Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la qaatay ururada dhalinyarada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Jan 1, (2013 (QOL) Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axamed Nuur (Tarsan) ayaa maanta kulan la qaatay dhalinyaro ku dhaqan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo ku bahoobay Muqdisho City Volounteers waxaana dhalinyaradan ay isku taageen wax ka qabashada xaaladaha dhibaato ee dadka iyo soo celinta amaanka waxaana dhalinyaradaasi ay sheegeen in dhalinyarada ay wacye gelinayaan in ay dhibaateeyaan bulshadooda.

Xariiriyaha ururkan dhalinyarada Khadiija ayaa sheegtay in ay xilligan isku taageen wax kaqabashada dhibaatada haysta dhalinyarada Soomaaliya waxa ayna sheegtay in xilligan ay waxbadan ay kaqabteen arimaha dhibaatada soomaaliya haysta waxa ayna sheegray in ay abaabuleen dhalinyaro aad u farabadan oo hadda kamida dhalinyarada.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa kajira dhalinyaro aad u farabadan oo ku bahoobay magacyo kala duwan waxaana intabadan ay sheegaan in ay wax kaqabanayaan dhibaatada haysta dhalinyarada.

Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online