Sanadka Cusub ee 2013-ka iyo Saadaasha Halganka Ogaadeeniya. By Noor Mohamed.

Jan 1, (2013 (QOL) Mahad oo idil waxay u sugnaatay Allaaha Awooda leh ( S.W.C ) Naxariis
iyo Nabadgalyana Nabbigeenii Suubanaa ee Muxammed korkiisa ha ahaato ( S.C.W ).

Intaas kadib waxaan Salaan qaali ah oo walaaltinimo usoo gudbinayaa guud ahaan Bulshada Soomaalida Ogaadeeniya ee wanaaga iyo waddaniyada jecel, gaar ahaan Akhristayaasha sharafta badan ee Warbaahinta Qorahay Media, waxaana idin leehay ( Happy New Year 2013 ) Sanadka cusub ee 2013 Alle ha inooga dhigo sanad wacan oo wanaagsan, waxaa kale oo aan Alle inooga rajaynayaa inuu Sanadkii tagay Haraatidiisa inna
garamariyo kan soo galayna Hardidiisa innaga leexiyo Inshaa Allaah.

Hadii aan u gudbo Odhaahda Qoraalkaygan Ciwaanka u ah ee ah "Sanadka Cusub ee 2013-ka iyo Saadaasha Halganka Ogaadeeniya" waxaad lawada socotaan dhamaantiin in aan kasoo Gudubnay Sanadkii aan kusoo jirray ee 2012-ka, una soo gudubnay Sanadka Cusub ee 2013-ka waxaana Allaaha Awooda badan ( S.W.C ) waydiisan haynaa inuu nasiiyo barakada Sanadkan cusub, naguna daro kuwa Dambigooda la dhaafo Ducadoodana la aqbalo, waxaa kale oo aan Allaah waydiisan haynaa inuu Sanadkan Cusub ee 2013-ka inooga yeelo mid Cibaado iyo Camal wanaagsan inoogu dhamaada Inshaa Allaah.

"Saadaasha Halganka Ogaadeeniya"

Halganka hubaysan ee kasocda Ogaadeeniya ee lagu baadigoobayo Xoriyada Dalka iyo Dadka Soomaalida Ogaadeeniya oo ah mid Taariikh dheer oo soo jireen ah leh isla markaasna ah mid jiilba jiil kasoo dhaxlay ayaa
waxuu midkan hada socda ee ay JWXO hormuudka u tahay Dagaalkiisu soo bilowday Sanadkii 1994-tii kaas oo ay Ethiopia ku khasabtay Shacabka Soomaalida Ogaadeeniya inay Dagaalamaan oo ay Duurka galaan, waxuuna Halganku intii mudadaas ka dambaysay ku socday wadadii loogu talo galay, waxaana Alle ka sakoow Mahadaas iska leh Madaxdii Sharafta lahayd ee u soo samirtay inay Halganka Gobanimo doonka ah heerkan soo gaadhsiiyaan.

Xukuumada Gumaysiga Ethiopia waxay mudadaas halganku socday inbadan isku dhabar jabisay sidii ay u xagal daacin lahayd Rabitaanka Shacabka balse markay rumaysatay inaysan marka ka guulaysan doonin Waddaniga
Dhaarsan ee dhulkiisa u Dagaalamaya waxay dantu badday Ethiopia inay Wadahadal Caalami ah la yeelato Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya kaas oo Bilihii September iyo October ee Sanadkii 2012-ka
kadhacay Magaalada Nairobi ee Caasimada Wadanka Kenya Balse aan lagu guulaysanin in xal dhab ah loo helo Qadiyadda Ogaadeeniya kadib markii ay Ethiopia damacday inay JWXO aqbasho Dastuur kusheegeeda JWXO-na ay gaashaanka ku dhufatay Damacaas waalan.

Waxba yaanan idinku dheeraynine Saadaasha Halganka Ogaadeeniya waxaan ku tilmaami karnaa mid 100% ka midho dhalin doona Hadafkii loo aas aasay waxaana Allaah ( S.W.C ) ka rajayn haynaa inuu Sanadkan Cusub ee 2013-ka inooga dhigo sanadkii xoriyada Ogaadeeniya Inshaa Allaah.

Kusoo dhawaada Sanadka Cusub iyo Caafimaad taam ah Idam Alle.

W/Q: Noor Mohamed

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online