Feb 01, (2013 (QOL)
Wararka guadah Ogaadeenya naag soo gaadhaya
ayaa sheegaya dagaal culus oo gumaysiga Itoobiya ciidamadiisa
lagu jabiyay oo ka dhacay meel Magaalada Baabili u muuqata
oo lagu magacaabo Garbo- Diimo, dagaalkaas ayaa ahaa weerar
mir ah oo ay qaadeen Ciiddanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya
ee aagaas ka hawl gala.
Weerarka
ay CWXO ee geesiyaasha ah xalay asakrta dayowsan ee gumaysiag
ku qaadeen oo ahaa mid si hufan loo qorsheeyay waxay ku
burbuiriyeen fadhiisin ay ciidanka cadowgu halkaas ku lahaayeen
waxayna gaadhsiiyeen jab culus oo dhinacwalba ah, wararka
dagaalsaa oo hor dhac ah waxay intaas ku darayaan in uu
dagaalkaasu ahaa mid aad u culus oo Magaalada Baabili si
weyn looga maqlayay.
CWXO
oo hawlgalada dagaalka barayhan sare u qaaday waxay guud
ahaan Ogaadeenya ka wadaan gulus dagaal oo gumaysiga si
aad ah uga khalkhaliyay waxayna geesiyaasha sooma jeestayaasha
ah ee CWXO si dhab ah u qab jabiyeen ciidamada gumaysiga
ee gugaagoobay dhiiga & hilibka shacabka Ogaadeenyana
ku mamay, ciidamada gabalkoodii dhacay ee gumaysiga oo waayadanba
gacan ku gabad ahaa waxaa hadheeyay cabsi & argagax
waxaana lagu qasbay in ay dhufaysyada difaac ku galaan.

Isku soo wada duuboo dagaalkii ay CWXO xaaly
askarta gumaysiga ku asqeeyeen waxay ugu geysteen khasaare
aad u balaadhan awxaana lagag furtay hub & saanad caaqiibo
leh, guud ahaan dhulka Ogaadeenya waxaa ka socda weeraro
aad u xoog badan oo CWXO ay ku bartilmaameesanayaan saldhigyada
ciidanka cadowga waxaana guud ahaan Gobolada Ogaadeenya
laga dareemayaa hoos u dhaca awooad ciidanka cadowga halka
dhaqdhaqaaqa CWXO uu marba marka ka dambaysa dhulka Ogaadeenya
ku sii faafayo.
Dhimbil Guure
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com