Jan 3, (2013 (QOL)
Maamulka Qorahay Media ugu horeyn waxay salaan qiimo badan
u gudbuinayaan Ciiddanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ee
geesiyaasha ah qaybihiisa kala duwan, Madaxda & Kaadirka
JWXO, shacabka Ogaadeenya ee ma daalaha ah & guud ahaan
umada Soomaaliyeed aad baanu u salaamaynaa.

Bahda warbaahinta QM waxaa farxad weyn u ah
in ay markale idiin soo gudbiyaan Barnaamij xiiso badan
oo si toos ah gudaha Ogaadeenya uga imanaya, Barnaamijkaas
oo aanu ugu magic daray Xaqiiqada Ogaadeenya & Xogta
Naftiihuraha waxaa si toos ah inoogu soo gudbinaya Wariye
Darwiish Macalin oo ka mid ah hawlwadeenada Warbaahinta
Qorahay Media ee gudaha Ogaadeenya ku sugan.
Barnaamijkan waxaad kaga bogan dontaan xaaladaha
dhabta ah ee Ogaadeenya ka jira oo badhax tiran, sida aynu
ka wada dharagsanahay gumaysiga Itoobiya wuxuu ku dadaalay
in aan Ogaadeenya waxa ka jira ee runta ah la arag caalamkana
laga qariyo waxaanse nasiib wanbaag ah Allena aynu ku mahadinaynaa
muuqaalo maanta gudaha Ogaadeenya laga soo duubay isla maantaba
in aynu daawano kuwaas oo ay si toos ah inoogu soo gudbinayaan
Naftood Hureyaasha CWXO oo soo gudbinaya dareenkooda, yoolkooda
& waaqica badhbta ah ee Ogaadeenya ka jira.
Barnaamijkan oo aanu rajaynayno in uu taxane
inoo noqon doono waxaa si joogto ah inoogu soo gudbin doona
hawlwadeena QM inta badan dhulka Ogaadeenya ka hawl gala,
waxayna soo gudbin Barnaamonka Xaqiiqada Ogaadeenya &
Xogta Naftiihuraha oo ay ku eegi doonaan nolosha shacabka
Ogaadeenya, hawlaha halganka gobanimo doon siday u socdaan,
waxyeelooyinka uu gumaysigu shacabka Ogaadeenya gaadhsiiyo,
guulaha halganka & jabka cadowga intaba.
Dadweynaha sharafta abadn ee Warbaahinta QM
ku taxan waxaanu ugu bishaaraynaynaa in aanan ka daali doonin
soo gudbinta & faafinta xaqiiqada dhabta ah ee Ogaadeenya
ka jirta, Insha Allah waxaanu ku dadaali doonaa in aan gudaha
Oghaadeenya si toos ah uga soo gudbino warar & barnaamijyo
xiiso badan kuwaas oo uu cadowguna aad uga nixi doono isla
markaasna fashilin doona beenta uu afuufayo xaqa uu daboolayo
intaba.
Hadaba goor dhaw ayaanu soo gudbinaynaa barnaamijka
oo aad ka heli doontaan si weyna idiin saamayn doona, Barnaamijkan
cusub ee Xaqiiqada Ogaadeenya & Xogta Naftiihuraha yuusan
ku dhaafin kana ag dhawoow warbaahinta qarniga ee Qorahay
Media oo heegan buuxa ugu jirta u hiilinta dadka & dalka
Ogaadeenya goor walba & goob walba.
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com