Gumaysiga Itoobiya oo 1800 oo guri Magaalada Godey ka duminaya & xaalada magaaladaas oo aad u kacsan.

Jan 5, (2013 (QOL) Warar hadda gudaha Ogaadeenya naga soo gaadhay ayaa sheegaya in Magaalada Godey laga dareemayo xaalad daganaansho la’aan ah oo dhibaatooyinkii awal jiray ku soo biirtay, gumaysiga arxanka daran oo marwalba dhulka Ogaadeenya gabood falo ka gaysta ayaa Magaaladaas ka wada qorshe la doonayo in lagu dumiyo 1800 uu guri oo isugu jira rugo ganacsi & guryo la daganyahay waxaana xaafada la duminayo ku yaala Masaajidka Magaalada Godye ugu weyn oo aan wali la cadaynin in uu meelaha duminta loo calaamadiyay ka mid yahay & in uu badbaadi doono.

Darwiish Macalin oo Qorahay Medai gudaha Ogaadeenya uga soo warama ayaa loo xaqiijiyay falkan argagax badan ee shacabka masaakiinta ah loogu awood sheeganayo, Wariye Darwiish oo goor dhaweyd dad Magaalada Godey ku sugan la xidhiidhay ayaa loo cadeeyay arintan oo aad layaab u ah.

Maalmo ka hor ayaay saraakiisha gumaysiga & gacanyareyashoodu shacabka Magaalada Godey ku amreen in laga guuro xaafada ka mid ah Magaalada oo ay sheegeen in guryaha ka dhisan la duminayo, dhismeyaashan la duminayo oo tirada kor ku xusan naloogu sheegay waxay ka koobaniyiin 640 Bakhaar, 300 cooshado yaryar ah & inta kale oo guryo ay dadku daganyihiin ah.

Oday ka mid ah dadka guryahooda in la duminayo lagu wargaliyay ayaa Qorahay Media u sheeegay in uu gurigan maalkiisa ku dhitay mudo 42 sano ahna uu daganaa, Odaygani wuxuu sheegay in uu guriga & booska uu ka shisanyahayba isagu leeyahay isla markaasna uu 10 caruur ah ku dhalay sidaas awgeedna uusan garanaynin sababta looga duminayo

Mar aanu Odaygan weydiinay waxa duminta guryaha sabab looga dhigay wuxuu yidhi “ anaga waxaa naloo sheegay in duminta kadib naloo dhisi doono waxaase suuqa ku jira warar sheegaya in marka guryaha lawada dumiyo ee galangal laga dhigo dhulka la qaybin doono oo dad aan horey dhimayaal ugu lahayn wax laga siin doono.

Hadaba dadka gurayahooda la duminayo ayaa loo qabtay in ay baneeyaan maanta oo taariikhdu ay ku beegantahay 05/01/13 waxaana baro kacay dad aad u faro badan oo lafahooda u qaxay kadib markii loogu hanjabay in talaabo culus laga qaadi doono hadii aysan ogolaanin amarkan guyahooda lagu duminayo, warku wuxuu intaas ku darayaa in ay dad badani arintaas ka cadhoodeen isla amrkaasna ay muujiyeen diidmo & in aysan arinkaas aqbali karin.

Dadka diidmaad muujiyay ayaa qaar ka mid ah xabsiyada loo taxaabay waxaana si aad ah u kacsan bulshada Magaalada Godey, ujeedada uu gumaysigu qorshahan u indisay ayay shacabka Magaalada Godey tuhunsanyihiin in uu gumaysigu wado shirqool la doonayo in shacabka loo maleego.

Shirqoolka uu gumaysigu maleegayo waxa lagu macneeyay in duminta kadib la doonayo dad aan dhulka dhismeyaasha laga dumiyay aan horey waxba ugu lahayn in meesha la soo galiyo arintaasan ay ka dhalato fitan & dagaal.

Isku soo wada duuboo talaabadan guracan ee gumaysigu uu guryaha shacabka ku duminayo waxay ka mid tahay fafalka nacabnimada ah ee ay shacabka Ogaadeenya marwalba la kulmaan balse arintan aya noqonaysa mid gabi ahaanba baro kicintii gumaysiga looga bartay ka duwan waana markii ugu horeysay ee qorshe noocan ah tiro guryo ah oo intaas dhan sabab la’aan la duminayo.

Gurayaha shacabka laga duminayo & guud ahan xaaladaha Ogaadeenay wixii kusoo kordha Qorahay Media kala soco.

Darwiish Macalin
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online