Jan 2, (2013 (QOL)
Waxaa maanta ka dhacay magaalada Cape Town ee xanurta gobolka
Western Cape gaar ahaan xaafada la yiraahdo Bellville shir
balaadhan oo ay soo qaban qaabisay jaaliyada Ogadeniya ee
South Africa Shirkan oo ahaa shir ay jaaliyada Ogadeniya
u qabatay dadweynaha ku nool magaalada Cape Town & nawaaxigeeda
ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad farabadan oo isugu jiray
Odayaal, Culumo Awdiin, Aqoonyahano, Siyaasihiin,Dhalinyaro
Arday ah, & waliba marti sharaf ka socotay bulshada
South African-ka ah ee dagan xaafada Bellville.

Shiran oo ahaa shir lagaga hadlaayay qadiyada
Ogadeniya ayaa waxaa goob joog ka ahaa hogaanka Arimaha
bulshada & Abaabulka Jabhadda wadaniga xoreynta Ogadeniya
(jwxo) halgame Sheikh Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane) waxaana
ugu horayn lagu furay Aayado Qur’anka kariimka ah
& wacdi diini ah oo uu goobta ka akhriyay sheikh bulshada
Somalida ah Caan ka ah kadib waxaa lagu soo dhaweeyay Sheikh
Maxamed Cabdi Yaasiin oo ah Siyaasi ruug cadaa ah oo ku
xeeldheer Arimaha geeska Afrika.

Wuxuuna sheikh Maxamed meeja ka soo jeediyay
khudbad aad u dheeray oo meelo badan taabanaysay balse ku
wajahnayd xaalada Siyaasadeed & qalalaasaha kataagan
ee geeska Africa khaasatan Ogadeniya taas oo uu sheekhu
ku tilmaamay inayna dagaynin dhibaatada geeska Africa ilaa
oo xal-waara lagagaaro qadiyada Ogadeniya.

Waxaa kaloo meeja kahadlay masuuliyiin farabadan
oo ka mid ahaa ka soo qayb galayaashii Shirka & marti
sharaf ka socotay maamulka xaafada Bellville oo South African
ah waxayna dhamaan tood isku raaceen in qadiyada Ogadeniya
si degdeg ah wax looga qabto islamarkaana la taageero shacabka
Somalida Ogadeniya.
Dhanka kale jaaliyada Ogadeniya ee South Africa ayaa lakulantay
maalinimadii shalay qolo layiraahdo (Muslim Judicail council
) oo uu fadhigeedu yahay isla magaalada Cape Town islamarkaana
u olalaysa qadiyadaha Islaamka ah waxaana laga wada hadlay
Arimo fara badan & sidii wada shaqayn rasmiya oo u dhaxaysa
labada dhinac loo helilahaa waxayna hoosta ka xariiqeen
Culumadii meejaas isugu timid inay qadiyada Ogadeniya tahay
Qadiyad qofkasta oo Muslim ah waajib ku ah, loona baahan
yahay in lataageero Shacabka Ogadeniya.

Iyada oo uu sii socdo hawlihii kormeerka ahaa
ee uu HAAB ONLF mudane Sheekh Maxamed Cabdi Yaasiin u yimid
wadanka South Africa ayuu shir degdeg ah la yeeshay gudiga
Ururka Midawga Dhalinyarada & Ardayda Ogadeniya OYSU
ee South Africa faraciisa magaalada Cape Town & wafdi
uu hogaaminaayay Halgame Axbaab oo ah Xoghayaha guud ee
Ururka OYSU South Africa shirkaas oo lagaga hadlaayay Arimo
badan & Doorka ay dhalinyaradu ku leedahay Halganka
Ayay dhamaan tood Xubnihii kulanka isugu yimid isku raaceen
inay sii xoojinayaan dadaal kooda ku aadan qadiyadooda siday
isaga dul qaadi lahaayeen Gumeysiga Madaw ee Itoobiya.



Oogle yare Xayi Yare
Cape Town
South Africa
qorahay99@yahoo.com