Jan 1, (2013 (QOL)
Wararka gudaha Ogaadeenya ka imaanaya waxay sheegayaan dagaalo
aan kala joogsi lahayn oo gudaha Ogaadeenya ka socda, dagaaladaas
oo maalmihii u da,mbeeyay guud ahaan dhulka Ogaadeenya laga
dareemayay waxay u dhexeeyaan Ciiddanka Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya ee geeskiyaasha ah & Askarta maxaysatada
ah ee gumaysiga Tigreega.
CWXO
oo si aad ah u kordhiyaya weerarada ay la beegsanayaan fadhiisimada
cadowga a si weyn u wiiqay awooda ciidamada gumaysiga, dagaalada
ay CWXO waxay shalay weerareen ciidanka gu,maysiga ooku
sugnaa Tuulada Shiniille oo Magaalada Dhanaan u dhaw waxayna
halkaas ku dileen saraakiil& askarta gumaysiga sidoo
kale hub & saanad kale ayay ka furteen.
Si kastaba ha ahaatee CWXO waxay si xawli
ah u dardar galiyeen halagnka hubaysan ee Ciidda Ogaadeenya
gumaysiga lagaga xoreynayo waxayna dagaaladiiugu dambeeyay
ku dileen ciidan aad u faro badan oo gumaysigu aad u tabi
doono.
Dagaalada cadowga lagu wiiqay & guud ahaan
xaaladaha kala duwan ee Ogaaadeenya wixii kusoo cusboonaada
wararka dambe kala soco.
Darwiish Macalin
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com