Jaaliyada Ogaadeenya Germany oo mudaharaad gumaysiga Ethiopia lagaga soo hor jeedo isugu soo baxday

Warar

Jaaliyada Ogaadeenya ee dalka Germany ayaa 3/11/17 magaalada Nürnberg ku qabatay mudaharaad balaadhan oo gumaysiga Ethiopia lagaga soo hor jeedo waxayan mudaharadeyaashu ku dhawaaqayeen weedho kulul oo ay ku cambaaraynayaan xasuuqa bahalnimada ah ee gumaysiga Ethiopia uu wadanka Ogaadeenya ka wado, shacabka mudaharaadka isugu soo baxay waxay soo bandhigeen dareenkooda ku aadan xadgudubyada joogtada ah ee shacabka Soomaalida Ogaadeenya lagu hayo.

mudmud2

Mudaharaadayaasha oo watay calamo aad u muuq dheer & boodhadh waawayn ayaa indhaha dawlada & bulshada magaalada Nürnberg si waadix ah u soo jiitay waxayna dalbadeen in caalamku si dhab ah u fara galiyo xadgudubyada Ogaadeenya ka socda, dhinaca kale mudaharaadeyaashu waxay dawlada Germany & caalamka kaleba ka codsadeen in dib u dajin la siiyo dadka Ogaadeenya ka qaxay ee dalalka kala duwan ee Afrika qaxoontiga ku ah.

mud4mud1

Mudaharaadeyaasha oo si aad u nidaamsan isu soo abaabulay waxay cabashadooda u gudbiyeen madaxada gobolka Bayern ee dalak Germany waxayna gudoonsiiyeen qoraalo waxa ay ka mudaharaadayaan & codsiyadooduba ku cadyihiin, madaxada dawlada ee mudaharaadeyaasha la hadlay oo si xilkasnimo ah qoraalada & codiyada Jaaliyaada u gudoomay waxay cadeeyeen in ay sida ugu haboon wax uga qaban doonaan arrimaha oo dhana ay dawlada Germany hor dhigi doonaan.

mud5mud7

Isku soo wada duuboo dalka Germany waa meeshii ugu horaysay ee ay Jaaliyadaha Ogadaeenya ee waddamada reer galbeedku ku dhaqani ay ka aasaasmeen waxayna marwalba jaaliyada Ogaadeenya ee dalka Germany ku suntanyihiin horu socodnimo & tayo, hadaba mudahraadkan ayaa u muuqday mid miisaan culus leh wuxuuna ku soo beegmay xilli xaalda gumaysigu ay isbadashay islamarkaasna ay guud ahaan dunidu Ethiopia ka xiiso dhigtay gaar ahaan dalalka Yurub oo dhaqaalaha ay Ethiopia ku kaalmeeyaan habka loo isticmaalo saluug xoogan baryahan dambe ka muujinayay

Qorahay Media

1,247 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

4,819 total views, 0 views today

Share
Warar
Duljoogso: Halgamaaga gobanimo doonka ah muxuu ku suntanyahay?

Qoramadeena Duljoogso ee todobaadkan waxaynu ku soo qaadanaynaa cinwaanka sare oo ah Halgamaaga gobanimo doonka ah muxuu ku suntanyahay? waxaanan u araganay inaynu wax ka taataabano, ugu horayn ereyga halgan marka aad maqasho waxaa judhaba maankaaga ku soo dhacaysa shaqo adag oo loo galayo hab mutadawacnimo ah isxilqaana lagu fuliyo …

7,454 total views, 0 views today

Share
Warar
Magaalada Harta-Sheekha oo biyo qarqiyeen halisna ku jirta

Wararka laga helayo gudaha Ogaadeenya gaara haan magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in ay roobabkii labada todobaad da’ayay dhibaatooyin gaysteen islamarkaasna ay biyo buuralayda ka soo dhaadahay magaalooyinka waxyeello u gaysteen, magaalada Harta-Sheeka ayaa kamid ah meelaha sida weyn looga dayrinayo ee ay daadadkaasi waxyeelleeyeen waxaana la sheeagyaa in ay guryo …

10,997 total views, 0 views today

Share