degaano ka tirsan Gobolka Baay dagaal khasaare dhaliyay ayaa waxa uu dhex maray Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab. Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar jidgal ah u dhigay Ciidamo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur …

5,263 total views, 0 views today

Share