Ururka Dalladda Suxufiyiinta Qorahay Media oo cabudhinta Saxaafadeed & xadgudubyada uu gumaysiga Itoobiya dhuka Ogaadeenya ka wado baaq ka soo saaray.

Jan 3, (2013 (QOL) Bulsho walba oo uu Allaah meel ku abuuray waxay leedahay taariikh & dhaqan u gaar ah waxaa kale oo bulshooyinka caalmu wada rumaysanyihiin qofka Bani Aadamka ah isaga oo xor ah in uu soo dhashay rabbina uu u abuuray in uu si xoriyad ah u noolaado.

Bulshada Soomaalida Ogaadeenya waxay ka mid tahay bani aadamka uu Allah karaameeyay xaqana u leh in ay sida qayrkood u noolaadaan, hadaba Dalladda Suxufiyiinta Qorahay Media waxay mudooyinkii dambe daraasaad & baadhitaan ku samaynayeen xaaladda dhabta ah ee ay ku suganyihiin guud ahaan shucuubta Itoobiya ku hoos jirta gaar ahaan dhulka Ogaadeenya oo ay ku dhaqan yihiin dadbadan oo lagu qiyaaso inta u dhaxaysa 6-7 Milyan oo dhamaantood hal jansi oo Soomaali ah ka soo jeeda isla markaasna uusan jirin wax kala qaybiya sida Diinta, Luuqada & dhaqanka.

Run ahaan Wadanka Ogaadeenya kama jiro adeega & nolasha bulshada sida Caafimaadka, Waxbarshada & Xoriyatul qoolka waxaana shacabka Ogaadeenya saran dhibaato noocwalba ah oo mudo dheer soo jirtay sidoo kale gumaysiga Itoobiya wuxuu dhulka Ogaadeenya ka mamnuucay in uu qof warbaahinta caalamka ka mid ah cag soo dhigo umana ogola wariye xaqiiiqada Ogaadeenka ka jirta soo gudbiya, mana jiro 9 ka gobal ee dhulka Ogaadeenya uu ka kooban yahay saxafi jooga ama warfidinyeen ku nool oo caalamka la wadaagi kara dhacdooyinka joogtada ah ee Ogaadeenya ku soo noqnoqda.

Sidaas daraadeed Dalladda Suxufiinta Qorahay oo si aad ah isugu hawlshay bal in ay gudaha Ogaadeenya si qarsoodi ah u galiyaan suxufiyiin xaqiiqada jirta ka soo warama ayaa ugu dambayntii arintaas ku guulaystay waxayna Dallada Suxufiyiintiina QM Baaq ka soo saareen arimaha ay u arkaan in ay aad muhiim u yihiin baaqaasna waxay ku soo beegeen xili ay aad daruuri u tahay in uu caalamku ku baraarugo dhibaatada Ogaadeenya ee dabada dheeraatay.

Baaq

Dalladda Suxufiyiintiina QM waxay Aduunka ugu Baaqayaan in xaaladda Ogaadeenya si dhab ah indhaha loogu furo oo waxa ka jirta si qoto dheer loo baadho, Dalladda Suxufiyiintiina QM waxay ku baaqayaan in Caalamku uu xilweyn iska saaro sidii saxaafada loogu ogolaan lahaa in ay waajibaadjkeeda si xor ah u gudato.
Dalladda Suxufiyiintiina QM waxay farta ku fiiqayaan caalmkana ka codsanayaan shaqsiyaadka dambiyadda ka galaya Bulshada ee magaca dawladeed huwan in si dhab ah loo diiwaangaliyaa si maxkamada caalami ah oo cadaalada aha la horgeeno.

Dalladda Suxufiyiintiina QM waxay Hay’adaha Xuquuqul Insaanka u dooda ugu baaqayaan in ay ilgaar ah ku eegaan shacabka Ogaadeenya ee cadaadiska lagu hayo sida hay’ado badan oo caalami ah ay meelo badan oo caalmaka ku soo bandhigaan Itoobiya waa in lagula xisaabtamo dambiyadda ay dadka shacabka ah ka galayso, sidoo kale Itoobiya waa in lagu cadaadiyo in ay saxaafada caalmka cabudhinta ka daayo, Saxaafaddu waa in ay si xor ah dhulka Ogaadeenay uga shaqayso baadhitaan rasmi ahana ay ku sameyso dhacdooyinka soo noqnoqda ee isugu jira tacadiga shacabka Ogaadeenya lagu hayo duudsiga aayahooda & borobagaandhaad beenta ah ee gumaysigu uu caadaystay.

Cambaarayn.

Dallada Suxufiyiinta QM waxay si aad ah u cambaaraynayaan cabudhinta & cago juglaynta ay xukuumadda Itoobiya shacabka Ogaadeenya ku hayso & saxaafada madaxa banana oo ay dhulka gaadeenya ka xaaraatinimaysay, waxaanan Itoobiya ugu baaqaynaaa in ay joojiyso nidaamka cabudhinta ah ee ay ku hayso guud ahaan shacabka Ogaadeenya & warbaahinta.

Dallada Suxufiyiinta QM sidoo kale wax aad u cambaaraynayaan Hay’adaha magaca saxaafadeed ku qadhaabta ee xukuumada Itoobiya heshiiska lagalaya iskana indho & dhego tiraya dulmiga & tacadiga joogtada ah ee shacabka Ogaadeenya lagu hayo, Saxaafad ku sheegta sumcada warbaahinta dhaawacday ee aan ficiladeeda loo dulqaadan karin waxaa ka mid ah Universal TV oo noqday gacantii midig ee gumaysiga Itoobiya waxayna si weyn u lumiyeen milgaha saxaafadeed & xuquuqda uu shacabku leeyahay.

Universal TV waxaanu si kulul ugu cambaaraynayaa dabooolida xaqiiqada Ogadeenya & faafinta borobogaadhada gumaysiga manaxaha ah ee umada Ogaadeenya qarniyaalka ku dul nool , Dallada Suxufiyiinta QM hadii Alle idmo waxay ku dadaali doonaan in ay toosha ku ifiyaan cid kasta oo gumaysiga garab ku siisa gumaadka & dulaynta shgacabka Ogaadeenya waxaanan rajaynaynaa sanadka 2013 in uu wax badan caalamku ka badali doono qaabkii uu Itoobiya ula dhaqmi jiray si dhab ahana xaalda Ogaadeenya loo daraaseyn doono.
Dalladda Suxufiyiinta Qorahay Media.

Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online