Ururka Alshabaab oo caawa Dagaal mir ah kusoo qaaday Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose Soomaaliya.

Jan 1, (2013 (QOL) Ciidan katirsan Ururka Alshabaab ayaa caawa fiidkii weerar mid ah kusoo qaaday Magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ee Dalka Soomaaliya, halkaas oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowlada dhexe ee Soomaaliya oo garab ka helaya Ciidanka Kenya ee Amisom.

Sida aan warkan oo wali hordhac ah ku helayno Dagaalka oo ay soo qaadeen Ururka Alshabaab ayaa waxaa ku dhaawacmay 1 nin oo shacabka Magaalada Afmadoow ka mid ahaa laguna magacaabo Ibraahim Macalin Muxumed, waxayna dad goob joogayaal ahi Warbaahinta Qorahay Media usheegeen in ay ninkan shacabka ah Xabadu ka haleeshay dhabarka dambe ee garabka bidix shafka hore ee naaska bidixna kabaxday, waxaana loo qaaday sida lasheegayo dhaawaciisa Isbitaalka Magaalada Afmadoow halkaas oo lagu dabiibayo Caafimaadkiisa.

Isku soowada uruuriyoo Dagaalkan mirta ah ee caawa Degmada Afmadow kadhacay oo bilaabmay 8:00-dii Fiidnimo ayaa istaagay qaddar 30 daqiiqo ah oo ay rasaastu socotay, waxayna dadka Magaalada Afmadow hada sheegayaan in Jawiga Magaaladu degan yahay waloow ay jiraan Xabado Magaalada koonayaasheeda kadhacaya oo cabsina ay jirto, mana jiraan cid aan qofkaas shacabka ah ahayn oo wax ku noqday sida ay Dadka Deegaanku noo xaqiijiyeen.

Wixii kasoo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonaa hadii ay noo suurta gasho.

Noor Mohamed
Qorahay Media..

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online