Xidigaha xusuusta mudan ee Sanadkii 2012 ee heer Qaran Dr, Maryam Qaasim ayaa ka mid ah

Jan 1, (2013 (QOL) Marka koowaad dhammaan Ummadda Somaaliyeed Sanad Wacan oo Wanaagsan 2013 Alloow Nabadgelyo buuxda,dowladnimo hagaagsan dalka difaacdda,dadka daryeesha iyo midnimo
cadaalad iyo xaq ku saleeysan aamiin.


Xidigihii Sanadkii 2012 Heer Qaran

Drs-Maryan Qaasim(Wasiirka Adeegyadda Bulshadda) Daacadnimo,dadaal,karti,xilkasnimo,aqoon,dareen iyo damiir wadaniyadeed(Amaan,bogaadin iyo dhiirigelin).

-Xildhibaan Drs-Maryan Cariif Qaasim(Gudoomiyihii Gudigii Doorashadda,Daacadnimo,Dadaal iyo Karti badan (Amaan iyo Bogaadiin) -Xildhibaan Gen-Muuse Sh.Xassan(Gudoomiye ku xigeenka
Gudiga doorashada)daacadnimo,waayo aragnimo,dareen iyo damiir wadaniyadeed(Amaan iyo bogaadin).
Xildhibaan LibaaX(Afhayeenkii Gudiiga doorashada)dadaal iyo Masuuliyada(amaan iyo bogaadin).
Mudane-Axmed Maxamed Tarsan(Duqa Magaalada Muqdisho) Xilkasnimo,dadaal badan iyo wax-qabad muuqda(Amaan gaar ah).

Drs-Caasha Cumar Geesdiir (Ex Gud.Ururka Haweenka)Karti dadaal iyo daacadnimo(Bilad Qalin ah iyo Amaan Gaar ah), Ustaad-Amiin Caamir (Farshanka Qaranka) damiir,dareen iyo Qiiro wadaniyadeed runta ku saleeysan(Bilad dahab ah iyo amaan gaar ah) Ex Xildhibaan-Drs-Caasha Axmed C/lla(Wadaniyad heerka koowaad ah)(Bilad dahab ah iyo amaan gaar ah).

\Mudane-Ahmed Madoobe(Gudoomiyaha Xoogaga degaanka ee Raaskamboniyiinta)Geesinimo,dalaal iyo xilkasnimo weyn (Bilad Halyeeynimo iyo amaan gaar ah), \ Ciidmada Xoogga Dalka Somaliyeed,Guulo waaweyn dhanka Xoreynta Dhulka,geesinimo iyo dadaal badan(Bilad Sarre geesinimo iyo amaan gaar ah), Proff-Axmed Ismaciil Samater(dareen wadaniyadeed damiir nool iyo daacadnimo).

Proff-Cali Khaliif Galeydh(dareen wadaniyadeed,midnimo difaacid iyo xeel dheeri siyaasadeed). Ustaad-C/Qaadir Cali Boolay(Qoraal sarre,dareen heer qaran leh waayo aragnimo iyo wadaniyad)amaan gaar ah.
Ustaad Abwaan Qaran-Axmed Naaji Sacad (Abwaanka Sanadka dareen qaranimo dhiiri gelin iyo wacyi gelin danta guud ku saleeysan (amaan Iyo bogaadiin), SomalichannalTV,Warbaahnita Sanadka Dhanka Maqalka iyo
Muuqaalka (Adeegidda bulshada Somaaliyeed hab cadaalad sinaan iyo dhex-dhexaadnimo leh iyo barnaamijyo qiimo gaar ahaaneed lahaa )amaan,bogaadiin iyo dhiiri-gelin.

