Feb 01, (2013 (QOL)
Tarikhdu markay ahayd 30/01/2013 waxaa
Jamacada ( Interntional University of Africa) shir ku qabtay
safirka gumaysiga Ethopia uu fadhiya dalka Sudan & ninka
maqaar saarka aha ee gumayshigu uu ku hafray jagada wasiru
dawlev ku sheega wasarada maliyada ee kooxda TPLF oo lagu
magacaabo Ahmed Shide kana mid ah adeegeyaasha uu gumaysigu
u hawl galiyay gumaadka shacabka Ogadenya.

Hadalka waxa marki hore furay safirka TPLF
u jooga Dalka Sudan oo lagu magacaabo Abaadi wuxuna isla
markiba ku wareejiyay Shide oo hadalkiisa ku bilaabay faafinta
borobogaandhada gumaysiga ee wakiiladiisa loo xambaariyo
caadadana u ah oo ay ka mid tahay waxaan samaynay horumar
iwm, ninkan uu gumaysigu u carbiyay faafinta hadafka fog
ee shacabka Ogadenya lagu gumaaadayo aad ual yaabeen hadalada
marin ahbaabinta & qarda jeexa ah ee aad dadkii madashaas
yimid uu ugu hafiyayna waxaa ka mid ahaa marku yidhi axa
Ogadenia ka jira "3919 School, 101 Rugo Cafimaad &
Wadooyin isku xidhaa Ogadenya oo dhaamaan dadkii meesha
yimid aad ugu qosleen.
\Ardayda Ogadenya ee dalka Sudan wax ka barata
ayaa madashaas joogay ayaa hadalka qaatay waxayan sheegeen
in usaan ninkaani shacabka Ogadenya matalin ee uu yahay
qof gumaysigu meesha gaystay Ethopiana aysan dawlad ahayn
ee ay tahay koox yar oo TPLF ah oo reer iska leyahay, ardaydii
maadsha ka hadashay waxay Shide ku yidhaadeen wax dhintay
ayaad tahay meeshanina ma aha meeshii aad dadka ku qasbi
jirteen waxaana jooga dad aqoon kaa badan Ogadenya waxa
ka jirana cid aad uga war roontahay ma jirto sidaas daraadeed
waxaan ku sheegaynaaa beenta aad shegayso in la wada fahansanyahay
wakhtigeediina aan la joogin.
Hadalka ardayda oo aad u kululaa ayaa ka wareriyay
wakillada gumaysiga meesha uu fadhiyay oo ay ku adkaatay
in ay amadsha sii fadhiyaan waxaan hadheeyay yaxyax &
waji gabax aan la qiyaasi karin, ardaydii madasha ka hadashay
ayaa wakiilada guamysiga si adag ugu dheeceeyay shirkii
Miyirdabool ee dadka masaakiinta ah lagu bahdilay fadeexada
culusina ay gumaysiga & adeegeyaashiisa ka raacaday.
Ardayda oo gumaysiga Ethopia adeegayaashiisa
shirkaas ku ceebeeyay kuna cambaareeyay waxay si dhab ah
u fashiliyeen qorshihii uu gumasigu shirkaas ka lahaa oo
ahaa in dadka lagaa dhaadhiciyo been & dhaan dabangaale
aan jirin, gumaysiga & adeegayaashiisii kulankaas soo
abaabulay ayaa dadka hortiisa lagu shir fayday waxayna ardaydu
si aad ah u taabteen arimo aad xasaasi u ahaa oo si dhab
ah u taabtay Shide oo intii ay dhalinyaradu hadlayeen madaxa
hoos u foorarinayay gorodana laalaadinayay, ardaydii shirkaas
ka hadashay way wakiilada gumaysiga u dhigeen cashir ay
adagtahay in ay uu quluubtooda ka tirtirmo oo sababi akra
in aysan dib dambe meeshaas oo kale u fadhiistaan.
Isku soo wadaa dudubo wakiiladii gumaysiga
ayaa madashaas foorar & mooraal xumo kala kacay waxayna
bilaabeen is hiif & adaa ii lahaada gumaysiga &
gacan yarihiisa dhaqanka u ah.
Guurmad
Qorahay Media
Sudan
qorahay99@yahoo.com