Jan 5, (2013 (QOL)
Caawa fiidkii a ayaa waxaa garonka calamiga
ah ee Minneapolis/St. Paul International Air Port soo caga
dhigatay dayuradii uu la socday Gudomiye Kuxigenta Jabhadda
Waddaniga Xoreynta Ogadenya Mudane Moxamed Ismacil Cumar.
Waxaa garoonka buux dhafiyay adeyne aad u
farabadan oo tagera halganka xaqa ah ee ka socda dhulka
Ogadenya, dadkaas oo si quruxbadan ugu labisnaa calanka
iyo astamaha halganka Ogadenya ayaa safaf aad u dhadheer
u tagnaa garonka dhexdiisa ayagoo ay anshax iyo asluubi
ka muqatana waxaa ay soo dhawayn diiran iyo salanba gudoonsiyen
masulkan sare ee ka tirsan hogaminta JWXO ahna asaasayashii
udubdhexadka u ahaa curashada Jabhada ONLF , dhanka kale
waxaa ay caruur aad u dayari gudoonsiiyeen Mudane Mohamed
Ismaciil ubax aad u quruxbadan.

GX JWXO ayuu socdalkiisan uu ku sabsanyahay howlo shaqo
halgameed oo uu ku maroya dhamaanba Jaliyadaha Ogadenya
ee ka dhisan qarada Waqoyiga America, Jaliyada Ogadenya
oo malmihii u dambeeyay Mudane Mohamed Ismacil imaatinkiisa
sugaysay ayuu Mas'uulku shirar isdaba joog ah la yeelan
doonaa kuwaas oo lagu wado in ay Gobolka Minnesota ka dhici
doonaan kadibna uu uga sii kicitimi doona gobolada kale
ee wadanka Maraykanka.

GX JWXO ayaa lafilayaa inuu warbixino aad loo sugayay u
soo gudbin dono Jaliyada Ogadenya ee uu la kulmi doono,
fahfahinta shirarka iyo howlaha Mas'ulkani uu qabandoono
wararkeena dambe kala soco hana ka foganin Qorahay Media.



Mohamed Darba Wayne
Qorahay Media
Minneapolis.
qorahay99@yahoo.com