SNTV-Dadaal badan, barnaamijyo qiimo lahaa, shakhsiyaad waayo aragnimo iyo aqoon sare leh sidda-Proff-Waasuge (amaan, bogaadiin iyo dhiiri-gelin), Ustaad Bashiir Cali Xuseen Qalinka Wadaniga Somaliyee 2012 iyo wacyi gelinta Abwaanad fanaanad-Hibaaq Maxamed, Xidigta fanka Wadaniga 2012 (amaan iyo bogaadiin) Mudane-Cabdi Bille Cabdi (Halyeey Qaran dhanka Ciyaaraha iyo dareenka Wadaniyadeed) Hiiraanonline iyo Jowhar.com,Wababka Dhex-dhexaadnimo iyo war sugan (amaan iyo bogaadiin), Qorahay Media iyo Shilaabo.com Halgan wadaniyadeed iyo Xaq difaacid (Guuleeysta-amaan iyo bogaadiin gaar ah).

Farxadda Sandka 2012-Xoreynta degaamada:-Baledweyne, Kismaayo, Belad Xaawo, Baydhabo, Afgooye, Marka, Jowhar iyo degaamo kaleba(Allah Mahad Leh), Doorashadii Madaxda Qaran-Guul munaasabad gaar ah leh laakiin weli laguma deg-degi karaayo qiimeeyntooda iyo xil gudashadooda(Inkastoo sawiro kala duwan muuqdaan).

Jaaliyadda Amaan mudan(Jaaliyadda Galmudug)dadaal iyo la duubnimadda Maamulkooda iyo wax-qabda muuqda(amaan iyo bogaadin), mahad-clein gaar ah:-Xurmadle Ex-Madaxweyne Sh.Shariif iyo Ex-Ra'iisal Wasaare Proff-C/Weli Gaas iyo Al-Wasiir Proff-C/Raxmaan Xoosh Jibriil(Abaal lama Illaawaan ah).
Mahad celin iyo amaan(Xurmadlayaal Odayaasha Dhaqanka Somaaliyeed)dadaal weyn iyo door lama illaawaan ah, Dr-C/Casiis Maaxaay(halyeey camal kheyrka iyo howlaha dad u gargaarida(Dilad Dahab ah iyo Duco joogto ah).

Drs-Xaawo Cabdi(halyeeyad camal kheyrka ku caan ah Bilad dahab ah iyo duco joogto ah, Drs-Xaawo Max'd Aden(dadaal camal kheyrka)bilad dahab ah iyo duco joogto ah, Marwo-Tirig Ahmed (4Somaliwomen)daaal camal kheyr joogto ah (Bilad dahab ah iyo duco joogto ah).

Marwo-Asli Xassan Cabaade(Dareen iyo damiir wadaniyad ku saleeysan joogto ah) amaan iyo bogaadiin, Caasha Shaacuur-Dadaal dhanka samafalka(amaan,bogaadin iyo duco joogto ah), -Drs-Caasha Geele-Ex Wasiir PL(daacadnimo,daaal,karti iyo xilksanimo)amaan iyo bogaadin, Dalka Turkiga Mahad-celin iyo abaal lama illaawaan ah, Xuska Qoridda Luqada Somaaliyeed(arrin qiimaheeda leh).

Bahda Tacliinta Sarre Somaaliyeed (amaan iyo bogaadiin) Culimaa'udiinka Xaqa runta ka sheega (Maasha Allah), Dhaliishii Sanadka:-UniversalTV (Barnaamijka Xog-waran) xasarad,xaunaan,naceeyba iyo cudqad waran,ayaan darro, Warbaahinta iyo Saxaafadda(Shabeelle.net) gef weyn iyo arrimo naxdiintooda leh(sida colaada dowlada Turkiga) oo ujeedooyin qarsoon iyo arrimo lid ku ah u gargaarida Ummadda Somaaliyeed eey ka dameeyeen eeyna wadaan kuwo diidan jiritaanka iyo soo noqoshada karaamadda somalia, (ceeb waji xumadeeda leh iyo qiimo dhac).

Fiiro Gaar ah:-Qormadan waa aragtideeyda gaarka ah.
Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)
-sharifhassan50@hotmail.co.uk
Jan-01-2012


   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online