Jan 2, (2013 (QOL)
Marka hore waxaan halkan ka salaamaynaa dhamaan Akhristayaasha
& Dhagaystayaasha warbaahinta Qorahay Media meel ay
jogaanba waxaana leenahay sanad wanaagsan.
Qormadan
waxaan ku eegaynaan wararka kutidhi kuteenka ah ee Gumaystaha
Itoobiya & gacanyareyaashiisu ay sheegayaan ee ah waxaa
la dilay halyayga weyn ee Ogaadeenya Naftii Hure Sheikh
Deeq oo gumaystaha Itoobiya falaadh ku qotonta ku noqday,
Allah ha xafido hana cezeeyee Sheikh Deeq wuxuu kamid yahay
dadka u istaagay in ay ciidda Ogaadeenya ka xoreeyaan gumaysiga
soo daashaday ee umadda Ogaadeenya mudada dheer soo dul
saraa.
Shaki kuma jiro in uu gumaysigu ku qarwo rag
uu ku jiro Sheikh Deeq maxaa yeelay waa halyay aan u nixin
cadowga waana geesi umadiisa dhiigiisa u hibeeyay kuna talagalay
in uu gayiga Ogaadeenya xorayntiisa u geeriyoodo ama uu
umadiisa sharaf & gobanimo gaadhsiiyo.
Geesiyaasha uu Sheikh Deeq ka midka yahay
waa halyeeyada u duur galoobay ee go'aansaday in ay gobanimo
gaadhsiinta dadka & dalka Ogaadeenay u halis ay geeridu
ugu weyntahay u galaan & cizi ku nolaadaan, Sheikh Deeq
waa halyay saaxiibo badan oo garabkiisa ahaa waayay, waa
halyay in badan ka talaabsaday isna dul saaray maydadaka
askarta gumaysiga ee dool ah, waa halyay meesha lagu sheego
cadowgu ka cararo aadna looga argagaxo, waa halyay umadiisu
markay aragto aysan ilmadda ceshan karin farxadda &
kalgacaylka ay u qabaan awadeed.
Sheikh Deeq waa halyay aan u nixin cadowga
Itoobiya & kuwa uu darban ee adeegayaasha u ah dulinimadana
ogolaaday, waa halyay kiciyay kumanaan kun oo Ogaadeenyaan
ah, waa halyay dareenkiisu taagan yahay feejigan oo aan
ku dhicin dabinada gumaysiga, waa halyay ay uu gumaysigu
jeclaan lahaa in loo soo sheego geeridiisa balse waxaysan
ogayn in uusan halgamaagu geerida nacbayn uuna ku talogalay,
Sheikh Deeq waa halyay hurdo & raaxo ka caagay, waa
halyay kala gooyay wadooyinka uu gumaysigu isaga goosho
kuna qasbay in aysaan dhufyasyada ka bixin.
Markaan
intaas ka gudibno waxaan jaleecaynaa wararka uu gumaysigu
buufinayo kuna sheeganayo in Sheikh Deeq ay dileen, sida
xaqiiqada ah inoona muuqata aad ayay u jeclaan lahaayeen
geerida Sheikh Deeq balse waa war aan sal & raad toona
lahayn isla markaasna waa war muujinaya walwalka & cabsida
weyn ee uu ku hayo.
Hadaba waxaan shacabka gobanimo doonka ah
ee Ogaadeenya meelay joogaanba ugu bishaaraynaynaa una xaqiijinaynaa
in uusan Shekh Deeq waxaba qabin, mata ayaanu Sheikh Deeq
la xidhiidhnay aad ayuuna ugu qoslay wuxuuna sheegay in
ay beentaas maalin & habeenba ku qarwaan oo Wayaanihu
uusan seexanin markii lagu sheego meel kamid ah gobalada
Ogaadeenya sidaas awgeedna ay mooyadayaan in ay sheegashada
beenta ah culaysa & cabsida kafujinayso.
Ma aha markii ugu horeysay ee ay dhahaan Sheikh
Deeq waanu dilay dhamaan masuliyiinta JabhaddaWaddaniga
Xoreynta Ogaadeenya ayayna marwalba been ka shegaan waana
arin iska caadi ah ooay isku maaweelinayaan wax aan jirin
oo ay askartooda daalan ee mooraalka jabsan wakhtiga adag
ku dhaafiya is leeyihiin.
Warbaahinta Qorahay ayaa qiiman ku samaysay
hadalka Abdi Ubbo ee ah in ay Sheikh Deeq waxaana cadaatay
in uu warkani ka dhashay qaracanka gumaysiga & adeegheyaashiisa
oo aad uga argagaxay jabka Todobaadkan oo kali ah soo gaadhay
ee aysan waligood ka soo kaban doonin sidaas daraadeed waa
in ay been aburaan oo ay isku maaweelinayaan waana mida
keentay in ay beentaas soo bandhigaan.
Sheikh Deeq waa geesi shacabka Ogaadeenya
balan la galay wuxuuna balankaasu ahaa guusha Xoriyada in
uu gaadho ama uu geeri sharaf leh dhinto wuxuuna dhiman
doonaa xiliga uu rabbigii khalqaday u qadaro qof walibana
ajal ayuu leeyahay marka waxaan leenahay Sheikh Deeq wuu
noolyahaye afka malagu dili karaa.
Islaan dhali weyday Aleelo ku waalatay gumaysinina
been kama weynaado kamana gaboobo kamana quusto.
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com