Jan 5, (2013 (QOL)
Wararka laga gudaha Ogaadeenya laga helayo
waxay sheegayaan dagaalo faro badan oo ka dhacay meelo kala
duwan oo dhulka Ogaadeenya ka mid ah, dagaaladaasi waxay
ka mid yihiin halganka hubaysan ee Ciidda Ogaadeenya gunmaysiga
lagaga xoreyynayo.
Ciiddanka
Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya oo maalmihii u dambeeyay si
aad ah u weerarayay fadhiisimada ciidamada gumaysiga ayaa
cadowga khasaare balaadhan oo dhinac walba ah gaadhsiiyay,
hadaba dagaaladii ugu dambeeyay ee ciidanka Tigreega ee
dad qalatoobay lagu jabiyay waxaa ka mid ahaa dagaal culus
oo ka dhacay Meesha loo yaqaano Bardaleey oo Gobolka Jarar
ka mid ah waxaana cadowga lagaga dilay 25 askari tiro intaas
ka badana waa lagaga dhaawacay.
Ciidamadan lagu jabiyay dagaalka waxay ka
soo hawlgaleen Magaalada Guunagaddo iyadoo ujeedadoodu ahayd
in ay dadka shacabka ah dhibaateeyaan, CWXO oo goob kasta
ciidamada gumaysiga ku weerara ayaa ka war helay waxayna
hadhkoo cad ku weerareen ciidanka cadowga oo Garbada biyaha
laga cabo ee Bardaleey ka cabaya.
Dagalkaas oo ahaa weerar si hufan loo qorsheeyay
kadib CWXO waxay kla wareegeen goobtii ay Tigreegu ku sugnaayeen
waxayna ka uruursadeen hub’daawooyin & qalabkale
oo muhiim ah, dagaalada maalmahan Ogaadeenya sida xawliga
ah uga socda waxay cabsi & walaac hor leh ku abuureen
xukuumada gumaysiga Itoobiya oo guadheedana uu dabku si
aad ah uag holcayo.
Si kastaba ha ahaatee weerarada aan kala joogsiga
lahayn ee CWXO ay askarta dhiiga shacabka Ogaadeenay ku
nool ku naafeeynayaan waxay u muuqdaan kuwo dahnka guusha
kama admbaysta ah u sii ruqaansanaya.
Dagaaladaas & guud ahaan xaaladaha kala duwan ee Ogaadeenya
wixii ak soo cusboonaada wararka dambe kala soco.
Qorahay Media
qorahay99@yaho.com