Jan 2, (2013 (QOL)
Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Qorahay Media Darwiisha
Macalin waxaa shalay casarkii Ciidanka Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya weerar qorshaysay ku cadeen Kantaroolka
magaalada
Birqod kaas oo lagu dhibaateeyo shacabka Ogaadeenya waxaa
halkaas lagu gubay Baabuur Ciidan oo gabi ahaanba wixii
saraan ku basbeleen waxaana lasheegay in babuurkaa lala
helay qoriga weyn ee loo yaqaabo Baasasukaha halkaas uu
ku gubtay.
Kantaroonka oo ku yaala magaalada Duleedkeeda
waxaa dagan Ciidanka Gumaysiga Itoobiya kuwaas oo u suurtoobi
wayday in ay soo baxaana waxaala lasheegaya in ay xabado
kor u rideen ayaga oo aad ugu cabsanaya in ay soo baxaan.
Waddanka Ogaadeenya ayaa waxaa ka socda dagaal
aad u khadhaadh oo u dhexeeya CWXO & Askarata daalan
ee gumaysiga Itoobiya waxaana laga soo sheegaya in guud
ahaanba dalku ka socdo dagaalo badan kuwaas oo inta badan
qorshihiisa leeyihiin CWXO meelo badan oo Ogaadeenya kamid
ah lagu bur-buriyay ciidamo duulaan ahaan oo kamid ah Askarta
Gumaysiga.
Wixii ka soo kordha dagaaladaas dib ayaan
ka soo qori donbaa haduu allaah ogalaado ee ha ka fogaanin
Qorahay Media.
Darwiish Macalin
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com