Jan 2, (2013 (QOL)
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Qabridahare ee xarunta
Gobalka Qorahay ayaa sheegaya xalay saqdii dhexe xili naloogu
sheegay 1 habeenimo saacada Afrikada Bari in weerar mir
ah lagu
soo
qaaday xero ku taala Magaalada Qabridahare oo nagloogu sheegay
Birgaydhaka weerarkaas oo ay fuluyeen cutub
ka tirsan Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya oo si fiican
u hubaysan ayaan la sheegaya in ay u gaysteen dhimasho &
dhaawacba asakartii daganayn Birgaydhka.
Wararku waxay intaas ku darayaan in magaalada
laga maqlayay hubka ay garaacayeen CWXO kaas oo ahaa mid
gil-gilay magaalada oo qoryaha laridayay iftiinkooda laga
arkayay magaalada. Cutubkii weerarka qaaday ayaa si nabadgalyo
ah uga baxay magaalada ayaga oo wax dhib ah oo soo gaadhay
uusan jirin.
Dagaalada ka socda Ogaadeenya waxay galeen
marxalada cusub Sargaal ka tirsan CWXO oo warbaahinta Qorahay
u cadeeyay in ay wadaan qorshayaal cusub oo ay doonaynaa
in ay kaga sifeyaan askarta daalan ee doolka ku joogta Ogaadeenya
wuxuuna sargaalkaas sheegay in ay gadheen guulo aad u waaweyn
kuwaas oo ay ugu horayso isku duubnida shacabka Ogaadeenya
& guulaha lagu naaloon karo ee ay keenayaan CWXO.
Isku soo wada duboo waxay warbaahinta Qorahay
Media dhamaan Gobalada Ogaadeenya ku yeelatay wariyaal wakhti
badan galinaya sidii ay idiinka haqab tiri lahaayeen xaaladda
dhabta ah ee ka jirta Ogaadeenya.
Darwiish Macalin
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com