Maxaabiis gobolada kala duwan ee Ogaadeenya ku xidhnayd oo Magaalada Jigjiga lagu uruuriyay & ujeedada laga leeyhayahay.

Jan 1, (2013 (QOL) Wararka Ogaadeenya laga helayo ayaa sheegaya maxaabiis farobadan oo gobolada & degmooyinka kala duwan ee dalka Ogaadeenya ku xidhnaa in Magaalada Jigjiga loo daad gureeyay.

Wararku waxay sheegayaan in Maxaabiistaas Jeel Ogaadeen & kuwo la mid ah oo Jigjiga ku yaala la isugu geeyay, hadaba ilo wareedyo Jigjiga ku sugan oo xog ogaal ah ayaa wakiilada gumaysiga ka soo xigtay in la doonayo in maxaabiisat waa la cafiyayaa saxaafada lag sheego balse waxay sheegeen in ay arintu sidaas ka diuwantahay.

Sida ay ilaha warkan laga helay sheegayaan waxaa ladoonayaa in maxaabiistan la kaalqaybiyo oo wixii rag ah laga dhigo ciidan la doonayo in wiilasha Tigreega xabada kulul ee Ciiddanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya looga dhigo, arintan ayaa latuhunsanyahay in ay sabab u tahay baahi ciidan & culays aad u badan oo gumaysiga soo food saaray.

Gumaysiga sii cadceedsanaya oo talaabooyin faro badan ku soo fashilmay ayaa xiligan malayshiyaadkii uu Soomalida Ogaadeenya dhexdeeda ka abaabulay oo ay Hawaarintu u dambeeyeen faro madow ka taagan waxaana isku soo banaanaaday halyeeyada CWXO oogoob walba cadowga ku weeraraya xabad kululna ku asqaysiiyay & maxaysatada Tigreega ee niyad jabsan taasina waxay keentay in ay ciidamada gumaysigu si aad ah u daciifaan dhexdooduna ay isku gadoodaan.

Ma aha markii ugu horeeysay ee maxaabiis aan la sii daynin uu gumaysigu in la sii daynayo shaaciyo isla markaasan dadka qaarkood aan dib loo arag oo habeenimo dib aqaladooad loogala baxay raq & ruuxna meel ay ku dambeeyeen la waayay arimaha noocan ah ayaa kamid ah shirqoolada gumaysiga & dhagarta uu dadka nugulka ah ka galo.

Caafi Cabdullahi
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com


   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online