Madaxa HAAB ee JWXO Sheikh Maxamed Diirane oo Magaalada Cape Town si heer sare ah loogu soo dhaweeyay shir balaadhana ku qabtay.

Jan 4, (2013 (QOL) Madaxa Hogaanka Abaabulka & Arimaha Bulshada ee Jabahdda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) Mudane Sheikh Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane) oo labadii bilood ee u dambeeyay wadanka South Africa ku sugnaa ayaa mudadii uu wadankaas joogay wuxuu kulamo diineed & kuwo abaabul ku qabtaya Magaalooyinka Pretoria, Johannesburg, Port Elizabeth, East London & Cape Town.

Sheikhu wuxuu la kulmay qaybahaha kala duwan ee bulshada Islaamka ee wadanka South Africa ku dhaqan gaar ahaan Shacabka Ogaadeenya & bulsho weynta Somaliyeed, She\ikhu wuxuu kulamo qiimo badan la yeeshay Jaaliyadaha wadamada Carabta ka soo jeeda & Hay'adaha Islaamka dalka South Africa.

Jaaliyada Ogaadeenya ee Magaalada Cape Town ayaa si aad u balaadhan u soo dhawaysay Mudane Sheikh Diirane wuxuuna kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada siad Culumaa'udiinka, Aqoonyahanada, Waxgadaka, Ururka OYSU & sidoo kale Haweenka Ogaadeenya dhabar u ah.

Madaxa HAAB ee JWXO Sheikh Diirane ayaa la kulmay Hay'adaha Islaamiga ah ee saamaynta badan ee ka jira gudaha Magaalada Cape Town.isagoo kala hadlay tacadiyada loo geysanayo Shacabka Soomalida Ogaadeenya ee gumaysiga Ethiopia ku hoos jira & gadoob falada ka dhacaya Geeska Africa gaar ahaan dalka Ogaadeenya.

Haddaba waxaa goobta ka hadlay dhamaan marti sharaftii ka soo qeyb gashay shirka waxayna dhamaantood sheegeen dhibaatada loo gaysanayo Somalida Ogaadeenya in ay tahay mid laga xumaado waxayna ugu baaqeen dawlada Ethipia inay joojiso xadgudubyada ay shacabka Soomaalida Ogaadeenya ku hayso dhanka kale waxay baaq u direen dadka Soomalida ah, Muslimiinta & Hay'adaha xuquuqda Bini'Aadamka u dhaqdhaqaaqa waxayna ku booriyeen in ay qadiyada Ogaadeenya garab istaagaan kuna dadaalaan sidii shacbiga Somalida Ogaadeenya uu u heli lahaa xaqa ayaa ka tashigiisa ayna dhamaatay xiligii la is gumaysan jiray.

Dhanka kale waxaa madasha hadal dadka aad u qiiro galiyay aadna loo xiisaynayay ka jeediyay Mudane Sheikh Diirane wuxuuna masuulku ku dheeraaday taariikhda hagalganka Ogaadenya & guud ahaan Geeska Africa, sidoo kale Masuulku wuxuu si aad ah u bayaamiyay guldaradii Ethiopia ka raacday wadahadalki fashilmay ee ONLF & Ethiopia ku dhexmaray dalka Kenya bishii November oo uu isagu ka mid ahaa ergadii ONLF uga qaybgashay wadahadalkaas.

Mudane Diirane ayaa sheegay in Ethiopia aad loola yaabay qaabkii ay u dhaqmeen intii mudadii koobnayd ee wada ahdalku socday wuxuuna cadeeyay in jid & jahaba laga waayay oo ay hay'adihii dhexdhexaadinayay wadahadalka dhaqanka Ethiopiaku wareereen, waxyaabaha la yaabka leh oo ergadii Ethiopia lagu dhaliilay waxaa ka mid ahaa iyada oon waxbadan ka fahmaynin luuqadii English-ka ee wufuudu adeegsanaysay waxaana wax yar ka fahmayay Wasiirka Gaashindhiga Ethiopia.

Waxyaabaha kale ee lala fajacay waxaa ka mid ahaa markii wadahadalki joogsaday Ethiopia waxay Hay'adaha dhexdhexaadinta u qoreen qoraal ka hadlaya siday wax u dhaceen intii wadahadalku socday & in wadahadalkii joogsaday taas oo laga codsaday in labada dhinacba sixiixaan kadfibna Ethiopia ayaa diiday in ay saxiixdo ONLF ayaa dhankeeda aqbashay lakiin maadaama ayna Ethiopia sixiixin qaabki wax u dheceen ONLF ayaa noqotay geesi Alle ma xilo oo iyadoo guulaysatay looga mahadceliyay anshax wanaaga ay kula dhaqmeen ergadii dhexdhexaadinta.

Ugu dambayntii Sheikh Maxamed (Diirane) ayaa ku booriyay dadka Somaliyeed inay taageeraan dagaalka ay ONLF ugu jirto Xoraynta dadka & dalka Ogaadeenay wuxuuna bulshada Soomaaliyeed xasuusiyay Cadowtinimada ay Ethiopia u hayso guud ahaan jinsiga Soomaaliga ah wuxuuna soo qaatay hadalkii Mingistu oo dil uu ku xukamay Meles Zanawi gii geeriyooday kadibna uga mahadceliyay qabsashadii ay Ethiopia qabsatay Dalka Soomaalya dabayaqadii 2006 dii & xasuuqii ay ka gaysatay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somaaliya.

Maxamed Xaaji
Qorahay Media
Cape Town, South Africa
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online