Jan 4, (2013 (QOL)
Gacan ku dhiigle Abdullaahi Ethiopia oo
maalmahan ku dhuumaalaysaneyay Magaaldan Minneapolis MN
ayaa sheegay in uu yahay nin awooda ugu badan ee wakiilada
gumaysiga leh isla markaasna xiriir aad u wanaagsan xukuumada
gumaysiga la leh, damiir xume Abdullahi Ethiopia ayaa sheegtay
in uu yahay shaqiga ugu dhaw sharaakiisha saraakiisha Tgreega
& madaxada xuykuumada gumaysiga ugu saray.


Damiir xume Abdullaahi Ethiopia wuxuu sheegay
in sida ugu dhakhsaha badan u badali doono gacan ku dhiigle
Abdi Iley (Abdi Ubo) wuxuu carabka ku adkeeyay in aysan
waxba ka jirin wararka sheegayay in Axmed Sheikh booska
adeeganimo ee Abdi Ubo lagu badalayo, damiir xume Abdullaahi
Ethiopia oo hadalkiisa sii wuxuu sheegay in ay isaga &
Tigreegu heshiis ku yihiin in loo wakiisho gumaadka &
acbudhinta bulshada Ogaadeenya uuna si degdeg ah u qaban
doono shirkii waxa uu xisbiga ku tilmaamay.
Ninkan oo uu gumaysigu soo safriyay wuxuu
horay ugu fashilmay safaro uu wadamada dibada ku tagay oo
la doonayay in borobogaandhada gumaysiga lagu baahiyo wuxuuna
sheegay in uu haatan wadamada dibada ku marayo sacodaalo
uu sheegay in ay Tigreegu qorsheeyeen kuna wajahan shacabka
Ogaadeenya ee wadamada qurbaha ku baahsan oo abaabulkii
labadii sano ee tagay laga dhex waday uu gumaysigu ku guul
daraystay.
Damiir xume Abdullaahi Ethiopia hadalada ka
soo yeedhay oo u muuqda catow waxay muujinayaan khilaafka
kala riixashada gacanyarenimada gumaysigu heerak ay marayso
waxaana xogtan laga helayaa ragga safaarda gumaysiga ee
Markaykan aad ugu dhawdhaw oo magacyadooda in la shaaciyo
ka gaabsaday.
Damiir xume Abdullaahi Ethiopia oo si aad
ah u doonaya in uu mar uun noqdo dambiilaha ugu sareeya
ee ku fadhiista gogosha dhiiga shacabka Ogaadeenya wadhanyahay
ayaa si weyn ugu dadaalaya in uu helo saaxiibo qurbaha ku
nool oo sacabka beenta ah ku taageera, wuxuuna wacad ku
maray in uu Abdi Ubo ka taqalusi doono.
Damiir xume Abdullaahi Ethiopia ayaa safarkii
Maraykanka uu ku tagay nuxurkiisu wuxuu ahaa in uu sheegto
adeeganimada ugu saraysa ee gumaysiga wuxuuna ku hanjabay
in uu Abdi Ubo qadaadka qaban doono waxaase la sheeagyaa
in ay ak hoos kaceen koox uu Abdi Ubo ku xidhan kuwaas oo
si adag u weeraray.
Si kastaba ha ahaatee gumaysiga sii cadceedsanaya
oo falaadhaha ku qotoma meesha lagaga ganayo garan la'a
ayaa baryahan miciin biday in uu dabada ka riixo shaqsiyaadka
aan damiirka lahayn ee gumaadka shacabka Ogaadeenya uu u
wakiishay kuwaas oo aan waxba u soo kordhinaynin
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com