Jan 4, (2013 (QOL)
Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis
iyo nabadgelyo Suubane Rasuulkeena MUXAMED CSW korkiisa,cilmiga
waa iftiinka nolosha midka diiniga koow sidoo kale aqoonta
dunidda ayaa ah mid qiimo weyn u leh bini-aadaamka kuna
anfacaadsanaa inta ama mudada kooban oo dunidan joogo(halka
Diinigu yahay midka lagu liibaano If iyo Aakhiroba)Alloow
naga dhig kuwii guusha hela maalinta xisaabta-aamiiin.
http://youtu.be/Otjz6d-Ms9E
Anigoo ah Ustaad-Xassan Carab mudnaan gaar
ah siiya arrimaha guusha ama faa'iidada u leh bulshoweynta
lagana heli karaayo kobciin aqooneed,daryeel caafimaad,horumar
iyo guud ahaanba wax-qabad qiimo leh,qalinkeeyguna yahay
mid camal kheyr ka shaqeeyn,wanaaga fadhid iyo wacyi gelin
heegan u ah cidna abaal kaga rabiin balse gudanaaya masuuliyada
diineed iyo mida qarameed oo iga saaran dhulkeeygga hooyo
iyo dadka ehelkeeyga ah (walaalaheeyga somaaliyeed)waxaan
qormadan ku qeexaayaa ahamiyada iyo kaalinta qiimaha gaar
ahaaneed leh ee Dugsiga Hanaqaad Lascaanood ooy shalay ka
qalin jebiyeen ardey gaaraaya(200 Gabdhood)oo bartay xirfaddo
kala duwan oo isugu jirra:- Dhar Tolidda(Harqaanka ama Dawaarka).
Cunto Kariinta Noocayo kala duwan ah.
Qalabka Guryaha(Qurxiinta).
Daryeelka Caafimaad.
Maadadda Xisaabta.
Habka ama Hanaanka Ganacsiga IWM.
Duruustaas iyo xirfadahaas ayaa ah kuwo siinaaya
ardeydaas in eey shaqooyin ku sameeyn karaan kana heli karaan
dhaqaale iyo daryeelka qoysaskoodaba,isla markaana u sii
gudbin karaan haweenka kale oo baahidda u qaba barashadda
farsamooynikaas Allah Mahad leh waxaana amaan iyo bogaadiinba
mudan Gudoonka Dugsiga Hanaqaad Lascaanood iyo guud ahaanba
Maamulka Hey'ada.
Hanaqaad waxyaabo badan ka qabata arrimaha
bulshadda runtiina muujisay dadaal dheeraad ah si gaar ah
daryeelka Haweenka iyo kodh u qaadidda aqoontoodda,wacyi
gelinta iyo ka shaqeynta bilicda magaalada iyo howlo badan
oo dhanka taakuleeynta iyo Caawinta dadka bara-kacsan iyo
howlo kaleba.
http://youtu.be/9hAzejdi6ZQ
waxaan halkan si gaar ah amaan,bogaadiin iyo
taageeroba uga soo gudbinaayaa Gudoonka Hey'adda Hanaqaad,Gudoonka
Dugsiga Hanaqaad Marwo Xaliimo Saalax Xasan Macaliin, Cibaado
Geele, Macallin Axmed Maxamed C/Laahi iyo Marwo Basra Cumar
Geele oo gudoonka Hanaqaad ka mid ah iyo cid walba oo gacan
ka geeysateey waxbarashadda Gabdhahaas.
Hanaqaad taageero iyo dhiiri gelinba mudan
waxaanu ku rajoweynahay in Jaaliyadda Qurba Jooga Reer Khaatumo
gaar ahaan Haweenka kartida badaniyo dadaalka ku caanka
ah eey mudnaan gaar ahaaneed siiyaan taakuleeynta iyo la
shaqeynta Hey'adda iyo Dugsiga Hanaqaad.
Laascaanood iyo guud ahaanba adeegyadda bulshada
degaamadda Khaatumo State(Hadalku ku dhan Dhulka iyo Dadkuba
Abaal weyn Mudan Wallee Mudan)Fadlan Ogaada Heyadda Hanaqaad.
Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan
Carab).
-sharifhassan50@hotmail.co.uk
Jan-04-2013.