War degdeg ah dagaal culus oo CWXO & gumaysiga Itoobiya u dhexeeya oo xiligan Baabili duleedkeeda ka socda.

Jan 1, (2013 (QOL) War hadda na soo gaadhay ayaa sheeagya dagaal aad u xoogbadan oo ka socda meesha loo yaqaano Garaagari oo degmada Baabuli u dhaw, dagaalkaas oo u dhexeeya Ciiddanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ee geesiyaasha ah & ciidamada daalan ee gumaysiga ayaa la sheegayaa in ay CWXO qorsheeyeen weerar sihufan loo qorsheeyay waxaana xiligan socda dagaalaad u culus oo daryaanka hubka la isu adeegsanayo siweyn loo dareemayo.

Caafi Cabdullahi oo bahda Qorahay Media ka mid ah kana hawlgala gudha Ogaadeenya si toos ahana waran u soo tabinayay ayaa xaqiijinaya dagaalkaas oo aan wali joogsanin sidoo kale wariye Caafi oo dad goobta uu dagaalku ka socdo ka agdhaw la xidhiidhay waxaa loo sheegay in uu dagaalku aad u xoog badabnyahay isla markaasna dhibaato & jab culus oo ciidanka gumaydiga soo gaadhay ay sooifbaxayso firxadka & muusanowgoodana siweyn loo dareemayo

Warkan oo hor dhac ah wuxuu itaas ku darayaa in ay ciidanka gumaysiga ee dagaalkaasu qabsaday ay bilowgii xabada ay amqleenba ay is dhiibeen, dagaalka culus ee duleedka Baabili ka socda & guud ahaan xaaladaha kaal duwan ee Ogaadeenya wixiiku soo cusboonaa da wararka dambe kaga bogo.

Caafi Cabdullahi
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online